ka Maroorsadeen *Darood. Degaanka la Kala Qadaay Ayaa Sabab uu Ahaa meertada *Guba* la magac baxday ee uu ninka dhulmahante bilaabay.
Silsiladda Guba waxay salka ku haysaa duullaamo ay Beelo Habar Yoonis ahi ku hanteen Garduur iyo Doollo oo ah ceelal taxan oo ku yaala dhulka maanta loo yaqaan Zone 5 ee bariga Ethiopiada Soomalidu degto. Duulaamada habar Yoonis ku daaduunsheen Ogadenka waxa qaybtooda hore dhacday 1870 kii oo beesha Habar Yoonis taabtay Ceelal badan oo Harooyinka ku yaal. Silsiladda iyadana waxa soo gelaysa dhulka Cali Dhuux reerahooda laga hantay ee la yidhaahdo Cayn iyo Nugaal Godan.
Duulalka si xun wax u sheegga ah ee suugaanta ka sinaystaa waxay beryahan danbe caado ka dhigteen Inay majara habaabiyaan murtida mugga leh ee Soomaaliyeed. Suugaanta "Guba' la baxday taas kama duwana ayadoo la isku dayo
1. In taariikh aan meesha ku jirin la abuuro mid jirteyna daaha la saaro. Si kastoo la isugu dayey in loo taxriifiyo suugaanta soomaalida 20 sano ee hororada ma xishoodayaasha ah dalka gelelefayeen, misana way ku guulaysan waayo beentoodu iyaga ma dhaafto Soomaalida kalena dheg uma leh.
2. In magacyo aan qaarkood jirin gabayada "Guba" qaarkeed loo nisbeeyo. Waxa qosol leh in cajlad iyo buug lagu qoro gabayo aan jirin oo ragga qaarkooda loo nisbaynayaa aysan jirin.
3. In rag ku jirey laga saaro taasoo uu ka mid yahay abwaankii da'da yaraa ee Jamac Xirsi Gulleed "Ina Dubbe" oo ahaa ninkii ugu horreyey ee radiyey diradiraha ninka reer Koombe ka soo yeedhay.
4. In tirada ka qayb galayaasha silsiladdan la yareeyo ama la badiyo hadba sidii tebiyuhu dantiisa iyo tan reerkiisa u arko.
Waxyaabahaas iyo kuwo kaloo badani waxay ku tusayaan sida naf-la-caaridnimada ah ee la isugu dayo in beentii xilligii Afweyne la fidin jirtey ee la xijaabatay dib loo soo nooleeyo oo weliba baalal loo yeelo si loo khaldo bahda Suugaanta jecel.
Suugaanta "Guba" la baxday waxay bilaabatay 1923kii xilligaas oo dagaallo sokeeye oo badani socdeen ninkii laga muruq badnaana la muquunshay oo maatadiisii iyo dhulkiisii rag kale meersadeen. Ceelka Dannood oo ka mid ahaa deegaan ballaadhan oo Beesha HY ka maroorsatay Ogaadeenka ayaa Cali Dhuux hal uu gorofka u sitey loo diidey inay ka cabto markaasaa ninka meertadan bilaabay isagoon waxyaabo badan xeerin marshey gabay calaacal iyo ciilkaambi ku jiro oo uu ugu talo galay inuu ku guubaabiyo hunbbannida deegaankoodii rag kale degey.
Cali Dhuux Aadan Gorayo waxa, sida taariikhda suugaantu
qirayso, uu ka lahaa ujeeddooyin u gaar ah curinta maansadan. Waxa xusid mudan in aan Soomaalidii hore gabayga iska marin jirin ee la dhawri jireen munaasabad iyo mansab ku habboon si ay dhaxalgal u noqoto. Soomalida gabayda waxa kalooo dhaqan u ahaan jirtey in xitaa haddii loo gabyo aysan ka jawaab celin jiren illaa ay u muuqato inuu ku gar iyo garawshiinyo helayo, haasaawahana ku asiibayo. Waxa taas nooga filan Abwaankii Dhulqas Aadan (Gun-iyo-baar-eeg) oo sida uu sheegay "Gaarriye" sugayey jawaabta gabay uu marshey Cali Dhuux oo reerkooda wax ka sheegayey.
