Ceerigaabo: Roobab Xoog leh oo ka Da ay Gudaha Magaalada Iyo

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
Ducaysane_87
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3997
Joined: Sat Jun 06, 2009 1:38 pm
Location: Financing the Handcutter Company of Ina Godane

Ceerigaabo: Roobab Xoog leh oo ka Da ay Gudaha Magaalada Iyo

Post by Ducaysane_87 »

Image
Sawirkan waa Goobta u dhexaysa Beerta Xoriyada Iyo Daalo Stadium

Iyadoo maalmahanba ay roobabka dayrtu ka cusboopnaadeen guud ahaanba degaannada degmada Cerigaabo. Ayaa maanta waxa gudaha Ceerigaabo ka da’ay roobab xooggan oo in kastoo abbaara duhurmnimadii iyo galabnimadii ay kala ahaayeen haddana marka laysu celiyo muddo aan ka yarayn 4 ilaa 5 saacadood ay da’ayeen roobabkaasi.

Roobabkan xooggan ayaa muddadii dhawrka saacadood ee ay halkaas ka da’ayeen iyo weliba daadadka kazoo rogmanayey waxay guud ahaanba hakad geliyeen adeegyadii iyo isu socodkii bulshada dhexdeeda ka jirey.

Sikastaba ha ahaatee ma jirto ilaa hadda waxyeello la ogyahay oo roobabakani geysteen haseyeeshee roobabka noocan oo kale ayaa gudaha magaalada Ceerigaabo waxa ugu danbaysey xilliyadii 1984-kii. Waxana la filayaa xilli-roobaadkan dayreed inuu wax badan ka tarayo abaarta ba’an ee muddada dheer ay kusoo jireen bulshada ku nool gobolka Sanaag.

Waxana la sheegayaa roobab aad u wanaagsani in ay ka da’een degaannada koonfurta, galbeedka, bariga iyo buuraleyda ilaa xeebta degaannada gobolkan Sanaag.


Gobolka Sanaag oo leh Buuralay aad u dherer badan ayaa la sheegay in lagaga soo qaxay dhamaan Gobolada Dalka Iyadoo laga dareemayay cidhiidhiga Magaalda madaama Dhulka buuralayda ah ay yihiin meeelaha ugu danbeeya ee hadii abaar timaado Mood iyo nool lagu baxsan karo, cimiladeeduna saamaxayso in ay ku badbaadaan.


Image


Image


http://sanaag.org/details.asp?id=1113&dt=news
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”