Raage Ugaas Warfaa ( Gabayo Collection, First Edition)

Faarax-Caytame
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 428
Joined: Fri May 23, 2008 2:34 am
Location: Awaare

Raage Ugaas Warfaa ( Gabayo Collection, First Edition)

Post by Faarax-Caytame »

Waxaa idiin soo gudbiyay suugaantan uruuriska ah, Studio Aartubane.
Qoyska uu Raage Ugaas ka dhashay waxaa la yidhaahdaa anagoo Jilib Kore ka sheegeyna, Laakin la soco ma,aha abtirkii oo isdaba-joog ah oo aababa aan aabo ku xijineyno, Jilibada Unbaan qoreynaa. ( Reer Cumar Ugaas, Reer Ugaas Faarax, Reer Guuleed, Reer Ugaas Samatar, Reer Ugaas Xirsi, Reer Ugaas Khalaf, Reer Cabdille, , Maxamed-Zubeyr, Baahale, MiyirWalaal, Ogaadeen, Absame, Daarood)

Gabayadii Raage Ugaas Warfaa
Abwaanku wuxuu gabygan tiriyay Dagaal ay la galeen Jidwaaq Absame, Ayaa waxa la laayay rag badan oo u ku dhaadan jiray , waxaa ka mid ahaa ragaas, Geel-Toosiye Geeydh, Iyo Askar Cumar Ugaas.
Abwaanku wuxuu aad uga xumaaday dumarkii dumaasha sugayay iney heleen niman aan ku habooneyn oo ragii la laayay aan udhigmi karin.
Wuxuu Yidhi Raage Ugaas, Allaha Unaxariistee

Haddaan ooyo naagaan arkoo, wax uma aaboobin
Haddaan aamusnaadana qalbigu, ii askummi maayo
Haddaan igadhyo maalana anfaco, ku il samaan maayo

Haddaan ilaxidh seexdana hurdada, alalad bay dhaafin
Haddan Eegi dheer fuulo aan, ololo oon reemo
Oon uubateeyana raggii, iigu iman maayo

Abjac diday uluuli aan jid galin, agabar shay diid ah
Hadduu timaha oogtaa ka dhigo, adari boodhboodh leh
Ardaal nacas ah naaguhuba, wayska ogolaadaane

Ina adhi jireed iyo mid aan, habartii awr goynin
Aakhiro ragii tagay haddaan, Eebe ka aqoodo
Haddii uun la dayn Nabiyadii, lama idleeyeene
Saw waxaan ilaawaba mid xumi, ima ogeysiiyo

----------------------------------------------------------
Abwaanku wuxuu gabaygan marshay mar gabadhii u doona-neyd ee uu xoolaha ka baxshay, uu guursaday Garaad Faarax Garaad Wiil-Waal.
Wuxuu Raage Ugaas Gabaygan kusoo bandhigay arimo badan oo dareen taabad leh.
Wuxuu ugu horeeyn afnaqay dhibaatada uu gabadha u maray, Wuxuu Mar labaadna Xusay Sida tolka uu ka dhashay aan loogu aqoon jirin iney samraanba, Mar Sadexaadna dagaalka ka fool ka fool oo shaqsiyeed isaga iyo Garaad Faarax ka dhex dhici doona,Ayuu kusoo gunaanaday.
Wuxuu Yidhi Raage Ugaas, Allaha Unaxariistee

Alleyl dumay albaabadoo laxidhay, uunkoo wada seexday
Onkad yeedhay uugaama roob, alif banaadiikh ah
Iihdayda bixibaa libaax iman lamoodaaye

Raggase adhaxda iyo ooftu waa udub dhexaadkiiye
Labadii waxlaga eegijiray waan ka awdnahaye
Halkaan aa ka leeyahay Illaah kaliya uun baa og

Aboodigu malalo garab haduu iin ku leeyahaye
Orod uma holado ooglihii adhaxda beelaaye
Ma aarsado il iyo oof nimay iimi kaga taale

Aroos uma galbado nimuu wadnaha arami jiifaaye
Geeluba markuu oomo wuu ollol badnaadaaye
Sidii inan yar oo hooyadeed aakhirow hoyatay

Oo aabeheed aqal midkale meel illina seexshay
Hadba waxaan la urugoonayaa uurkutaalada e

Ninkaa ila xidhkiisii Nin kale eegay baan ahaye
Ninka illo biyaleh soo maree ooman baan ahaye
Ninka ooridiisii nin kale loo igdhaan ahaye

Nin abkii Ogaadeen yahoo aarsan baan ahaye
Afdhabaandhow aayar ninkaa aamusaan ahaye
Alle Gooyey oo nabi inkiray oo islaam ma ihi
Ninkaa oorideydii qabaa ubad haduu yeesho

----------------------------------------------------
Abasguul Jidwaaq Absame ayaa waxeey marti qaadeen Raage Ugaas.
Raage oo horayba qoyskaa dekeno uga qabay ayaa ka shakiyay marti qaadka, Wuu soo yeelay oo wuu aaday.
Maalin ka dibaa walaalkii Ugaas Xuseen isna la marti qaaday, Raagase wuu uga digay inuu aado meejaas.
Ugaas Xuseen hadalkii raage dhag uma dhigina wuu aaday marti qaadka.
Abasguul iney qudho ka jarteey rabtay ugaaska, Gargaar allase wuxuu soo baxday isagooyna dhagna kaga jirin, oo faraskii gees walba waran ka taaganyahay oo luudin haya.
Raage Ugaas baa markaas gabaygan tiriyay oo aqli celin ah.

