Dagaalo ay dad badani kudhinteen oo markale kadhacay duleedka Kismaayo.
October 7, 2009 filed under NEWS IN SOMALI · Comments (0)
Dagaalo ay dad badani kudhinteen oo markale kadhacay duleedka Kismaayo. | read this item Horseed Media
Kismaayo
Dagaalo ayaa lagu soo waramayaa inay markale dib uga dhaceen deegaano duleedka ka ah magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada hoose halkaasi oo ay mudooyinkanbo kudirarayeen ciidamo kala taabacsan Xarakatu Shabaab Al-mujaahidiin iyo Xisbul Islaam.
Dagaalada ayaa waxa ay galabnimadii maanta kadhaceen deegaanka Sooya oo duleedka dhanka galbeed kaga began magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada hoose waxaana dagaaladii ugu dambeeyey ee galabta dhaca oo ahaa kuwo aad uqaraaraa kudhintay dad gaaraya ilaa 9 ruux sida Horseed Media ay uxaqiijiyeen dad wargal ah oo kusugan magaalo xeebeedka Kismaayo ayadoo sidoo kalena dad intaa kabadan ay dhaawacyo soo gaareen.
Dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmayba waxa ay kawada tirsanaayeen dhinacyadii dagaaladu ay udhaxeeyeen ayadoo sida caadada ahna dhimashada iyo dhaawaca lakala geeyey magaaloyinka Kismaayo iyo Afmadoow.
Saraakiil uhadashay ururka Xisbul Islaam ayaa waxa ay guulo kasheegteen dagaaladii ugu dambeeeyey ee kadhacay deegaanka Sooya ee duleedka galbeed ee magaalada Kismaayo ayagoona sheegtay in goobta lagu dagaalamay ay gacanta kuhayaan mana jiro ilaa hada dhanka ururka Al-Shabaab aanu wax war ah ooo kasoo baxay laakiinse warar madaxbanaan ayaa xaqiijinaya in Xisbul Islaam dagaaladii galabta ay ku adkaadeen.
Dagaaladan ayaa qayb ka ah dagaalo mudooyinkan kataagnaa deegaano duleedka kaga beegan magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada hoose ayadoo dagaaladaasina ay dhexmarayeen maleeshiyooyin kala taabacsan urur diimeedyada Al-Shabaab iyo Xisbul Islaam waxaana dagaaladan ay imaanayaan xili Xarakatu Shabaab Al-Mujaahidin ay sheegeen inay soo afjareen dagaaladaasi.
Horseedmedia.net Web Editor
More people die in kismayo Clashes between Factions
Moderator: Moderators
- The_Emperior5
- SomaliNet Super

- Posts: 50031
- Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
- Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
- Contact:
Re: More people die in kismayo Clashes between Factions
AUN.
They died in the path of Jihad
They died in the path of Jihad
- Diyeeshaha_Tolka
- SomaliNet Heavyweight

- Posts: 3524
- Joined: Sat Sep 22, 2007 12:41 pm
- Location: webiga jowhar jiinkiisa
Re: More people die in kismayo Clashes between Factions
adiga waxbaa la dilay mooyee wax kaleba maba haysid miyaa,,afhayeenkii malakul mowdka maa tahay waaba kaa yaabays sxb
Re: More people die in kismayo Clashes between Factions
Diyeeshaha_Tolka wrote:adiga waxbaa la dilay mooyee wax kaleba maba haysid miyaa,,afhayeenkii malakul mowdka maa tahay waaba kaa yaabays sxb
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 3 Replies
- 48 Views
-
Last post by Murax
-
- 0 Replies
- 574 Views
-
Last post by Titanium
-
- 46 Replies
- 4994 Views
-
Last post by dalalos101
-
- 12 Replies
- 1213 Views
-
Last post by subeir123
-
- 6 Replies
- 890 Views
-
Last post by SomaliDefenceCouncil
-
- 13 Replies
- 1460 Views
-
Last post by SecretAgent
-
- 2 Replies
- 550 Views
-
Last post by The_Emperior5
-
- 0 Replies
- 390 Views
-
Last post by AhlulbaytSoldier
-
- 1 Replies
- 557 Views
-
Last post by sheldibow