
Muftiga Minesota Ee Soomaalida Mareykanka Oo Kahadley Qiimaha
Ay Nabegelyadu Uleedahey Aadamaha Iyo Doorka Looga Baahan Yahey In Dadweynuhu Kaga Qeyb Qaato
Hargeysa(Gabileynews)-Sheekha Muftiga ah ee Soomaalida kunool dalka Mareykanka gaar ahaan Minosota ,oo booqasho kooban xiligan kujooga Somaliland ayaa,Gabileynews uga waramey urur balaadhan oo uu ugu ololeeyo ,xoojinta amaanka iyo fariinta nabedgelyada dunida magaciisana layidhaa World Peace Organisation.
Imaam Sheekh Sacad Muuse Rooble,oo faafaahin dheer kabixiyey,howlaha ururkiisa ee Wacyigalinta nabada ayaa, marka uhoreysa umada reer Somaliland siweyn ugu dardaarey in ay door adag kuyeeshaan in ay fahmaan oo diiniyan uqaataan halka ay taagan tahey Nabadu iyo qiimaha ay guud ahaanba uleedahey Aadamaha dunida guudkeeda kunool,Waxanu Sheekhu xusey in nabadu ku tacaluqdo axaadiista Rasuulkeenii NNkH islamrkaana,tahey mid kamid ah magacyada Alle Subxaanahuye kuwa tiirarka ugu adag ah.
Isagoo arimahaa kahadlaya waxa uu hadalkiisa ku bilaabay sidan:
“Waxa umada reer Somaliland looga baahan yahey in ay door weyn kuyeeshaan xoojinta iyo adkeynta nabada oo diin ahaan iyo dhaqan ahaanba inagu waajib ah in aynu kaalin weyn ka qaadano,ilaashano inta aynu ku caanamaalney ,ee aynu kaga duwanahey meelo badan,dalkan ubadheedhay caalamka ee isagu is aqoonsadey,ee aan ujoojin Jaamacada carbeed,midowga Afrika iyo qaramada midoobay ee Magaciisii iyo calankiisii sameystey waxan usoo jeedinayaa madaxda ay maanta Taariikhdu hor keentay umadan hadey yihiin Xisbiyo,hadey yihiin ururo,hadey yihiin golayaal,iyo xukuumadba in ay gacmaha is qabsadaan oo ay qadiyada Somaliland caalamka ka iibiyaan ,iyadoo calankeenuna yahey mid cisi leh oo tawxiidkii ku qoran yahey”Ayuu yidhi Imaam Sheekh Sacad.
Waxa kale oo uu intaa ku darey hadalkiisa isagoo kawaramaya ujeeda ururkiisa Word Peace Organisation iyo waxa uu ku tacaluqo.
“Ururkan Word Peace Organisation oo ah ururka nabada Aduunka waa urur aan anigu aasaasay ,iyadoo fikirkiisuna yimi kadib markii la ogaadey in Caalamku ubaahan yahey nabad caam ah marka qof laga bilaabo ilaa qaran meel kasta oo uu dunida aadaumuhu kunoolyaheyba,waxanu sii xoogeystey xiligii dhacdadii 11 sebtember oo iblayskii ugu weynaa aduunka ka dhex toosay,oo bani aadamkii meel kasta oo uu joogaba coloobay gaar ahaan dadkii Islaamka ahaa iyo dadkii kale ee kiristaanka ahaa ayaa waxaan u fikirey illaaheyna igu ilhaamiyay,inaan caalamka uqaado fariin risaalad salaam ah,waxaanan ku guulaystey fariin nabad ah,waana urur caalamiya oo caalamkoo dhan ufuran qof walibana wixii ku aadn inuu kaqabto ay waajib ku tahey,waxa qof waliba kusocdo ee uu kuseexanayo kusoo toosayaa waa magaca illaahey ee salaamka,oo kuxidhan maskaxda bani aadamka (peace)weeyaan ,cirka iyo dhulkana tiirka hayaa waa magacaa illaahey ee salaamka,xataa qudhaanjadu waxey tasarufaadkeeda ku qabsataa waa magacaa illaahey oo eebe siiyay waana sdalaanta malaaigta iyo taxiyatul ehulla jana,waxanu illaahey dadka ehula janaha ah kuyidhaahdaa janadii waatane kugala salaam,quraanka intey kujirtana lama soo tirin karo”Ayuu yidhi Sheekhu.
Isagoo hadlkiisa sii watana waxa uu intaa ku darey in Ururkani risaala ahaan aduunka ku fidey,isagoo leh website caalamka oo dhan lagaga bogto macluumaadkiisa waxanu yidhi isagoo taa kahadlaya.
“Inagu hadeynu Somaliland nahey waa inaynu as tacliin ahaan ugudbinaa ‘Peace’oo aynu ilaalino magaca salaamka oo uu diinteena galo dhaqankeena galo culeys weyna lasaaro ahmiyada uu leeyahey salaamku gabagabadiina waxa looga baahan yahey shacbi dowlad iyo golayaalba in ay fidiyaan ‘Peace’ka oo ay dadka wada gaadhsiiyaan.
Ugu danbeyntii Imaam Sheekh Sacad Muuse Rooble waxa uu sheegay in mudadii uu joogay dalka Somaliland uu lakulmay hogaamiyayaasha labada Xisbi Mucaarid oo uu gaadhsiiyay fariinta salaamka,iyo shirgudoonada labada aqal ee Guurtida iyo wakiilada balse,aanu lakulmin Madexweyne Rayaale haseyeeshee markii ay usuurta gasho uu gaadhsiin doono salaamka.
Waxanu ku dardaarey in ay masuuliyiintu dalku meel uga soo wada jeestaan hurumarka nabedgelyada iyo dhismaha dalka isagoo ugu duceeyay guud ahaanba umada reer Somaliland madax iyo shacbiba in ilaahey ka ilaaliyo oo jabiyo cadowgooda,kana dhigo umad ku dhiiran xoojnta iyo adkaynata nabedgelyada .
Gabileynews desk
Hargeysa
