
Madaarka Bosaso oo laga dhoofiyey socotadii Shineyska ee baaskiilada ku Safreysay
Ninkaan oo lagu magacaabo Lue Zhong ayaa dhawaan Ciidamada Amaanka Puntland ka qabteen kontrolka Magaalada Garoowe isagoo kaga yimi dhinaca maamulka la magac baxay Somaliland ninkaan ayaa baaskiil ku soo maray 114 dal oo caalamka ka tirsan.
Ciidanka Amaanka Puntland ayaa ninkan soo gaarsiiyey Magaalada Bosaso oo Markii danbena laga dhoofiyey Madaarka Magaalada Bosaso Halkaas oo loo dhoofiyey Wadanka Djabouti maalinimadii shalay.
Wasiirka Amniga Gen. Cabdullahi Siciid Samatar ayaa sheegay in Lue Zhong uu ku soo galay Wadanka Sharciga Dal ku soo galka ama Entry Visa, uuna Sharci daro lagu qabtay loona Masaafurin doono wadanka Djabouti.

read more here: http://www.calanka.com/Wararki-Maanta/warka27745