Galkayo: Massive Turnout For Minister's Funeral

Dedicated for Puntland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
Somalian_Boqor
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 10847
Joined: Thu Feb 15, 2007 2:56 am
Location: Fuck Faroole & His Supporters

Galkayo: Massive Turnout For Minister's Funeral

Post by Somalian_Boqor »

Galkayo: Massive Turnout For Minister's Funeral
Image

Warsame Cabdi Shirwac oo lagu aasay Galkacyo, iyo M/weyne Faroole oo la hadlay reer Galkacyo.
Galkacyo, Aug 06 - Waxaa goor dhawayd lagu aasay qabuuraha magaalada Galkacyo Alle ha u naxariistee Warsame Cabdi Shirwac.

Marxuumka ayaa loo sameeyey aas qaran, waxaana ka qayb galay madaxda dawlada Puntland.

M/weynaha Puntland C/raxman Maxamed Faroole, ku xigeenkiisa C/samad C. Shire, Afhayeenka baarlamaanka C/rashiid M. Xirsi, mudanayaasha golayaasha dawlada, Issimo, dadweyne ... [Akhris ...]
User avatar
Somalian_Boqor
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 10847
Joined: Thu Feb 15, 2007 2:56 am
Location: Fuck Faroole & His Supporters

Re: Galkayo: Massive Turnout For Minister's Funeral

Post by Somalian_Boqor »

M. Puntland oo ka qayb galey Aaska Wasiirkii Warfafinta
6 Aug 6, 2009 - 4:49:39 AM

Wafdi ballaran oo u hogaminayo Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiraxman Maxamed Maxamud Faroole ayaa gaarey magaalada Galkacyo ee Gobolka Mudug ayaa ka qayb qaatey Aaska Wasiirka Warfaafinta Dowladda Puntland Marxuum Warsame Cabdi Shirwac "Seefta Bannaanka" oo Maalintii shaley Kooxo hubeysan ku dileen Magaalada Galkacyo,

Wafdigan Madaxweynaha ayaa markii ay gaareen Galkacyo durbaba waxay billaben u diyaar garowga Aaska Qaran ee loo sameynayo Marxuum Seefta Bannanka iyadoo wafitaga ay kamid ahaayeen Madaxweyne Ku-xigenka Cabdi-samad Cali Shire, Wasiirro, Xildhibaannada Puntland, Guddoomiyaal Gobol iyo Saraakiil Ciidan.

Ammaanka guud ee Galkacyo ayaa si weyn loo adkeeyey iyadoo ciidamo aad u tiro badan oo kuwa Birmadka ah la geeyey magaalada islamarkaana ay gaaf wareegayaan Jidadka magaalada iyagoo markaasi si adag isha ugu haya dhaqdhaqaaqa guud ee dadka.

Dadaweyne aad u tiri badan ayaa soo buux dhaafiyey Qabuuraha gaar ahaan halka lagu Aasayo Marxuum Seefta Bannanka iyagoo doonaya iney ka qeyb qaataan, xilli goob jog uu ka yahay Madaweynaha Puntland isaga oo Khudbad ka jeediyey goobta lagu Aaasey marxuumkaas.

Garowe Online ayaa tacsi u direysa dhamaan ehelada marxuumka, shacabka Somaliyed iyo kan Puntland annaga oo leh ilaahey ha ka warabiyo Janno Fardowso.

Radio Garowe
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Puntland”