Wiyil gaarin geeskiyo dhagtiyo, giirka qaban maayo
Shabeel oon gabraartiis ogahay, gacantogleyn maayo

Gojaxiyo nin waran ii watoo, ani i gaadaaya
Gag intaan idhaahdo oon hurdada, ugu garaardaayo

Garbahayga hilibkaa ku yaal, gooso odhan maayo
God abeeso gacantayda midig, galin aqoon maayo
Garaadkeygu meelaha badhkood, ani i geyn maayo

--------------------------------------------------
Queen_Arawello
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 6096
Joined: Mon Jan 12, 2009 4:23 pm
Location: Aware and Dhagax-Buur

Re: Raage Ugaas Warfaa ( Gabayo Collection, First Edition)

Post by Queen_Arawello »

Raage Ugaas :clap: :clap: :clap: :clap: :clap:

Malmaha go back to Sland section dhilayahay urayso :arrow: :arrow:
Faarax-Caytame
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 428
Joined: Fri May 23, 2008 2:34 am
Location: Awaare

Re: Raage Ugaas Warfaa ( Gabayo Collection, First Edition)

Post by Faarax-Caytame »

Raage wuxuu Geeraar wanaagsan ku amaanay faraskiisii geyigaba ka caan baxay ee la odhan jiray Weehad.
Raage Ugaas Amaan-duule weyn buu ahaa oo dagaalka iyo fardo-fuulka ku xeel dheer, Wuxuu kolkan ina tusayaa, Astaamaha Weehad leeyahay ee isaga cajabiyay.
Wuxuu ku bilaabay geeraarkiisa, In Gabay loo qiray oo loo daayay isaga, Ka dib gudo galay faras amaanidii.


Geeraar waa nin wanaajiyo
Ninuu waraar kaga oodmiyo
Nin sidayda warkiisiyo
Wacdigiisa yagaanee
Walhadow faraskayga
Weedh yar oon ku amaanay
Wowga maan ka bilaabo
Gamaan waa kala waare
Weehadow orodkiisu
Wadhaf dayn lagaxooriyo
Taarka layska warqaadiyo
Ma wayeenka shukaantoo
Wanaag loogu qabtaa?

Weyraxow camalkiisuna
Waraab aan u kaxeeyo
Isagoon wada laacin
Anigoo wada mooyee
Ninkii haanta ka waabshiyo
Wallayskaa garabjoogaba
Widhiidhuu kudilaaye
Wiyil qoodh ah miyaa?

Weedhaan show dhakhsihiisuna
Ma wareega libaaxoo
Intuu neef ka wab siiyay
Wid hadii layidhaahdo
Wankallaadi u boodka
Dadka waabinayaa?

Werisow midabkiisuna
Cirka oo wadhanaayoo
Wahabkii laga qaadiyo
Wirriilaa aan caddaaniyo
Ma waagoo sagliyaa?
Meel waylaaqtan col joogoo
Warmaa laysku ridaayana
Wadnahaan ku kabaaye
Wiil uu Eebbe ku siiyiyo
Ma walaalkay rumaa?
Wajigiisa arsaaqduna
Wax haddaan ku eryaayo
Ma wadooyinka ceelkoo
Roobku aad u warmeeyiyo
Waadigoo rogmadaa?
Hadaan heega ku weedhan
Ka wareeji idhaahdana
Wajaquu ambadaaye
Madaxuu kor u waaliyo
Indhuhuu ka wig siiyey
Wiyic waayac curaaf iyo
Ma wax sheeg sixiraa?
Warran waaxyaha gooyiyo
Wayab qaarka madow iyo
Ridda soo widh-widhlaysiyo
Wajaafkeeda rasaastuu
I waydaarinayaayee
Ma wadaad layaqaanoo
Wanaagii arbacuunka
Waligiisba yaqiinoo
Wan intaad u qashay
Walduxaada quraankiyo
Walleyl kuu akhriyaa?
Dadka oo wada seexday
Hadaan ooda ka weecshana
Waddankaan ku shakaalo
Ma waydaaran yaqaanee
Ma wanaagsan gabdheedoo
Waalli kuu gogoshoo
Wareegaysa dushaadoo
Wacdigaad ku lahayd iyo
Waanadii aqbashaa?


