











Axmed cabdi Xaabsade oo mar hore u ahan jiray Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland, Sidoo kalena mar kale noqday Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Puntland ayaa la sheegay inu ku jiro qaban qabo uu ku doonayo inu dhiso maamul Goboleed la magac baxay SSC-Land isaga oo Qorshaha la sheegay inu ka dhex wodo Odayaasha iyo Waxgaradka asal ahan ka soo jeeda degaanada
Maamulka cusub ayaa u doonaya inu Axmed Cabdi Xaabsade ka noqdo Madaxweynaha Dowlada Goboleedka, oo isagu noqon doona mid ka madax banaan JSL iyo Waliba P/land, waxanse la aqoon goorta iyo meesha u kaga dhawaaqi doono in kasta oo aay jiran warar sheegaya inu Xaabsade damacsan yahay inu arrinka ku dhawaaqo Magaalada Laascanood, Isaga oo ka fa’iideysanaya Khal khalka siyaasadeed ee ka jira gudaha Jamhuuriyada Somaliland
Axmed Cabdi Xaabsade ayaa arrinkan u woda waxa si weyn u taageeraya Xildhibaano iyo Waliba Wasiiro ka tirsan Dowlada Sheekh Shariif ee magaalada Muqdisho, kuwas oo lacago aad u fara badan ku bixiyey sidii loo hirgelin laha Maamul Goboleedka Ssc Land
Arrinkan ayaa la aqoon waxa aay ka oron doonto Jamhuuriyada Somaliland, iyada oo maanta Xildhibaano, Siyaasiyiin, Iyo Odayaal ka soo jeeda Beelaha Sanaag Iyo Sool aay sheegen inu Xaabsade wodo qorshayaal la soo maleegay in kasta oo isagu uusan wax jawaab ah ka bixin
Xaabsade ayaa aad logu yaqana Hanti jacaylka iyo waliba Xukun ku madax adeyg, waxana la aqoon sidaa u arrinkan uga dhadhacin doono Odayaasha Beelaha U ka soo jeedo, oo hada u muqda kuwa u kala jab jabsan dhowr dhinac
Wixii ka soo kordha qorshaha Xaabasade Kala soco sp am Online