Baaq ay wadajir u soo saareen Beelaha Reer Biciidyahan iyo Cumar Maxamuud ee Dalka Ingriiska
August 27, 2009 filed under NEWS IN SOMALI, OPINION · Comments (1) بسم الله الرحمن الرحيم
.Ku: Dowladda Puntland
Ku:Beesha Cali Ibrahim
Ku: Beesha Cumar Maxamud
Ku: Waxgaradka Puntland
27/08/2009
Ujeedo: Baaq ay wadajir u soo saareen Beelaha Reer Biciidyahan iyo Cumar Maxamuud ee Dalka Ingriiska
Shir ay isugu yimaadeen wax garad ka tirsan jaaliyada ku nool dalka Ingriiska, kuwaa soo kala jeeda beelaha Cali Ibrahim (Reer Biciidyahan) iyo Cumar Maxamud oo ay uga wada hadleen dhacdooyinkii xumaa ee ka dhacay magaaladda Galkacyo ayna ugu dambaysay dilkii uu gaystay wiilkii gudoomiyihii hore ee gobolka Mudug iyo dhacdadii foosha xumayd ee ka horaysay laguna dilay Allaha u naxariistee Wasiir Warfaafinta, Warsame Cabdi Shirwac (Seefta Banaanka).
Wada tashi kadib waxa ay soo jeedinayaan qodobada soo socda:
Waxa ay si wadajir ah u canbaaraynayaan falalka siyaasadaysan ee loola jeedo in colaad looga abuuro labadaan beelood dhexdooda, falalkaas oo ah kuwa ku ugub ehelka dhexdiisa. Waxay sidoo kale uga digayaan labada beelood in ay ka foojignaadaan wax kasta oo dhaawici kara wada noolaanshaha iyo wadjirka dadka wada dhashay.
Waxaa la rumaysan yahay in dilkii wasiirka iyo kii ka dambeeyayba aysan salka ku hayn aarsi qabiil ee ay ahaayeen falal guracan oo ay soo maleegeen dad doonaya in ay fidno iyo xasilooni daro ka dhex abuuraan dadka walaalaha ah. Sidaa darteed waxaa lama huraan ah in Dawalada Puntland ay arimahaan baaritaan rasmi ah ku samayso, si cidii ka dambaysay dilalkan sharcigana loo horkeeno.
Beeshii ay ka dhasheen gacan ku dhiiglayaashu waxaa mas’uuliyad ka saaran tahay in sida ugu dhakhsaha badan loo soo qabto gacan ku dhiiglayashii gaystay dilalkaan iyagoo la kaashanaya Dawladda Puntland, lana waafajiyo Shareecadda Islaamka.
Waxaa aad looga mahad celinayaa beesha Cali Ibrahim sida dulqaadka iyo ehelnimada leh ee ay gacanta ugu qabteen ugana hortageen in falal aargoosi ahi dhacaan. Waxaana laga codsanayaa in ay dadaalka nabadda halkaas kasii wadaan siina xoojiyaan.
Ugu dambayntii, waxa aan ku dhiiri galinaynaa dhammaan dadka ku nool deegaanada Puntland in ay ka shaqeeyaan nabada iyo xasiloonidda.
Wabillahi Towfiiq
Beesha Cali Ibrahim (Reer Biciidyahan)
Suldan C/Raxman Aden Dude
Sh. Maxamed C/llahi Nur
Cabdulqadir Mohamud Xaaji (Jasiira)
Warfaa Cabdi Garwayne
C/llahi C/Qadir Cali (Faatoxo)
C/Rashid Maxamed Aw-Daahir
Caydaruus Cali Cindig
Maxamed Xirsi Maxamed
C/Risaq Warsame Faarax-Yare
Axmed Farax Dahir (Sayruq)
Beesha Cumar Maxamud:
Xirsi Xaji Jaamac
Xassan Jaamac Maagtayn
Siciid Cagawayne
C/Nasir Biixi Soofe
Mukhtar Shiikh Cusman
Jaamac C/llahi Shire
C/Qani C/llahi Khaliif
C/Rashid Maxamud Xashi
Bashir Abshir Gaas
Cawil Xassan Saleebaan
C/llahi Sharubood
NO WAY...Those to guys are my.................................
Baaq ay soo saareen Belaha Reer Bicidyahan iyo Cumar Maxamud
Moderator: Moderators
- The Magnificent
- SomaliNet Heavyweight
- Posts: 2463
- Joined: Wed Oct 25, 2006 7:29 pm
- Location: Chillin' and Drinking 2 cubs of Arabian Tea With General Mohamed Said Hirsi 'Morgan' !!!!!!
-
- SomaliNet Heavyweight
- Posts: 1590
- Joined: Wed Apr 01, 2009 10:43 am
- maxamed-muse
- Posts: 12
- Joined: Wed Mar 25, 2009 11:02 am
Re: Baaq ay soo saareen Belaha Reer Bicidyahan iyo Cumar Maxamud
REER KHALAF DHIBKA EEY WADAAN WALIGOOD AYEY LA JOOGEEN MUDUG, BAL GABEYGAAN WAX YAR AQRI WAXAAD FAHMEYSAA IN WAX WEYN MESHA KA QALDAN YIHIIN INTA BEEL EEY ISKU DHACEEN ,
indhowaydba waataanan qirin, qaaradii gabaye
Oon ka qatanaa haatan iyo, qubadkii dayreede.
Sida Qawdhan iyo Gooni baan, uga qiseeyaaye
Qammaam iyo sidii Weerar baan, ugu qurxeeyaaye
Marka addinka qaarkiin gam'aa, laygu soo qubaye
Qaraabooy i maqal caawa waan, soo qaddimayaaye
Qubi waa qormada Reer Xasan ah, qawl aan maqashiiyey
Qodob kalena waa dunida iyo, qab aan ka faalleeyey
Qiso kalena waa aniga iyo, qun iska sheeggayga
Nimanyohow qumani iyo qalooc, kala qiyaas roone
Waxba lama qarshee hadal rag waa, la isu qeexaaye
Dadku weligi ways qoonsan jirey, tan iyo Qaabiile
Waa qaydar law kaaga jabay, hadalka qaarkiise
Qalbi ma lihid shaydaan hadduu, qaalib kaa yahaye
Qawaaniintu waynuu nin ragi, kula quwoodaaye
Qooraha waxaa looga simay, waysu wada qayre
Wuxuu qoonsimaadkeen ka dhacay, qaadistii saca’e
Naftaa laga qurjaray ruux yamiin, qoorta loo suraye
Qarankeen wuxuu jabay kolkii, qaalli lays badaye
Qardoofiyo nin aan qaadan bay, qaci ka joogtaaye
Qaalmo iyo maal aadan qabin, adigu ii qaabbil
Dabadeedna ii kala qorshee, waa qiso adduune
Haddaan geela Qaawiyo idiin, la iga qaadaynin
Oon Yuusuf-Dhuux ina qasbayn, ina qisaasaynin
Amaan Xaashi qool igu ridayn, qaaddirow mahade
Qolo yari ninkii ii damcaba, wow quluub xumo’e
Haddii talo rag waa wada qabsee, mid iska qoontaysto
Oo qaydka wiil yari dhifsado, lagu qasaarowye
Wuxuu qumiyey Maxamuud hadduu, qoomamays yahaye
Waa kaa qamuunyada dibnaha, qooni kaga taale
Quruun buu awooygiin lahaa, qoon u raaci ahe
Qolkiinna nimankii ku jirey qoysna, laga waaye
Qaansheegashuu kaaga tegey, qoon reer Amare[i]
Wuxuu Wadalmoggana kaaga qumay, wuu ku qoonsadaye[/i]
Qayaad iyo bah Hararsame horaad, mar isu qoonteene
Gabdhihiinna nimankii qabaad, kala qatawdeene
Qabkaad Mudug la joogtaan rag ways, ku qatalmaysaane
Qodob kalena waa dunida iyo, qab aan ka falleeyey
Majeerteen qaraabiyo tol iyo, qiimi kala waaye
Cali-Gerina maal iyo qab iyo, waaye quruxdiiye
Qabaalkii furee bay lahayd, wuu yar qawraraye
Qaashkii ku dhacay Aadan buu, qaaxadii jaraye
Gumasoor shalaa laga qurjaray, qalanjohoodiiye
Qardhacna lagama siin kulay ku tahay[/b], qaalin moordi ahe
Qooqii Suryare loo dilaa, qoorogoys dhigaye
Qurux iyo wixii Cali ka dhace, qabax dharaareede
Salaasiin qur go’ay lagama simin, qayd Maraykan ahe
Qarka ina Balluun baa lafaha, qalax la moodaaye

