Shir xasaasi ah oo madaxda ugu saraysa Xisbul-Islaam iyo Shabaab ku yeesheen Afgooye iyo Uways oo laba midkood dooransiiyay Shabaabka
Waxaa sadexdii bari lasoo dhaafay ka socday magaalada Afgooye ee duleedka Xamar shir albaabadu u xiranyahiin oo dhex marayay hogaamiyayaasha abada xarako ee Shabaab iyo Xisbul-Islaam oo dagaalo khadhaadhi ku dhex mareen Kismaayo iyo duleedkeeda.
Shirkan ayaa la sheegay in dhinaca Xisbiga u fadhiyeen Seekh Xassan Dahir Aways, DR Cumar Iimaan Abuu-Bakar, Sheekh Maxamed Dul-Yadayn iyo sargaal kale oo magaciisa naloogu sheegay Sheekh Cabdifataax iyadoo dhanka Shabaabkana ay shirka u matalayeen amiirka xarakada Sheekh Axmed Godane ( Abuu-Zubayr), Sheekh Mukhtaar Roobaw iyo saraakiil kale oo aanaan magacooda helin.
Shirkan oo ahaa mid aad la isugula jeex jeexay xaalada kasoo cusboonaatay jubooyinka iyo xidhiidhka labada xarako oo aad u cakiran ayaa la sheegay in Sheekh Uways ka dalbaday Shabaabka inay qaataan masuuliyada dagaalkii ka dhacay Kismaayo isla markaana bixiyaan magta dadkii dagaalka uga geeriyooday dhanka Xisbiga iyo waliba dadkii shacabkaa ahaa ee wax ku noqday dagaalka.
Sheekh Uways ayaa sidoo kale dalbaday in shabaabku ka tanaasulaan sheegashada maamulka Kismaayo isla markaana ogolaadaan in magaalada laga dhiso maamul ay ku midaysan yahiin labada xarako. Masuuliyiinta Shabaabka ayaa la sheegay in Uways u sheegeen inuu arimahaas iska iloobaan iyagoo ku adkaystay inaan colaadi ka dhaxayn Shabaab iyo Xisbiga balse Kismaayo ay kula dirireen Axmed Madoobe oo beel hogaaminaya.
Waxaa la sheegay in dhowr goor shirka lagu kala dareeray iyadoo markii danbe Sheekh Uways shabaabka u sheegay inay kala doortaan laba arimood oo kala ah: In xisbigu iclaamiyo dagaal ka dhan ah Shabaab iyo inay (Xisbul-Islaam) baneeyaan dhamaan goobaha ay difaaca kaga jiraan ee xamar isla markaana ka baxaan dagaalka lagula jiro dowlada Shariifka iyo Amisom.
Ilo ku dhow wada hadalada Afgooye ayaa sheegay in shabaabku codsadeen in la siiyo mudo ay dalabka Uways kaga soo tashadaan ilaa hadana ayna wax war ah soo celin, iyadoo kulankaas ka dib ay dhaceen dagaaladii ba'naa ee duleedka Kismaayo.
Madaxda Shabaab ayaa u muuqda in qorshahoodu yahay inay Uways ku maaweeliyaan Afgooye isla markaana shirar iyo aan isku soo noqon badan waqtiga uga dilaan iyagoo isla markaana isku dayaya inay dagaal kaga taqulusaan ciidamda Xisbul-Islaam ee ku sugan Jubooyinka, taas oo haday dhacdo noqonaysa qisadii sadexdii dibi ee midba mar la cunay kuwa kalan dhowranayeen.
Somalitimes.net
SHabab/Hizbul Islam meetings in Afgooye, whats the outcome?
Moderators: Moderators, Junior Moderators
Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
- The_Emperior5
- SomaliNet Super
- Posts: 50031
- Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
- Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
- Contact:
Re: SHabab/Hizbul Islam meetings in Afgooye, whats the outcome?
waxba kama soo baxayaan madaama shabaab ma rabban inay xukunka la qeybsadaan xisbal islam , alshaabaab waxay rabbaan xisbal islaam isticmalaan meelahayne ka tallin walli hadhow na siida condomkii iska tuuraan
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 2 Replies
- 584 Views
-
Last post by XAGLATOSYIE
-
- 33 Replies
- 2092 Views
-
Last post by LobsterUnit
-
- 8 Replies
- 620 Views
-
Last post by The_Patriot
-
- 9 Replies
- 721 Views
-
Last post by AR1223
-
- 10 Replies
- 1023 Views
-
Last post by Addoow
-
- 4 Replies
- 6994 Views
-
Last post by Bermooda
-
- 1 Replies
- 429 Views
-
Last post by nomadicwarlord
-
- 1 Replies
- 15 Views
-
Last post by nomadicwarlord
-
- 3 Replies
- 584 Views
-
Last post by Somalian_Boqor
-
- 0 Replies
- 24 Views
-
Last post by Jaasuusnimo