Pig aweys(LA) flee xamar in a time amisom decides to attack

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
AhlulbaytSoldier
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 20301
Joined: Fri Feb 08, 2008 4:50 am
Location: Persian Empire

Pig aweys(LA) flee xamar in a time amisom decides to attack

Post by AhlulbaytSoldier »

Warar lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in Hogaamiyaha Ururka Xisbul Islaam Sheekh Xasan Dahir Aweys uu ka baxay magaalada Muqdisho, iyadoo magaalada ka jirto isu diyaar garow dagaal kala bax ah.

Sheekh Aweys oo ay ilaalinayaan Ciidamo iyo gawaari fara badan oo Tikniko ah ayaa xalay ku hoyday Degmada Balcad ee Gobolka Shabellaha Dhexe kana xigta Magaalada Muqdisho dhinaca Waqooyi bari ilaa 30KM.

Qorshaha ka bixitaankan ayaa si dhab ah loo ogeyn waxa uu ku qotomo, hase ahaatee warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in Wadaadka uu ku wajahan yahay Gobolada dhexe ee Soomaaliya.

Sheekh Xasan Dahir ayaa si adag uga soo horjeeda Dowladda uu hogaamiyo Madaxweyne Shariif, waxaana uu dhowaan ku goodiyay dagaalo ballaaran Bisha Ramadaan.

Dad badan ayaa is weydiinaya sababta xilligan Sheekh Xasan uga baxay Caasimada, xilli abaabulo xoogan ay wadaan Xoogaga Islaamiyiinta, kaasoo gulufkiisa yahay inay xukunka ka tuuraan Dowladda KMG.

Hoyga wararka Somaliyed
www.Jowhar.com
Jowharcom@hotmail.com
Jowharcom@gmail.com

________________________________________________________________________________________________
Wasiirka Difaaca Uganda oo sheegay in ogolaansho loo siiyay inay weerari karaan Saldhigyada Xoogaga Mucaaradka.

Wasiirka Difaaca Dowladda Uganda Crispus Kiyonga ayaa ka dhawaajiyay in shirkii ka dhacay Magaalada Tripoli ee isugu yimaadeen Madaxda Midowga Afrika loogu ogolaaday inay weerari karaan goobaha ay ku sugan yihiin Xoogaga Mucaaradka.

Wasiirka ayaa sheegay in Ciidamadooda ku sugan Soomaaliya aanay ku sugnaan doonin xeryahooda ciidan marka la soo weeraro wuxuuna carabka ku dhajiyay in weeraro toos ah ku qaadayaan saldhigyada ay ku xoogan yihiin Xoogaga Hubeysan.

Mr Crispus Kiyonga oo la hadlayay Kumanaan Ciidamada Uganda oo si wareeg ah loogu badalayay ilaa saddex Batalyan oo Ciidamo ku sugnaa Soomaaliya muddo 9-bilood ayuu sheegay in iyaga iyo Brundi loo fasaxay inay weeraro ku qaadaan goobaha istiraatiijiga ay joogaan Xoogaga Mucaaradka.

"Waxaa horay u dhici jirtay in la soo weeraro xarumaha Ciidamada Uganda iyo kuwa Brundi,waxaanu aheyn weerar sugayaal had iyo jeer,laakiin hada xaalka sidas ma ahan waa ka gedisan yahay,waxaan ogolaansho naloo siiyay in ciidamadeena weeraro ku qaadaan meel kasta oo ay ku sugan yihiin Mucaaradka"ayuu yiri Crispus Kiyonga oo u waramayay Warbaahinta Uganda
AhlulbaytSoldier
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 20301
Joined: Fri Feb 08, 2008 4:50 am
Location: Persian Empire

Re: Pig aweys(LA) flee xamar in a time amisom decides to attack

Post by AhlulbaytSoldier »

Any information about where he and the qaldaanboy are hiding is very needed, this will take them out:
Image

:up:
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”