------------------------------------------------

Gabaygan wuxuu abwaanku ka tiriyey geeridii walaalkii Ugaas Xuseen. Isaga oo Qoraxeey jooga oo reer uu gabadh ka qabay ina la yaal u ah, ayuu cuntadii diiday oo uu mar qudheeta goosan kari waayey. Gabadhii uu qabay oo Xaddiyo Nuur Yey la odhan jiray ayaa aabaheed u tagtay oo ku tidhi ninkii waxna iima sheegayo dheeftiina diid. Dadkii horre wax garasho iyo fahmo badan ayey ahaayeene, odaygii gabadha dhalay ayaa gartay in meesha wax ku jiraan oo uu Raage wax tabanayo. Gabadhii buu dabadeed wuxuu ku yidhi, haddaynine, kolba toosiyoo, isagaa hadli doonee wuxuu ku hadlo iisoo sheeg. Gabadhii baa aqalkedii kusoo noqotay oo taladii abaheed yeeshay. Markii u dambaysay ayuu fadhiistay oo uu yidhi:
Gabaygan Murti gooni ah ayuu sitaa, ee adiguba daalaco.

Saldhadaan fadhiyey Faaraxow, la iga soo saarye
Salka inuusan dhigin baa, adduun laga sugaayaaye
Sidii surayo neef qali ayaan, suuqa taagnahaye

Haddaan geed siyaab looga dhigin, saar ma joogsado e
Suhra ma arko labadii indhood, nimay saruurmeene
Shir sasabane guul saadambe ah, amase saakuuna
Suxulkaa ka soo leef markuu, badowgu sooyaamo

Raggii kala sabaalayn jiriyo, sayncaddaa madhaye
Salaad loo danleeyahay ma ogi, si aan idhaahdaaye
Anba saatan inay duniyi noqon, saabka kuma hayne
Gablan samo adduun waa waxaan, kor u siyaadayne

Sidka geelu waa labiyo toban, seben dhammaantiise
Sacna caanihii waa intuu, sabadku buuxaaye
Adhina waa sadqee lagama helo, seedda joomaha'e
Sanduuqaan miftaaxii lahayn, waa surduban jaane
Birta haddii uu soofuhu ka lumo, saawir bay noqone

Gobannimo raggii sare ka tegey, waa siraad dameye
Sooraale aar baa dhufsaday, sararihii Nuure
Saratoosiyaa Aadan cunay, siqigii dheeraaye

Soonkii kal horre Yuusuf baan, siigadii dhigaye
San yaraan hagoogtiisa siday, laba sabaanoode
Sahal bay ahaayeen raggaan, saa u leeyahaye

Maantaa salaankii u jabay, Samatar Fooljeexe
Sarsar igu bannaanaa mus iyo, sud igu deyrrayde
Nin sirsiraad ka damay wuxuu shitaa, sooma xaabadiye

Soo jeedahaan ku hurdi jiray, sulubkii geeryooye
Wax badan baa siddii siiqa webi, saa naloo wadaye

Boqorkaan saf iyo fara lahayn, waa sakaar adhiye
Dhaaxaan salaamiyo ahayn, saafi nabadeede
Gablan samo adduun waa waxaan, kor u siyaadayne

Sabca saynabkii Adariyo, timirtii reer Saaxil
Burka iyo sareenkaad ku dubi, saanta dabadeeda
Sudna igama gelin dhuunigaad, soo dey leedahaye

Sengihii xiniiyaha la jaray, yaan sidii ahaye
Sikac oo igala baydh, soo noqnoqodkaaga
Iga seexo surin layhayo, yaan seedi kaa gu'ine
Ha i siinin soortii shiflaa, lagu sadaadaaye
Ama saadanimadii haween, saacadba i toosi
Faarax-Caytame
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 428
Joined: Fri May 23, 2008 2:34 am
Location: Awaare

Re: Raage Ugaas Warfaa ( Gabayo Collection, First Edition)

Post by Faarax-Caytame »

Gabaygan wuxuu Abwaanku marshay, Goortii iilka dhigay Walaalkii Ugaas Xuseen, Iyagoo Madashii dib ugu soo laabtay, Ayuu Marshay Gabaygii dheeraa ee ahaa ( Saratoosiyaa aadan cunay siqigii dheeraaye) ood mareegta kale ee raage ugaas ka akhrisan kartaan.
Kolkuu gabaygaas marshay, Ayuu Gabaygan ku xujiyay oo u khaas ah nin seedigii ah oo Raagena inan-layaal u ahaa, Raage ku raagay Tacsidii, Kolkaasuu is yidhi armeey reerku ku tiigsadaan, Marka inuu soo socdo ayuu gabaygan ugu sheegay.
Wuxuu Yidhi Raage Ugaas Allaha unaxariistee

Muli kuyan lawaashida cad iyo, laashinka adduunka
Lama ooyin laanqeyr sideed, laysku wada laabay
Anoon kuna ladayn kuna lulmoon, laab siraad ololka
Sheekhyadu lamaadiye sidaan, leyl u yuururaye

Raggii lumay libaaxdii go'diyo, nimankii leexeeyey
Lurkay iga hayeen baa i galay, sida dab laydheede
Umad baan lalabaheed ku jiray, tabar lihiinkeye

Wuu kugu laclaafuu is odhan, laqankii Ciideede
Lugta iyo haddii aanan ka jabin, lowga iyo dhaadka
Marna inaan kaa laabaneyn, igaga laab riixo

--------------------------------------------------------------
Gabayada Raage Ugaas Warfaa ee wada cajaa'ib ah waxaa ka mid ah gabaygan tixdan hoose aan ka hayno. Wuxuu Raage gabaygan ka tiriyey geeridii xaaskiisii uu aadka u jeclaa, Xaddiyo Nuur Yey oo libaax qaaday iyadoo habayn madow soo dheelmad ah.
Wuxuu Adeegsaday Habdhismeed iyo halbgeed aad umudan in gabayada soomaaliyeed loogu horeysiiyo.
Ogaanteydana Gabygan dhowr jaamacadood oo qurbaha ah ayeey dad ajaanibi ahi ku lafo gureen, dareenka ku dugeen gabaygan iyo farshaxanka uu raage ugaas ku meegaaray.

