Madaxwaynaha dowlada Puntland Mr-Faroole oo soo dhisaya Xubnaha Gobolka Hayland Barasaabka iyo ku xigeenkiisa Taliyaha Booliska iyo Laamaha kale ee Gobolka Hayland.
Wararka ka iminaya aqalka Madaxtooyada ee Dowlada Puntland caasimada Garoowe ayaa Xaqiijinaya in Wefti ka mida Golaha wasiirada maamulka dalada oo ka dhex muuqdo wasiirka arriamha gudaha iyo dowladaha hoose ay gaadhi donaan Magaalada Dhahar ee Xarunta Gobolka Hayland halkaasi oo lugu soo dhisayo xubnaha sare ee Maamulka dowalda Puntland ee Gobolkaasi.
Madaxwayne C/raxmaan maxamed Maxamuud shiikh Faroole iyo qaar ka mida Wasiiradiisa ayaa Ka dib marka ciidu dhamaanto Booqasho ku tagaya Xarunta Gobolkaasi ee Degmada Dhahar halkaasi oo sida la xaqiijiyey uu Madaxwyne Faroole ku magcaabayo Gudoomiyaha Gobolka ,Gudoomiye ku-xigeenka,Duqa Magaalada iyo Taliyaha Gobolka dhaan masuuliyiintaasi oo ay dad badan usu soo sharaxeen ayaa la Filayaa Inuu madaxwayne Faroole ku magcaabo Degreeto Heermadaxwayne ah.
Dhowaan markii uu soo dhisay Madaxwaynuhu Maamulka iyo Taliska Magaalada Gaalkacyo ayuu sheegay in si dhaqso ah uu u magcaabayo Maamulka Gobolka Hayland oo uu ku eedayey Madaxwayne Faroole inay ka Gaabiyeen Siyaasiyiinta Gobolka ka soo Jeeda ee La shaqayn jirey Maamulkii hore ee Dowlada Cade Muuse oo hirgelisey Gobolka karkaar ee qardho oo uu ka soo jeedo madaxwayne Cade Muuse.
Siyaasiyiin farabadan oo ka soo kala jeeda Degmoyinka Gobolka Hayland ayaa ku tartamaya Jagadan Gudoomiyenimo ,iyo taliska Sare Ee Booliska waxaana uu ku dhawaaqay Madaxwayne Faroole in Maamulkiisu uu yahay mid Mudnaanta 1aad siinaya Dad aqoonyahanada ah ee u qalma Jogooyinkan mihiimka ah.
Maxamed Axmed Ciise
Radio Dhahar
Governor and Council Race Begins In Haylan
Moderator: Junior Moderators
-
- Posts: 227
- Joined: Sat Sep 12, 2009 10:05 am
- Location: Puntland Always And Forever. So Help Me God!!!
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 1 Replies
- 179 Views
-
Last post by Highland
-
- 1 Replies
- 585 Views
-
Last post by Dhaga Bacayl
-
- 7 Replies
- 638 Views
-
Last post by FarhanYare
-
- 8 Replies
- 719 Views
-
Last post by LiQaaye_TDH
-
- 18 Replies
- 3272 Views
-
Last post by Strategic
-
- 7 Replies
- 1243 Views
-
Last post by TarTar
-
- 0 Replies
- 389 Views
-
Last post by TarTar
-
- 0 Replies
- 395 Views
-
Last post by TarTar
-
- 4 Replies
- 800 Views
-
Last post by noer
-
- 2 Replies
- 870 Views
-
Last post by TarTar