indhacade and amisom receive the karbaash of a life time
Muqdisho: Faahfaahin ku saabsan dagaalada ka socda caasumada Soomaaliya...Warbixin kooban....
20. august 2009
APL
Tool
Send This Article To A Friend By Email | Saaxiibkaa warkaan ugu dir Email
--------------------------------------------------------------------------------
Print This Article | Daabaco warkaan
Muqdisho(AllPuntland)- AllPuntland ayaa helayso tafaasiilaad dheeraad ah oo ka soo baxaya dagaalada ka socda caasumada dalka Soomaaliya, isla markaasna ay dhinacyadu kala gaareen guulo dagaal.
Ciidamada Midowga Africa ee AMISOM ayaa saaka qaaday dagaal ay mudo dheer abaabulayeen, waxa ayna ciidamadoodu ay saaka qabsadeen Ex-Wasaaraddii Difaaca ee dalka Soomaaliya, balse ugu dambeyntii halkaas waxaa ka qabsaday Xoogaga Ismaaliyiintaa ee ka soo horjeeda.
Dagaal adag oo kale ayay ciidamado uu wato Yuusuf Maxamed Siyaad (Indha-Cadde) ay ku galeen Agagaarka Ex-Wasaaraddii Baastada ee Muqdisho, waxaana dib loo celiyey Ciidamadii uu watey Hogaamiyahaasi.
Sarkaal sare oo ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in ay ciidamadoodu markale bilaabeen duqeymo iyo dagaal xoog leh oo ay kula dagaalamayaan mucaaradyada hubeysan ee ka soo horjeeda dowladda Soomaaliya.
Nin magaciisa ku sheegay Maxamed Siciid ayaa xaqiijiyey in ay ciidamada dowladda Soomaaliya laga qabsaday xarumo dagaal, isla markaasna ay jiraan dhimasho iyo dhaawac soo gaartay.
Dhinaca mucaaradka hubeysan ee ka soo horjeeda dowladda Soomaaliya ayaan ka hadlin dagaalada, waxaana ay wararku xaqiijinayaan in ay hada markale galeen gurmadyo keenid dagaalada ah.
F. C. Maxamed
AllPuntland







