Boqor Maxamed Nuur Aadan oo iyo Weftikii uu Hogaaminayey oo

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
Ducaysane_87
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3997
Joined: Sat Jun 06, 2009 1:38 pm
Location: Financing the Handcutter Company of Ina Godane

Boqor Maxamed Nuur Aadan oo iyo Weftikii uu Hogaaminayey oo

Post by Ducaysane_87 »

Boqor Maxamed Nuux Adan oo dhowaan lagu Caleema saaray Magaaladda Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag ayaa u kici timay degaamadda Xamaas iyo Kulmiye iyo Midhisho, socdaalka boqorka ayaa ku salaysnaa sidii ugu kuur gali lahaa dhamaan dadka degaamadaa ku nool iyo xaaladda aya ku sugan yihiin iyadoo manta gobolka sanaag ay soo wajah day xaalad adag oo Abaaro daba dheeraaday kuwaas oo bara kiciyey boqolaal qofka , dadkaas oo kuwaayey xoolahoodii ay na sababtay arintaasi inay miciin soo bidaan sogelitaanka magaalooyinka, iyo tuulooyinka gobolka sanaag.

Boqorka iyo waftiga culus ee hogaaminaayey waxay shirka uga furmay degaanka Xamaas oo magaaladda Ceerigaabo ka fog 30 km, shirka oo socday muda gaadhaysa 14 casho waxa lagu marti qaaday ugu danbaytii Saxaafada qayba heeda kala duwan ee ka howl gasha gobolka Sanaag.
Shirka waxa kale oo aan ka madhnay Madaxda gobolka iyo Madaxda degamada Ceerigaabo, ugu horaytii shirka waxa ka hadlay Caaqil Maxamed Cabdalle (Cadceed) waxa hadaladiisii ka mid ahaa u jeeda guud ee laga lahaa shir waxay ahayd, sidii boqorka laysula dhinac taagii lahaa wax kasta oo lagu taam yeelaayo taageeradiisa waxa aanu beel ahaan garanay inaanu casuno beelaha kale ee Habar Yoonis Bari si wax inoogu ogaadaan mowqif cad kaaso oo ah taageeradda aanu la dhinac taagan nahay boqolka maadaama boqorku ka soo jeeddo ilintayadda Cabdi Xaamud ahaan, waxa kale oo aanu shirka soo saaray qobo badan oo qaar u gaar yihiin beesha, iyo qodoba kale oo bulshadu wadda wadaag to.
Shirkan oo Madax Dhaqameed ka kooban Nabadoono, iyo Cuqaal, Guurti kazoo qayb galeen ayaa waxa ka mid ahaa dadkii kale ee ka hadlay, Gudoomiyaha Guurtida Habar Yoonis Bari Naasir Cali Jaamac Colaad, waxana hadaladiisii ka mid ahaa’’ waxanu boqorka la dhinac taagan nahay taageero buuxda qodobadan ka soo baxay shirkana waa in sidooda loo fuliyaa, waxan kale oo u mahad naqayaa dhamaan waftigan ka soo qayb galay shirkan iyo degaanka Xamaas oo xil wayn iska saaray sidii shirkani u qabsoomi lahaa.
Qodoba shirka oo u badanaa qaar badan kooda Saxaafadda loo shaacin ayaa waxa ka mid ahaa kuwii shirka laga dhamaaqay kuwan soo socda iyadoo ay guurtidu ka cudur daaratay qodoba kale ayna sheegeen inay yihiin qaar u gaarta reerka oo kaliya, kuwii saxaafadda loo soo bandhigay ayaa waxa ka mid ahaa,
1. In Amni wanaag lagula dhaqmo dhamaan Beelaha kale ee degaanka ku nool, ha ahaadeen TAMCAAN WADAAG, oo dadka degaan ku dhaqan lays ku yadhi iyo dadka degaamada kaleba.
2. In La dhowro fiyoonaanta degaanka oo manta xaaluf badani ku socdo oo dhuxul loo isticmaalo taas oo loo dhoofiyo degaamadda Punti Land.

