SBC TV Quran Competition Celebrations

Dedicated for Puntland politics and affairs.

Moderator: Moderators

Abdi-Halim
Posts: 227
Joined: Sat Sep 12, 2009 10:05 am
Location: Puntland Always And Forever. So Help Me God!!!

SBC TV Quran Competition Celebrations

Post by Abdi-Halim »

Image
Image
Image
Image

Xaflad si heersare ah loo soo agaasimay islamarkaana Lagu soo afmerayay Tartan Aqooneedka Kediska Bisha Barakeysan ee ramadaan ee ay SBC International u qabato Sanad kasta Xaafadaha Degmooyinka Maamulka Puntland ayaa waxaa ay ka dhacday Holka Xafladaha Hay’ada Warbaahinta Soomaaliyeed ee SBC International Boosaaso.

Xafladan oo qeybaheedii dhexe lagu tartan Siiyay Labada xaafadood ee u soo baxay Wareega ugu dambeeyay ee loo yaqaan finalka, Waxaana ay xaafadahaasi kala ahaayeen Xingood Qardho iyo Weliba Xorgoble Qardho ayaa waxaa goob joog ahaa Marti Sharaf aad u badan islamarkaana isugu jira Masuuliyiin ka sosota Dowlada Puntland, Wasiiro ka socday maamulka Pl, Aqoon yahano, Isimo, Culimaaudiin, Gudoomiye Yaal heer gobol, Masuuliyinta Shirkada Golis Telecom, Ururada Bulshada iyo Marti Sharaf kale,Midig Gudoomiyaha Ururka isku xirka Ardada Soomaaliyeed,SSCO, C/laahi Mahdi Sayidka. Bidix)- Xaawo Cali Jaamac Gudoomiyaha Ururka Haweenka Wawa, Midig)- Seynab Xaaji Xubin ka tirsan Wawa.

Waxay Xafladu ku bilaabatay si dar dar leh waxaana furay Gudoomiye ku xigeenka Gobolka Bari Yuusuf Muumin Bide waxaana loo guda galay Qeybihii kale ee xaflada iyo Tartansiinta Xaafadaha Jooga Final-ka.

Ka dib tartanka Labada Xaafadood inta aan lagu dhawaaqin Natiijada ayaa waxaa hadalo halkaasi ka soo kala jeediyay Marti sharaftii ku sugneyd,

Waxaana hadalo Qiimo badan Halkaasi ka soo jeediyay Masuuliyiin ay ka mid ahaayeen, wasiiro ka socday Dowlada Puntland sida Wasiir ku xigenka Warfaafinta, iyo wasiirka Kaluumeysiga, sidoo kale waxaahalkaasi hadal qiimo leh ka soo jeediyay Abwaan Shube iyo Masuuliyiinta Shirkada Golis Telecom, iyo Marti sharaf kale.

Qeybihii dambe ee xaflada markii ay soo dhamaadeen hadalada Masuuliyiinta iyo marti sharaftii halkaasi ku sugneyd ayaa waxaa Microphone-ka lagu soo wareejiyay Gudoomiyaha Gudiga Garsorka Kediska Bisha Ramadaan ee SBC Sh Liibaan Mashruuc waxaana uu ku dhawaaqay natiijada ka soo baxday Tartankii Dhexmaray Labada Xaafadood ee Finalka taagnaa .
Sh Liibaan Mashruuc oo ku dhawaaqaya Natiijada Kama Dambeysa Tartankii dhexmaray Labada Xaafadood.

Waxa uu Shaaca ka qaaday Sh Liibaan in labada Xaafadood ee ka wada socda isku magaalada ee Xingood iyo Xorgoble ay Guushu raacday Xaafada Xorgoble Qardho Halkaasna ay ku qaaday Koobkii loo baratamayay Mudada 30ka maalmood ee bisha ramadaan.

Ka dib ku dhawaaqista Najiida Labada kooxood ayaa waxaa Koobkii gudoonsiiyay Kooxda Guuleysatay Wasiir ku xigeenka Warfaafinta Puntland C/sahakuur Mire Aadan, waxaana ku xigay Masuuliyiinta Shirkada Golis telecom oo kooxaha Kaalimaha 1aad 2aad iyo 3aad kala galay Gudoonsiiyay Awaal marino ay ugu talagaleen waxaana gudoonsiiyay, Cumar Faaruuq oo ah madaxa Suuqgeynta Shirkada Golis iyo Aadan Sheeq doon Cali oo ah maareeyaha Shirkada Isgaarsiinta Golis.

Wasiir u xigeenka Warfaafinta Puntland oo Koobkii Gudoonsiinaya Xorgoble Qardho.

Golis oo Xorgoble Gudoonsiineysa Awaal marin.

Gudoomiyaha Qardho oo Koobkii Ay u soo hoyeen Xorgoble kor u lulaya.

Xorgoble oo ku faraxsan Koobka ay soo hoyeen

Taageerayaasha Xaafada Xorgoble Qardho oo ku dabaal degaya Bartamaha Xarunta SBC International.

Khaalid Maxamuud Cayuuni
SBC International- Boosaaso
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Puntland”