Sida koorta Yucub oo la sudhay, korommo buubaal ah
Ama geel ka reeb ah oo nirgaha, laga ka xaynaayo
Ama beelo keynaan ah, oo kor u hayaamaaya
Ama ceel karkaarrada jebshiyo, webi karaar dhaafay
Ama habar kurkii iyo wadnaha, lagaga kaw siiyay
Ama kaal danley qaybsatiyo, kur iyo dhal yaabis

Shinni kaaluf galay ama siddii, koronkoroo oomi
Xalay kololo’aygii ma ladin, kaamil reeruhuye
Kunbulkiyo ardaagii miyaa, laygu kaliyeeyay?
Wixii laygu kuunyeeyay miyaa, igu karaamoobay?
Kunbiskii miyaa layga qubay, kolayo ii buuxay?
Maantana kataantii miyaa, layga kala qaaday?
Kob abaar ah oo dhexe miyaa, koore ila meeray?
Kub miyaan ka jabay biixiyaan, kabayo loo haynin?

--------------------------------------------------------------------

Gabaygan wuxuu abwaanku ka tirshay, Mar La gooyey arin uusan ku qanacsaneynin. Ugaas Xuseen iyo Aw Yuusuf niman leh ayaa Talada Gooyey, Raagena wuu saluugsanaa.
Wuxuu Yidhi

Wallee ama rafiiqdoo sidii, Raxan walaalowde
Ama idin rash tiri bawdadaan, laga rukuucaynin
Rufucii tol kala gala haddii, layska wada raadsho
Haddeydnaan sidii yacay ruqsamin, dhagaxa ii raabi
Faarax-Caytame
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 428
Joined: Fri May 23, 2008 2:34 am
Location: Awaare

Re: Raage Ugaas Warfaa ( Gabayo Collection, First Edition)

Post by Faarax-Caytame »

Abwaanku wuxuu gabaygan kaga waramay naftiisa, Inta arimood ee ugoonida ah iyo inta uu la qeybsado dadka.
Murtida wuxuu sheegay in isaga iyo rag door ahi wada murmaan, Martidana in isagiyo xigaalkii wada murmaan, Dagaalkana in lagu wada murmo qaabkii la isu habeyn lahaa.
Wuxuu yidhi

Murti aniyo raggi la goor, waanu muranaaye
Goortey martiyi reer timaad, waanu muranaaye
Mar dagaal maryaha loo xidhana, waanu muranaaye
Inta kale meheradey kalaan, maamushaa aniye

--------------------------------------------------------------

Wuxuu abwaanku gabaygan kaga maansoonayaa, Awooda Libaaxa ilaahay siiyay, Iyo Soomaalidii Horre sidey uga wada fajacsanaayeen Libaaxa.
Waxaa la sheegay inuu gabygan tiriyay, Mar niman ay ilma adeer ahaayeen ay ku qodo-qodoyeen inuu gabay aan sal iyo baar midna ka iman uu soo tuuro, Raage Ugaas Ileen Boqorkii Gole-Kafuul iyo Leeldo-Fuulba wuu ahaaye, Wuxuu Yidhi Raage Ugaas.

Codkii laga baq aragiis la carar wadana ceeydheeye
Il-casuusle raadkiis carjab ah laga cabsoonaade
Ciddiyo dhuuryo coofaar-bulloow ciyo-reen baasle
M'waa lala ciyaaraa libaax laga cadheysiiyay

-----------------------------------------------------------

Gabayada cajjibka ah ee Raage Ugaas ee aan wax badan laga haynin waxaa ka mid ah gabaygan aan dhawrkaa tixood ee hoose ka hayno oo uu abwaanku ku timaamayo ammaarado badan oo dhaqanka suuban ee Soomaalida gundhig u ahaan jiray. Wuxuu yidhi:

Sud libaax leh meel bahal salkiyo, saymo la arkaayo
Sanqadh tirashadaa lagu maraa, laga ma soo saaro
Suryo oodan meeshii surdub ah, suul haddaad geliso

Qunyar baa siddaha loo baxshaa, laanta la ma saydho
Ninkii maalintaa ka sita een, laga sad qaadaynin
Sawd gibin ah baa loo ceshaa, laguma sooyaansho
Faarax-Caytame
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 428
Joined: Fri May 23, 2008 2:34 am
Location: Awaare

Re: Raage Ugaas Warfaa ( Gabayo Collection, First Edition)

