Galkacyu attack: fingers point to Ahlu Sunna militia

Daily chitchat on Somali politics.

Moderator: Moderators

User avatar
Somalian_Boqor
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 10847
Joined: Thu Feb 15, 2007 2:56 am
Location: Fuck Faroole & His Supporters

Galkacyu attack: fingers point to Ahlu Sunna militia

Post by Somalian_Boqor »

Wadaado lagu diley masjid ku yaala Koonfurta Galkacayo
12 Aug 12, 2009 - 1:51:50 AM

Shan kamid ah Wadaadda loo yaqaan Tabliiqa kuwasoo ku caan baxey fidinta diinta Islaamka una dhashay wadanka Pakista ayaa xaley lagu diley masjid ku yaala diilinta kala barta Woqooyiga iyo koonfurta Galkacayo.

Masjidkan oo ku yaala agagaarka Iskulka H/Dhexe ee Ummadda ayaa wararka soo baxaya sheegayaan in dilkaan ay gaysteen koox Maleeshiyo ah oo afku u duuban yahay kuwasoo xoggo lagu kalsoon yahay xusayan iney ka tirsan yihiin kooxaha islaamiyiinta ee ku dagaalama gobolada dhexe.

Shanta qof ee dilka loo gaystey ayaa kamid ahaa 25 Wadadd oo Tabliiq ah kuwaasoo malintii shaley 11 August,2009 kasoo dagey Garonka Galkacayo kadib-na a y gacanta ku dhigeen ciidamada amniga Puntland balse la sii daayey markii wax laga waydiiyey wadaada tabliiqa ee reer Puntland ah.

Alaha u naxariisteen wadaadaan oo ayaa labo kamid ah dhaawacooda la dhigey Isbitaalka guud ee Galkacayo iyadoo xaalkooda gacanta ku hayaan dhakhaatiirta..

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in dilkaan ay fuliyeen maleeshiyaa d ka tirsan Ahlu -sunah wal-jamaaca kuwaasoo dagaalada ka socda gobolada dhexe kula jira ururada Al-shabaab iyo Xis-bul-Islaam.

Afhayeen u hadley Ahlu-sunah Waljamaca ayaa beeniyey iney ku lug leeyihiin dilkaan isaga oo sheegey iney baarayaan.

Garowe Online oo wax ka waydiiyeey maamulka Puntland dhacdadan ayaa waxey noo sheegeen in dhowaan warsaxafeed kasoo saari doonaan dhacdadaan.

Ma aha markii ugu horeysay oo Wadada Tabliiqa lala beegsado dilkaan oo kale iyada marar hore waxyeelo loogu gaystey masaajidyo ku yaala magaalada Muqdisho.

Wadaadda Tabliiqa ayaa alaaba waxaa bartilmaameedsada kooxaha tuhunka ka qaba in ururka Al-Shabaab ay tageero ka helaan dad ajaanib ah oo ka yimidaada aduunka daafihiisa kale sida Koonfurta Barri ee Asia.

Garowe Online, Garowe
User avatar
Somalian_Boqor
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 10847
Joined: Thu Feb 15, 2007 2:56 am
Location: Fuck Faroole & His Supporters

Re: Galkacyu attack: fingers point to Ahlu Sunna militia

Post by Somalian_Boqor »

Gaalkacyo: Ehlu Suna oo beeniysay in ay lug ku leedahay dilkii xalay kadhacay.
12.

Gaalkacyo(AllPuntlan d)- Ururka Ehlu Suna Waljameecah ayaa beeniyey in ay lug ku leeyihiin Dilkii xalay lugu dilay xubno ka tirsanaa Ururka Tabliiqa ee magaaladaasi Gaalkacyo Masjid weyn oo kuyaala.

Ehlu Suna ayaa sheegay in aysan waxba kala socon arrimahaasi, isla markaasna ay ku daba jiraan warbixino cadeynaya halka ay ka soo jeedaan dadkii ka dambeeyey falkaasi.

Afhayeen uhadlay Ururkan oo lasoo hadlay AllPuntland ayaa cadeeyey in aysan waxba kala socon arrintan, isagoo ugu baaqay dadka magaalada Gaalkacyo in ay ka shaqeeyaan amaanka iyo kala dambeynta.

" Marnaba kama danbeyno arintaasi, waxaan maqalnay warka sheegaya in ay Ehlu Suna wax ka ogeyd dilkaasi oo aan aaminsan nahay in uu yahay mid aad uga fog Diinta Islaamka iyo Xeerarka Madaniga ah, waxaana ugu baaqaynaa Shacabka Soomaaliyeed in ay taageeraan dadaalka aan wadno ee nabad raadinta ah aana ku difaacayno Diinteena Islaamka ah" Ayuu yiri Hadal hayeenkan oo magaciisa ku sheegay Maxamed Cabdi Siciid.

Beenintan Ehlu Suna ayaa ku soo beegmaya xili xalay magaalada Gaalkacyo lugu dilay Shan wadaad oo ahaa Wadada loo yaqaano Tabliiqa, isla markaasna mudo dheer ku jiray fidinta Diinta Islaamka.

Dowladda Puntland ayaan wali ka hadlin arintaasi, waxaana magaalada saaran bandow deg deg ah markii ay faraha ka baxday xaaladaha magaalada Gaalkacyo, isla markaasna maanta maalinteedii todobaadkii hore lugu dilay Wasiirkii Warfaafintii Puntland.

F. C. Maxamed
AllPuntland
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - General Discussions”