Maalintii ay "Dhulu-dheer" dhacday ee Biciidyana (Majerten) maroorsaday wixii maal uu lahaa dhulbahantah hawd ayay u muuqatay inuu Cali Dhuux uga jawaabo gabaygiisii. Hadal Haan ma buuxshee, Cali Dhuux maansada "GUBA" wuxu marshey iyadoo aan kalkeedii gelin dhawr sababood dartood.
.Isagoo Ugaadeenka uu lee yahay waan guubaabinayaa isagu dhacay sida ku cad jawaabaha ay bixiyeen raggii u jawaabay oo Daarood iyo Isaaqba lahaa. Tusaale aan u soo qaadanno dhawrkan tuduc:
Duunyada Fardood maalintaad deleb ku qaadaysey
Sidii Duul Amxaara ah markaad nagu dabrayneysey
Intaad haatan ii laba dublayn muu damqado jiidhku
Daabaca ninkii kugu dhuftee daabka kuu celiya
Iyo kii Duleedshaay ku yidhi wax isma doorshaane
Qamaan Bulxan
Nin dulmiyey Ogaadeen hadii cidi ka doonayso
Dunjigeeda Soomaalidaad ugu darnaydeene
Idinba waataa dubbaa Reer Subeer daan ku jabiseene
Idinkaa Dannood iyo ka hiray degeladoodiye
Jaamac Xirsi "Ina Dubbe"
Doqon iyo ogaadeen haddaad dalaw ku sheegaysey
Waxa daarahoodii kharibey duulka reer Gorode
Dunjiga reer Subeer oo dhanbaa duudsi loo naqaye
Adaa dalawadoodii dhacoo ceeb ku daababacaye
Weyl baan dabraabaad na tidhi waana didayaane
Nimankaad dadkii wada tustee daawo uga yeeshay
Waa maxay barordiiqdan aad ugu danookhyeysey
Ismail "Baashe"
Geelii ogaadeen ninkii goofiyaad tahay'e
Giddiga reer Subeer yahay ninkii gaadhay baad tahaye
Ninkii geed ku xidhay baad ahayd galabti weyshiiye
Gudaha Adari waa laga tirshaa gabayadaadiiye
Maxamed Fiin
Ogadeen dhasheega iyo sidii ceel dhanaan noqoye
Nin waliba dhabada waa yaqaan loogu sii dhacoe
Waa kaa dhulmahantii baqtiyey dhamaya caanaaye
Dadku dhoobbi iyo ciidan waa saad u dheregteene
Dhibbaa lagu qabaa xoolahaw dhacan ahaydene
Max'd Nuur Fadal
Gabayada kor ku xusan oo dhammi waxay tibaaxayaan sida Clai Dhuux raaskiisu godobta uga qabeen Ogaadeen ee aysan ugu
bannaanayn inay tirtirsi iyo tiiqtiiqsi gabay loo yidhi ay tirshaan. Qodobkan oo keliya ayaa ridaya gabayga cali Dhuux kuuna
Tilmaamaya in Cali Dhuux gabayga u tirshey si uu Magac uga helo maadaama suugaantiisu aysan deegaankiisa dhaafsiisnayn.
2. Arrinta labaad ee kuu caddaynaysa ujeedada dhabta ah ee Cali Dhuux ee magac raadiska ahi waxay tahay in dalkiisii la haystey, duunyadiisiina khayrkii ay meersadeen. Qodobkan labaad waxa isna ka markhaati ah taariikhda iyadoo raggii markaa gabaygiisa aanu hubsan ka jawaabayey ay sidoo kale sheegeen.
