Qarax ka dhacay magaalada Bosaaso (Sawiro)
July 22, 2009 · Comments (2)
Qarax ka dhacay magaalada Bosaaso (Sawiro) | read this item Horseed Media
Breakingnews
Waxaa caawa qarax xoogan uu ka dhacay bartamaha magaalada Bosaaso, halkaasi oo wararka horudhaca ah ay sheegayaan inay dad ku dhaawacmeen.
Qaraxan ayaa ka dhacay aaga Hotel Karama 1 ee magaalada Bosaaso, sida ay soo tabinayaan wariyayaasha Horseed Media ee hada goobta gaaray.
Illaa iyo hada lama oga waxa uu yahay qaraxan, waxaana la xaqiijiyey inay jiraan dad ku dhaawacmay qaraxa, oo goobaha caafimaadka la geeyey.
Dadka ku dhaawacmeen illaa 12 Qof oo isugu jira Rag iyo Caruur yaryar oo ku sugnaa aaga qaraxu ka dhacay.
[View with PicLens]
Qaraxaan ayaa goob joogayaashii ku sugnaa oo qaar ay ka mid yihiin dhaawaca ayaa noo sheegay in ay Ciidan marayeen Wadada ayna markay cabaar sii socdeen uu qaraxu dhacay, kadibna halkaa ay ciidankii Fureen Xabado oo ayna ku dhaawacmeen qaar Dadka rayidkaa ee Dhaawaca ah.
Saraakiisha amniga oo aan wax ka weydiinay ay noo sheegeen in ay baarayaa oo ay ka warbixin doonaan marka ay haboonaato.
Horseed Media

