Mogadishu: Al Shabaab parade, captured police Vehicles: PICS

The Government's Parliment Building in Al Shabaab Hands

Police Vehicles in the Hands of Al Shabaab



Xarakada Alshabaab oo soo bandhigay Gaadiid kuwa booliska oo ka soo goostay Dowladda KMG
Xarakada Alshabaab ayaa galabta soo bandhigay Gaadiid kuwa Booliska oo ka soo goostay Dowladda KMG ah ee Soomaaliya, kaasoo lahaa Astaanta Dowladda, iyadoo ay la soo goosteen Ilaa Labo Nin.
Waaliga Wilaayada Alshabaab ee Gobolka Banaadir Sheekh Cali Maxaa Xuseen ayaa warbaahinta tusiyay Gaari nuuca Nissan ah oo dul banaan ah, kaasoo ah gawaarida inta badan caanka ku yihiin Dowladda ee leh astaanta Booliska.
Sheekh Cali ayaa sheegay inay soo dhoweynayaan dhalinyarada la soo goosatay gaadiidka, ayna ku faraxsan yihiin inay ka soo noqdana wadadii qaldaneyd ee ay ku socdeen.
Wararka qaar ayaa sheegaya in Gaariga uu ahaa mid uu si qaas u lahaa Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliyed Gen, Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid, kaasoo aan ilaa iyo hada la ogeyn qaabka uu uga goostay.
Gaariga oo aan la faah faahin siyaabaha uu ugu gacan galay ayaa waxaa muuqatay is faham u dhaxeeyay raggii u geeyay, waxaana durba markii uu u gacan galay Alshabaab ku xardheen Calanka Madow ee ay astaantooda ah.
Xoogag ka tirsan Dhalinyarada Shabaab ayaa durba gaariga isku camiray, kuwaasoo kula gaaf wareegay goobta ay ku soo bandhigeen, waxaana uu ahaa gaadiid aan noociisa horay u soo marin, marka laga reebo gaadiidka loo yaqaan cabdi bilaha saaran qoriga dagaalka oo marar badan u soo goostay.
Ma ahan markii u horeysay labada dhinac sidan oo kale ciidamo iyo gaadiid ay ka soo kala goosteen, waxaa caadi noqotay in labada dhinac midba kii garta dantiisa uu isu soo dhiibo dhinaca kale ee ka soo horjeeday, waxaana dhacda in warbaahinta ay u soo bandhigaan ragga isu soo dhiibay iyadoo waliba ku jirto si faan ah.