17 Puntland students got scholarship

Dedicated for Puntland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
sheekh-Farax-zero
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 7590
Joined: Sat Apr 05, 2008 9:04 am
Location: pppppppp

17 Puntland students got scholarship

Post by sheekh-Farax-zero »

Garowe (RBC):- Xarunta Wasaarada Waxbarashada ee Magaalada Garowe ayaa Maantay waxaa dhacay kulan ay wada qaateen Wasaarada iyo waliba ardaydii ku guulaystay 17 boos oo waxbarasho dibada ah oo laga helay wadanka Sudan.

Kulankan oo ahaa mid ay wasaaradu ku soo bandhigaysay deeqada waxbarasho ee ay ka heshay wadanka Sudan iyo waliba ardaydii xaqa u yeelatay ee ku guulaystay kuwaas oo ahaa 17-kii arday ee ugu saraysay.
Image

Dr.Cali Cabdulaahi Warsame oo ah Madaxa Tacliinta Sare ee Wasaarada ayaa kulankaas ka sheegay in ardaydan ay yihiin kuwii ugu sareeyay Dugsiyada sare ee Puntland, waxaana uu sheegay Cali Cabdulaahi in ay Wasaaradu uga danleedahay kulankan in ay banaanka usoo dhigaan shacabka reer Puntland deeqaha waxbarasho ee dibada laga helo si uu u muuqdo waxqabadka Wasaaradu.

Dr.Cali Cabdullaahi Warsame waxaa uu sheegay in isaga iyo Wasiirka Waxbarashada Puntland Cabdi Faarax Juxa ay wadamo badan tageen oo ay kalasoo hadleen sidii Ardayda reer Puntland ee dugsiyada sare dhamaysa loogu helilahaa tacliin sare oo ay aqoontooda kor ugu siiqaadan.

Image

Image
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Puntland”