Hunbannida Ogaadeen intaad soo hirgelinaysid
Wax hortaada lagu maalayaa kii Hagoogane'e
Salaan Carrabey
Hannas iyo harraad kulul adoo habaqle soo guurey
Caynaba hadhuub kama dartaan hoga Kaliileede
Ka hulleele Hagar Aadankii hooballayn jiraye
Aduunbaa hayooyda u guntane heeryo lagu saarye
Salaan Carrabey
Idinkuba darkii Caynabaad deris ku taalliine
Dagaallama nin doorkii la laa duubcaddii Hagare
Ama na daaya waa wada qabnaa daawashiyo ceebe
Qamaan Bulxan
Dhaantada Ugadeeen intuu kula dhex meeraayo
Siduu dhaamo rer Webi intuu dhiilla gelinaayo
Alla dhoohanaa kiisa muu nagala dheeraado.
Max'd Nuur Fadal
3. Ugu danbayntii arrinta kale ee muujinaysa magac-doonnimada Cali Dhuux waxay tahay isagoo;
a. Dhawr afarrey iska daba tiriyey markii gabayadii istaageen taasoo oo uu uga jeeday in sheekadu sii socoto
b. Markii afarreyduu tirinayey socon weydey buu bilaabay inuu gabayga soo geliyo Salaan Carrabey oo aan isagu soo gelin silsiladda isagoon dan ka lahayn nimanka Daarood ee doodaya. Cali Dhuux si uu u sii fidiyo sheekada ayuu gabay uu Salaan iyo HJ, oo maalkiisi iyo dalkiisaiba haysta, u tiriyey afarreydan
Ogaaden Hadhuuudhkyo sidii hilibka loo boobye
Nin waliba hadhuubuu toshiyo haamo gooniyahe
Nimankaan harraadkiyo aqoon hawdka maristiisa
Kulay habar Jecliyo Ciise tahay waa ka helayaane
Haweenkuna hadday doonayaan inay hidiidaane
JAAMAC XIRSI GUULEED "INA DUBBE"
Habar Yoonis, Reer Caynaanshe.
Jaamac wuxu ahaa ninkii ugu horreeyey ee ka soo jawaabay gabaygii Cali Dhuux A. Gorayo uu bilaabay. Jaamac oo markaas 26 jir ahaa wuxu yidhi "Waxan sitey qori Maadhiin Yare ah oo hilka Shakaddu u dhammayd. Labada gelin ka hore ayaan Daarta Bunduqa kala soo jeedsan jirey, gelinka dambana waxan raaci jirey Fooska wareega heelka duleedka ceelka Wardheer". Jaamac iyo Cali Dhuux waxa u dhexeeyey da' badan. Wuxu yidhi Jaamac maalin saddexaaddii markaan
u jawaabay Cali Dhuux ayuu ii yimi oo igu yidhi, isagoo da' iigu hanjabaya:
Dahaba maad eegine Ina Dubboow rag waa iga danbeeyaaye.
Ismaaciil Cigaal Bullaale
Habar Yoonis, Sugulle Caynaanshe
Ismaaciil Cigaal oo "Ismaaciil Baashe" ku magac dheeraa wuxu ku abtirsadaa Suldaan Diiriye Sugulle iyo Boqor Xirsi Ammaan Suldaan. Ismaaciil oo ka mid ahaa waxgaradka iyo waayeelka Habar Yoonis wuxu kaloo ka mid ah dadka soo dhaweeyey Dhulmahantadii ku caydhoowdey daaduunkii ina Cabdalle Xasan Canbaro Dhool Cigaal Bulaale u dhisay Cali Dhuux. Gobi waa tii abaalgudda'e Wuxu Ismaaciil aad uga xanaaqay abaaldhaca uu geystey ina Gorayo oo reerihii wanaagga u falay uu col ku soo hoggaamiyey.
Ismaaciil wuxu kaga qaybgelyaa tixda la yidhaahdo DACWI.
you can check the map here dhuulkii laga Xoogaay Dooro-radii



http://www.hoygasuugaanta.com/Silsiladii-Guba.htm