

Ilaah ayaa og in ey gabar tahay



Waxaa wali shaki ku jiraa oo lagu wareersan yahay arinta orodyahanada dhawaan reysay orodka 800m ee tartanka iminka ka socda mag. Berlin ee dalka Jarmalka Caster Semenya, waxaana ka hadlay arintan cirka isku shareertay hadal-haynteeda hooyada Samenya oo lagu magacaabo Dorkus, iyadoona sheegtay in ey la yaabtay shaki gelinta gabadheeda.
Samenya ayaa wararku sheegayaan in aan wali si rasmi ah loogu wareejin biladaheeda, taasoo sabab looga dhigay in lagu xiray baaritaan xaga jismiga ah oo la sugayo jawaabtiisa kaasoo kala cadeyn doona in ey lab ama dhadig tahay.