- SomaliNet Super
- Posts: 11989
- Joined: Wed Dec 31, 1969 7:00 pm
- Location: http://majerteen.blogspot.com/
Re: Baaq ay soo saareen Belaha Reer Bicidyahan iyo Cumar Maxamud
Do not be afraid, the chief is coming back to town to tame ya'll.

- maxamed-muse
- Posts: 12
- Joined: Wed Mar 25, 2009 11:02 am
Re: Baaq ay soo saareen Belaha Reer Bicidyahan iyo Cumar Maxamud
not 2 tame them they have 2 face the real fire as reer maxamuud showed them last time,, i know they will out cry and ask not cumar maxamud only but macbil saleebaan 2 join the fighting 

-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 1 Replies
- 1077 Views
-
Last post by kkk47
-
- 3 Replies
- 553 Views
-
Last post by Camel_herder
-
- 0 Replies
- 269 Views
-
Last post by Hiiraan boy
-
- 13 Replies
- 1891 Views
-
Last post by Unclebin-
-
- 0 Replies
- 356 Views
-
Last post by Adan_1
-
- 0 Replies
- 510 Views
-
Last post by kaliil
-
- 0 Replies
- 406 Views
-
Last post by CoolPoisons
-
- 12 Replies
- 1424 Views
-
Last post by Siciid85