Post by Faarax-Caytame »

Raage Ugaas Xili uu cimriyay ayuu gabaygan marshay, Wanaag iyo Xoog badnina wax lagu waaro ma,aha ee wax ilaahay keeno, oo Raage Ugaas Afkiisaa laga hayaa ( Gablan Samo Aduun Waa Waxaan Kor u siyaadeeyne)
Abwaanku wuxuu sheegay in reerkuu dhalay eey sooceen, dhaqankii soomaalidii horre ku sameyn jirtay odayga.
Wuxuu Kaloo xusay dheerarkiisii geedka lebiga la ekaa uu dhabarka soo laabtay, Wuxuu Lixaadsi dheeraa in dhabihii lagu wada dhaafay, Hubkii uu ku dagaal geli jiray uusan qaadan, Usha uu ku qutubo mooyee.
Waa Gabay runtii Murti badani ka muuqato, dadka suugaanta dhuuxana meel horre ka gasheen suugaanta soomalida ee dhaxal galka ah.
Wuxuu Yidhi Raage Ugaas, Allaha Unaxariistee.

Intaan khayli dhuugyaha cas iyo, dheeg wiyil ah qaatay
Ee dhalaanka aadmigu u baxo, sidatan lay dhawray

Kolkii horeba dhererkii miyaa, dhabarkii soo gaabtay
Ma ka dhaxay dhawaaq uubatiyo, dheelmitaan gibin ah

Dhabbe reero qaadeen miyaa, laygu wada dhaafay
Ushaan dhaabin mooyee hubkii, ma iska wada dhiibay
Raggaan dhalay ragguu dhalay miyaa, dharabo ii diiday

Kuwii aniga ii dhaxay miyaa, dhimashaday dooni
Dhuuniga i siiyaay miyaan, sidda dhalaan ooyey
Waxan dhawrsan jiray ceeb miyaa, igu dharaarowday

--------------------------------------------------
Dhaqankii Horre ee soomaaliyeed, aad bay utix gelin jireen xiliyada, Shin-dhaladka , Xidig macneeynta, iyo dhalashada, Si la isugu lifaadho.
Raage Ugaas wuxuu kobtan ka faaloonayaa, Xiligii uu dhashay iyo Xidigtii kusoo aaday dhalashadiisa. Wuxuu Yidhi Raage Ugaas

Afagaal dhac urur soo baxaan uur habreed galaye
Habartayna aar gudi hayey aragtay waagiiye
Afar iyo tobnaad baan dashiyo dirir arooryaale
Ma asiibkay baa galay maxaan eel la dhigi waayey

------------------------------------------------------
Raage Ugaas wuxuu gabaygan ku lafo gurahayaa Murti aad ubaaxad weyn.
Qaab dhismeedka wuxuu u ekeeysiiyay inuu riyooday, oo uu inoo turjumayo Riyadii iyo qaabkey udhaceysayba.

Xalay Isniintii waxaa i helay toban umuuroode
Asal gama'na ways idhi hurdana uurka kama seexan
Indhahana makala qaadihayn, aragna way muuqday

Afka kama dhawaaaqayn hadana, aamus ma aan yeelan
Ogaan uma qoslayn oo hadana, iligyaday muuqday
Aradkana dad kuma weheshanayn, ururna waan joogay

Albaabada dibada baan ka iil, aqalna waan jiifay
Istanbuuli cadar layma marin, udugana waydaaray
Oon baa idilay oo biyaan ku agwareegaayay

Onkod iyo hilaac roobna waa, nagu itaaleeyay
ufo dhibicdu may wadin hadana, ooduhuu lulayay
Awaartii manabin oo hadana, wuu anfacay kaynta

Anfariir xaluunbaan hurdada oog la sookacaye
Ilinkaan talaabada ku waday, kol aabaarahaaye
Meeshaan abaarada kutago, aakhir bal aan eego
Faarax-Caytame
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 428
Joined: Fri May 23, 2008 2:34 am
Location: Awaare

Re: Raage Ugaas Warfaa ( Gabayo Collection, First Edition)

Post by Faarax-Caytame »

Raage Ugaas Warfaa wuxuu halkan ka gabyay gabadh uu guursaday, Ayuu wuxuu aad uga xumaaday nidaamkeeda guud.
Wuxuu soo xusuusiyay Haweeney hore oo uu qabay, Marka wuxuu kusoo gunaanaday, Na bal ka ciraab qaado tii horre intaan lagu furi lahaa.

Cirkoo da'aya qaar baan dhulkiyo, ciidda wada qoyne
Caleemaha gugii baxa badh baan, carun ku dheehnayne
Caku dunida cuur wada dhashuu, qaarba cayn yahaye
Yaa yidhi Cibaadiyo tanaa, caano wada nuugey

---------------------------------------------------------------
Raage Ugaas gabadhiisii horre markii ay ka geeriyootay allaha uraxmee, Ayuu xigsiin loo siiyay gabadh ka yareeyd.
Gabadhan dambe aad buu u dhaliilay dhaqankeeda oo maankiisii min-weyntuu horuu ku maqnaa weli.
Gabaygan cajiibka ah ayuu mariyay kolkaasna.

