Shabakada Jowhar.com waxeey idin soo gudbineysa hashiishki dhexmaray Dowlada Somaliya iyo mamul gobaleedka Puntland.
Shabakada Jowhar.com waxeey idin soo gudbineysa hashiishki dhexmaray Dowlada Somaliya iyo mamul gobaleedka Puntland oo ka kobaan 15 qodob waana sida soo socoto qodobada lagu hashiiyey.
1- Labada dhinac waxay isla qaateen in la sii adkeeyo Midnimada iyo Qaranimada dalka Soomaaliya, waxayna dowlada Federaalka u aqoonsan tahay Puntland qeyb kamid ah dalka Soomaaliya, oo uu maamul, nidaam iyo Nabad ka jirto, isla markaana hormuud u ah nidaamka Federaaliga ee dalka Soomaaliya.
2- Dowlada Federaalka iyo Puntland, waxay ku heshiiyeen dar dar la geliyo dhameystirka Dastuurka Federaalka, isla markaana la dhiso guddigii fulinta iyo arrimaha Aftida.
3- Si arrimaha Dastuurka iyo dhismaha Federaalka loo hirgeliyo waxay labada dhinac isku raaceen, in xarunta guddiga laga furo magaalo madaxda Puntland ee Garowe, ayadoo Puntland gacan siin doonto Guddiga si ay u gutaan hawshooda.
4- Ayadoo la tixraacayo ku dhaqanka Axdiga kumeel gaarka ah, waxay labada dhinac isla garteen si dhakhsoleh loo soo dhiso dowlad gobaleedyada harsan, isla markaana la dhiiri geliyo maamulka Puntland ee hada dhisan.
5- Puntland waxay maamul ahan uga qeyb galeysaa shirarka danheeda gaarka ah khuseeyo.
6- Waxay dowlada Federaalka waxay kala shaqeenaysaa Puntland dib usoo celinta iyo raadinta mashaariicda horumarineeda ee hay’adii Mucaawinada Talyaaniga FIA ay ka waday dagaalkii Soomalaiya kahor ka waday dhulka Puntland.
7- Waxay labada dhinac ku heshiiyeen in Puntland laga dhiso xarumo ciidamada tababar loona dhameystiro agabka qalabka.
8- Waxay labada dhinac ku heshiiyeen maadaama ay burcad badeeda faro ba’an ku hayaan Puntland in gobalada Puntland laga dhiso xarun weyn oo ciidamada bada, loona dhameystiro agabka iyo qalabka, ayadoo beesha Caalamka lagala kaashanayo.
9- Waxay Federaalka iyo Puntland ku heshiiyeen in wada jir ah ay isaga kaashadaan ka hortaga Burcad badeeda.
10- In wixii dowlada Federaalka ay ka hesho caalamka Deeq Waxbarasho, ay Puntland ka helayso 100kiiba 25%, ayadoo deeqahaasi ay ardayda Puntland u galayaan tartan ay maamuleyso Wasaarada waxbarashada, isla markaana Wasaarada Tacliinta Sare ee Federaalka, ay ku yeelaneyso kaalin kormeer ah.
11- Waxay wasaaradaha waxbarashada ee Dowlada Federaalka iyo Puntland yeelanayaan xiriir joogto ah iyo wada shaqeyn, ayagoo iska kaashanaya tababarada malamiinta iyo maamulayaasha, kana wada shaqeenayaan mideynta Siyaasada iyo Manaahijta dalka Soomaaliya.
12- Waxay labada dhinac isku afgarteen in dhamaan hay’adaha caalamiga ee u xilsaaran Soomaaliya, usoo raraan xarumahooda iyo xafiisyadooda meelaha nabada ka jirto ee dalka Soomaaliya, sida Puntland.
13- Waxay dowlada Federaalka Kumeelgaarka ah iyo Puntland ku baaqayaan, horumarinta iyo illaalinta, Diinta, Dhaqanka, Suugaanta, AfSoomaaliga, Madxafyada iyo Goobaha taariikhiga ah.
14- Waxay labada dhinac ku heshiiyeen in xiriir joogto ah lala yeesho, Jaaliyaddaha Soomaaliyeed ee dibada ku dhaqan iyo Qurbo joogta, laguna dhiiri geliyo dhawrida, Diintooda, dhaqaankooda iyo afkooda. In laguna dhiiri geliyo dib u dhiska dalkooda, iyo waliba inay xushmad iyo sharaf kula noolaadaan bulshooyinka ay ku noolyihiin oo dalalkooda ku marti geliyey oo dajiyeyna.
15- Ugu danbeyn waxay Dowlada Federaalka iyo Puntland isku afgarteen in dhamaan Wasaaraddaha iyo hay’adaha Federaalka iyo Puntland, yeeshaan xiriir joogto iyo wadashaqeyn.
FG:: fakirka shabakada Jowhar.com aay u aragto hashiishkan aya ah mid aay mamulgobaleedka puntland ku dooneyso waxii nacfi ah in la iskugu keeno gobaladooda ;dhaqaale militryba iyo waxii la mid ah. hadaba dadweyna waa u furan yahiin in aay rayigooda ka dhiibtan.
Waxaa la saxiixay heshiiskan
23 Agoosto 2009
Waxaa saxiixay
Dr.Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke
Raysalwasaaraha Dowlada Federaalka Kumeelgaarka Soomaaliya
Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud
Madaxweynaha Dowlada Puntland
The deal signed between reer puntland
Moderators: Moderators, Junior Moderators
Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
-
- SomaliNet Super
- Posts: 20301
- Joined: Fri Feb 08, 2008 4:50 am
- Location: Persian Empire
- Young Royal
- SomaliNetizen
- Posts: 414
- Joined: Thu Dec 30, 2004 10:18 pm
- Location: Puntland...The Land of Punt
Re: The deal signed between reer puntland
Don't let the qabiil lenses your seeing things with confuses you here, this was an agreement signed between the TFG and Puntland.
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 0 Replies
- 518 Views
-
Last post by The_Emperior5
-
- 6 Replies
- 1625 Views
-
Last post by Kudo
-
- 8 Replies
- 996 Views
-
Last post by Caesar
-
- 1 Replies
- 396 Views
-
Last post by DoubleAppleNmint
-
- 0 Replies
- 686 Views
-
Last post by Coeus
-
- 59 Replies
- 5871 Views
-
Last post by Siciid85
-
- 12 Replies
- 2492 Views
-
Last post by The_Patriot
-
- 9 Replies
- 1260 Views
-
Last post by AyanX1X
-
- 12 Replies
- 1452 Views
-
Last post by mahoka
-
- 16 Replies
- 1498 Views
-
Last post by original dervish