Waxa kale oo ka mid ahaa waftigii lagu soo marti qaaday shirkan oo Isu duwaha Wasaaradda degaanka oo qodoba khusayaa ka soo baxeen shirka Xuseen Xassan Cismaan (TALAAHI) Waxana hadaladiisi ka mid ahaa ‘’’’ mahad naq ka dib ka wasaarad ahaan waxa xil naga saran yahay dhowrista iyo ilaalinta degaanka sidii loo heli lahaa degaan fiyoow oo dadka iyo dalkaba wax tara waxa manta lagu waddaa gobolka dal dalasho degaan, kaas oo cawaaqib xumo horsed u ah, waad aragtaan manta degaanka Xamaas waxa lagu qabtay laba gaadhi oo u raran dalka inala jaarka ah ee Punt Land, waxa idinku la talinayaa inaad degaanka ilaalisaan maadama aad balan qaadeen ilaalinta degaan, iyadoo Aafo dabeeciya oo degaan ina soo food saartay aan uwadda guntano ilaalinta degaanka iyo daryeelkiisa, waayo degaan laani waa nolool hadaba ka dhabaya go, aamadda shirkan lagu soo saaray.

Ugu danbaytii waxa lagu soo dhowayey boqor Maxamed Nuux Adan oo hogaaminaayey waftiga ku sugan Tuuladan xamaas ‘’’ waxan boqorku usoo mahad naq balaadhan u soo jeediyay dhamaan dadkii ka soo qayb galay shirkan isagoo sheegay inay waajib tahay in la fuliyo dhamaan qodobadii lagu soo gaadhay shirkan, shirkan oo Reerka (Cabdi xaamud) uga socday muddo gaadhay 14 casho dabadeed dhamankii shirka aanu ku soo marti qaadnay dhamaan madax dhaqameedyadda beesha Habar Yoonis Bari si loogu soo bar dhigi qodobadii lagu soo gaadhay shirkan Xamaas ku soo gaba gebooday, shirkani maaha mid danaha reerka qudha lagaga hadlaayey ee waa mid u wada dan dhamaan bulshadda ku dhaqan gobolka sanaag. Waana shir horuumarineed ee maaha shir dano kale taabanaayey.


Waftigu uu hogaaminaayo boqorku ayaa maalintii danbe u kicitmay Tuuladda KULMIYE, waftigan ayaa si heer sare aha loogu soo dhowayey degaanka Tuuladda kulmiye iyadoo boqolka iyo waftigiisu ku sugnaya degaankaas laba maal mood.
Boqorka iyo waftiga uu hogaaminaayo ayaa hore u gaadhi doono degaamadda Hal dhaagan, Dir- Xamar, degaamadaas oo casumaado u fidiyey boqor Maxamed Nuux Adan. Boqorku waxa uu ku mamnuucay dal dalasho degaan oo maashaa ka jirtay iyadoo dhirta nooc yadeeda kala duwan dhuxul laga dhigaayey oo gaadid badan lagu qabtay goobaha socdaalkiisa uu ku maray boqorku oo kaashanaaya ciidamada boolista ee Tuuladda KUlMIYE .

Source of Sanaag

Cumar Siciid Nuur
reporter sanaag.org
CEERIGAABO/SOMALILAND
Nuur507@hotmail.com


Tiriyaha soo booqdayaasha iyo akhristayaasha

http://bancade.com/articles.php?articleid=107
User avatar
Bohol iyo karaman
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1060
Joined: Sat Dec 03, 2005 12:37 pm
Location: Is'argoof> Inta Sacad Yoonis dhaqaan yahay Sidaan falaaba ii furan

Re: Boqor Maxamed Nuur Aadan oo iyo Weftikii uu Hogaaminayey oo

Post by Bohol iyo karaman »

Waar Ninkaasu miyuusan Ducaysane ahayn!? Waar bal waran, Xagaad kuu sugaantahay, Miyaadaan Ceelkii Gaadhin weli?

What are u doing Puntland? bal xabad yar oo an diraacadaa kagaa baxo igaa soo naqee abtiyada
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”