Illeyn caano way kala xidhmaan, dhayda iyo xoortu
Illeyn xabbagta geedaha ku taal, gabal xadhaadh weeye
Illeyn seeddigaa kuma xiltiro, xile haddaad weydo
Allahayow xadhaadhaa anfaco, xalayto la siiyey

Naa soo Xaliimoy Xaddiya, xaalna kama raacdid
Naa soo dharkaagoon xumayn, xidhan aqoon maysid
Naa soo tolkuba waa xurmee, kaba xishoon meysid
Naa soo dabkuba wuu xudhmaaye, xaabo lama saaro
Naa soo xalliin laguma dayo, xeedhadiyo weelka
Naa soo ardaageer xunka ah, waana lama xaadho


... Waxaa la weriyay in waayo ka dib, gabadhii jarre baratay oo wanaagsanaatay, wuxuuna ula baxay ( Gaban-Duco)
------------------------------------------------

Wuxuu Raage Ugaas gabaygan mariyay mar uu faray haweeneey uu qabay, Ayuu ka murugooday inuu taladaas ku dagdagay.

Dadkaan lumiyey, reerkaan dayacay, wiilashaan deyrshay
Iyo duusho siday naaga kale iigu dacaraysay
Iyo dawdarnimadaan ku kacay sida qof duul qaaday
Mindhaa labada daan iyo gacmaha siima kala daayo
Faarax-Caytame
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 428
Joined: Fri May 23, 2008 2:34 am
Location: Awaare

Re: Raage Ugaas Warfaa ( Gabayo Collection, First Edition)

Post by Faarax-Caytame »

Nin la odhan jiray Xirsi Boqon ayaa isku dheerariyay Raage Ugaas.
Raage markaasuu tiriyay Gabaygan oo goodi miidhan ah oo digniin kama dambeys ah uu udirey xirsi boqon.

Bus xaggaaya jiilaal balyaday, qaranka oo biifay
Barin doog leh nayluhu gugay, baqalyo rooraane
Baakiro tarkeed wow bishaa, laba bakuuroode
Bintadii lahayd dhaan hadday, uga buseylayso
Birisku biyaha ceel ma sido, mana baqool daayo

Baaluqe ismood wiil hadduu, buuryo-goys yahaye
Bisqinbaa nin weyn kugu dirtoon, biidna kuu tarine
Shansho iyo baruuriyo hadduu, badhi wan weyn yeesho
Baraar habartii loog kama baxshoo, gowrac kama baajo

Buulalaydh maraakiibta waa, lagu bidhaanshaaye
Intaan baxar sitiin kula galaan, kaaga soo bixiye
Badda hooy ka joog moolka, yaa bahalo jiifaane
Bi’i waaye Habar Yooniseey, baadidaa cesho

------------------------------
Gabaygan hoose wuxuu la socdaa sheekadii Raage Ugaas iyo Xirsi Boqon oo aan horebba ugu xusnay bogga ah Bi'i Waaye. Xirsi Boqon wuxuu caado ka dhigtay inuu Raage wax ka sheego oo uu wax gabay ku sheeg ah usoo diro, golayaashana ka duro markii uu helo cid wax ka maqasha. Maalin maalmaha ka mid ah ayaa war soo gaadhay Raage, warkaasoo sheegaya in Xirsi uu ku af-lagaadeeyey shir la isugu soo baxay. Raage wuxuu yidhi shirkaa nin Daarood ahi ma joogay?
Waxaa loogu jawaabay, dhaboyacaa meeja joogtay
Oo maxay arrintaa ka yidhaaheen?
ayuu Raage mar labaad weydiiyey. Waxba ayaa lagu wargaliyey. Raage haddaba Xirsi Boqon
Hadalkiisa ma xaalaynin ee wuxuu ka xumaaday in niman Daarood ahi maqleen isaga oo ninkii ugu magac
dheeraa uguna maamuus badnaa Daarood la jaa’ifaynayo, aysana arrintaa dagaal waa halkiisee wax hadal ah iyo eray difaac ah midna ka geysanin.
Raage Ugaas wuxuu mariyay gabygan oo ku wada faafay geyigii soomaaliyeed, iidoor ka sokowna, gabaygani dhabayocacdii wuxuu ku noqday astaan mahadho ah.

Subxaanyaduba waa halaq hadday surin maraysaaye
Senti-taano waa lacag hadday saaran tahay miise
Saratoosiyuhu waa wax weyn waana haad suga e
Sambab waa cad weyn oo kuyaal sarara hoostoode
Sooxaari waa timir Barni yaysan saakumine
Siin iyo dhareer waa candhuuf waana shay si ahe
Saalada Lo'du waa Cagaar waana saxan-riire
Siwaaqroonba waa niman hadday socoto Xaafuune

Subeer Maxamed, Siin Waaq, Bah Geri, Habar Siciid oo dhan
Saddexdii Harti iyo looma tegin Sade Mareexaane
Daarood silsiladiisa kore ayaan laysa soo sudhine
Saaxiibkayow ma anigaa suqayar lay mooday?
Mise wiilku wuu salal-anbaday Siiyahay magane?

Surgin baan ku jiriqsiin lahaa sidii sagaareede
Sanduuqbaan ku aabudhi lahaa soomadaaye ahe
Samo aabahaa falay baryaad sado ku maashaaye
Samaanteeda Habaryoonis baan salax rogaayaaye
Caku reer Suldaan Diiriye iyo Sugulle Caynaashe
Faarax-Caytame
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 428
Joined: Fri May 23, 2008 2:34 am
Location: Awaare

Re: Raage Ugaas Warfaa ( Gabayo Collection, First Edition)

Post by Faarax-Caytame »

Raage ugaas wuxuu halkan ku nuuxnuuxsaday Geeraar leh Farshaxan iyo habdhismeed ay yartahay in geeraar kale lala simo.
Wuxuu geeraarkan si qodo dheer ugu amaanay Geella oo ah Lafdhabarta umadii horre ee soomaaliyeed iyo tan eeggaba joogta.7
Wuxuu si hoose oo lafo-gur ah u amaanay awooda ritiga uleeyahay gaadiidka.

Gugucdeeda arooryiyo
Isku gaagixinteeda
Away gooha wanaajaay
Gurxankii habilaad?!

Haddii giirku dareero
Barqin loo ganbaraasho
Adhina bowdka ku gaabto
Guduudkeeda arooryo
Indhaha waa gashinkoodee
Away reera gobeeyaay
Xeryihii ginginnaa?!

Cirka oo geddawaamay
Dayaxoo galka diidey
Dhulka oo gasariiray
Dhirta oo gabalkeed iyo
Garaskiiba hadh waayay
Caanahii gaasir noqdeen
Iyadaa la gumriyoon
Qareenkeeda gabayne
Away geedaha laacaay
Xunbadii gedfaneyd?!

Gabxo daalalliyaad oo
Gaasaar looga hayaamay
Kolka waagu guduuto
Koronkeeda la gaato
Haddaan soo garbadduboo
Ganka loo kabadeeyo
Anbaalkii gudbanaa iyo
Gantaalow udubkii
Xadhko loogu guntaayoo
In gaadanliyo dhiil iyo
Garaddii waxartii iyo
Gurboodkii yaryaraa iyo
Gardhaalay nirigtii iyo
Midka gaadha tolaayiyo
Kan gamuunka duleeshiyo
Gaallefay mindidii iyo
Intaasaan guradiisa
Gaarba gaar u dhigaa;
Dhigihii godgodnaa iyo
Lammadii gedfanayd,
Haddii aan geb ku siiyoo,
Xadhkihiisa u giijo
Asaan heegga ka gooyo
Galow buu u kacaayo
Haddii wiilku gadh qaado
Gurguurtow lama gaadhee,
Away gaatamahii?!

--------------------------------------------------------------------

Gabaygan wuxuu xidhiidh la leeyahay gabaygiisii horre ee ahaa (Garaadkeygu meelaha badhkood ani i geeyn maayo)
Walaalkii Ugaas Xuseen ayuu la hadlayaa , Wuxuuna Yidhi Raage.

Nimaad caafimaadkiis talin, kuguna ceebeeyey
Miyaa loo callaacala hayaa, caamo dhimanaysa


-------------------------

Raage Ugaas sida ka muuqata gabayadiisa kale, horayna eeynu uga faaloonay, Nin la,aantiis gar la gooyo ma aheyn.
Rag kibray oo ilma adeeradii ahaa ayuu gabaygan u marshay isagoo ka yaaban in talo faraha ka baxdo.
Wuxuu Yidhi

Allahayoow Aqli Gaab iyo Nin yari see arrin u eedday
Sideen Aaqilkii talin lahaa cid u ogeeysiinin
Dabadeedna eersiga sidee duq ugu aanoobay

------------------------------------

Raage wuxuu ahaa Abwaanimada ka sokoow nin aad ugu xeel dheer talo gooynta, oon la,aantii la goynin.
Taladuse mar walba taade ma noqotee, maalinbaa laga gol roonaaday, oo niman ay ilma adeer hoose isla aaheeyn oo wada MaalinGuur ( Reer Ugaas Samatar ah), waxaa ragaas ka mid ahaa.
Askar Cumar Ugaas, Aw-Xirsi Boon Faarax Samatar iyo odayo kale.
Wuxuu yidhi Raage.

Askar iyo rag odayaal ah iyo, Aw-Xirsiyo Yuusuf
Ikhyaartii lahayd Muxumadow, adiyo Nuur Guure
Haddaan eexo jirin oo arrini, saatan ka ahaatay
Waayeel irdaha wuu gafaye, aaqilnimadoy ba

--------------------------------------------------------------
Faarax-Caytame
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 428
Joined: Fri May 23, 2008 2:34 am
Location: Awaare

Re: Raage Ugaas Warfaa ( Gabayo Collection, First Edition)

Post by Faarax-Caytame »

Raage Ugaas Waa Abwaankii ugu horeeyay ee Suugaanta Soomaalida ablo-ableeya, kuna soo kordhaya astaanta lagu bilaabo iyo hooriskaba.
wuxuu yidhi raage ugaas, allaha unaxariistee.

Hooyaalayey gabyga way, ugu horeysaayee
Halla uma tartee maansadaa, lagu hagaajaayee
ina aadan
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3629
Joined: Wed Mar 18, 2009 10:44 am
Location: Inta Dahare Doolliyo Dohiyo, Diggi u hoosayso

Re: Raage Ugaas Warfaa ( Gabayo Collection, First Edition)

Post by ina aadan »

Hayaay war maxaad faaraxow ninka wax ka haysaa
Faarax-Caytame
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 428
Joined: Fri May 23, 2008 2:34 am
Location: Awaare

Re: Raage Ugaas Warfaa ( Gabayo Collection, First Edition)

Post by Faarax-Caytame »

Ugaas Ina aadan... Ha u deymo la,aan, Gabayo kaale oo raage leeyahay baa soo socdee inshallah
Faarax-Caytame
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 428
Joined: Fri May 23, 2008 2:34 am
Location: Awaare

Re: Raage Ugaas Warfaa ( Gabayo Collection, First Edition)

Post by Faarax-Caytame »

Raage markuu gabaygaa mariyay, ayuu odaygii gabadha dhalay siin iyo meher isugu daray da'dii ka yarayd
gabadha oo aan ayadu waxba ka liidanin tan weyn. Waatii Soomaalidu tidhi "nin meeli u cadahay meeli
ka madow e" Raage Ugaas gabadhii waa la'aqal galay, laakiin indhihiisu waa dhaafsanaayeen. Caado waxaa
ahaan jirtay marka gabadh laguursado inay reerkooda ladaganaato sanadka ugu horeeya si loo sidaa
baro maamuuska iyo maamulka reer leeyahay, daraadeed Raage Ugaas iyo Faarax waxay inalayaal u noqdeen
reerkii ay gabdha kaqabeen. Maalin maalmaha kamid ah ayuu Garaad Faarax Garaad Wiil-waal haweenaydiisa usheegay
inay sifiican usoo labisato, soona kaxayso walaasheeda ka yar oo ah xaaska Raage, dabadeed ku soo agmaraan
dulleed ka reerka. Garaad Faarax Garaad WiilWaal intuu u yimid Raage Ugaas ayuu ku yidhi war inakeen aan kabdhoodka shax kusoo ciyaaree,
kadibna waa laysraacay. Ayagoo shaxaya ayaa dumarkoodii soo kor mareen, dabadeed waxaa la'is waydaarsaday
tixahan halgaada ah:


Raage Ugaas Warfaa:
Geenyada inaan toociyaa ila gudboonayde
sidii guluf wax weeraray cidlaan gelelafaayaaye

Kannaan dagay ...................................

Garaad Faarax Garaad Wiil-Waal:
Geenyada nin lihi qoofashee qollolka meeraysa
Qiyaasli'i ninkii ugu tagow qoomamaa xigiye
Kannaan dagay............................................

Raage Ugaas Warfaa:
Geenyada nin lihi qoofashee qollolka meeraysa
Manala qoonsanaayaa haday fuulmo nooqabato

Kannaan dagay..............................................

Garaad Faarax Garaad Wiil-Waal:
Qumbe subaga oo meel qotoma oo nin lihi quuto
Qooraansigiisaa kuugu daran quud aan lacunaynin

Kanaan dagay..................................................

Raage:
Qumbe malaba oo meel qotoma oo rag wada quuto
Ma nalagu qoonsanaayaa haday gaajo noo qabato
Kanaan dagay..................................................

Garaad Faarax Garaad Wiil-Waal:
Nin adoogi dhawr qaalin dhalay qolona kaa fiican
Ma lagu qoonsanaayaa haduu gabadhi kaa qaaday
Kanaan dagay
...................................................

Raage Ugaas Warfaa:
Nin adoogi dhawr qaalin dhalay qolona kaa liidan
Mala qoonsanaayaa haduu rubadda kaa qaado
Faarax-Caytame
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 428
Joined: Fri May 23, 2008 2:34 am
Location: Awaare

Re: Raage Ugaas Warfaa ( Gabayo Collection, First Edition)

Post by Faarax-Caytame »

Raage Ugaas intuu ablaydii iska gooyey ayuu Garaadf Faarax Garaad Wiilwaal laba u kala gooyey, dabadeed gabadhuu jeclaa ee xilaha u ahayd Faarax
ayuu faras kiisa ku ritay, lana tagay oo reerkoodii la aaday. Raage Ugaas markuu tagay reerkoodii ayuu gabay ugu sheegay
wixii dhacay digniina kusiiyey in waxa uu sameeyay rag badani u gu'i doono. Wuxuuna yidhi:

Qab qab dhaafay waa waxay laba qabiil qaran ku waydaaye
Qaabiilba haabiil intuu qoonsaduu dilaye
Qar hadumo qiyaamana hadhaco qoysna yuu hadhine
Qacda waaga labadeena qolo ha isu qaateene
Walee Faarax qooqaan ku dilay qoomamayn mahayo!
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Ogaden - General Discussions”