Gudoomiyaha ONLF Interview with Al-sharqal awsad.

User avatar
hanqadh
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2786
Joined: Mon Mar 23, 2009 1:03 am
Location: soo dhalin la wada garan wali suuqa dhagaxbuur dhiigoodu ma qoyana!

Gudoomiyaha ONLF Interview with Al-sharqal awsad.

Post by hanqadh »

Jariidada Al-Sharqal Awsad oo wareysi dheer la yeelatay Gudoomiyaha JWXO
S. Si kooban noogu sheeg tariikhda ONLF goortii ay aasasan tahay iyo sababtii ay u aasnasn tay ? iyo hadafka ugu danbeeya ee ay leedahay?

J. ONLF Waa Urur Gobanima doon ah. Waxaa la asaasay 1984/ hawlgaladiisa mileteri waxay bilowdeen 1994 ka dib markii xibigan talada dalka Itobiya qabtay uu ka baxay balantii la wada qortay ee ku tiilay charter-kii lagu hehiiyay, isla markaana uu diiday in qadyadda Ogadenya si nabad ah lagu xaliyo. Ujeedada iyo hadafka ONLF waa in gumeysiga Ethiopia dalka Ogadenia laga xoreeyo.

S. Maxay kaga duwan tahay jabhadihii iyda ka horreeyay sida WSLF ?

J. Xagga mabdaa’ waxba kama duwana, oo mid-walba waxay u halgamaysay in Ogadenia gumeysiga laga xoreeyo. Xagga maamulka ayay wax badan ku kala badalan yihiin. sababtoo ah WSLF waxay haysatay taageerada dawladii Somaliyeed oo laga yaabo inay faragalin ku lahayd maamulka jabhadaasi. ONLF waa jabhad u madaxbanaan masiirkeeda kuna dhisan taageerada shacabkeeda oo qudh ah.

S. Mgaca Ogaden waxaa ka taagan muran badan , marka waa maxay sbabta ay ONLF ugu dhaggan thay magacaas ? ma la dhihi karaa waa qabiilkaaga dartii?

J. Dhulka aanu u halgami magaca kaliya ee aduun weynaha iyo inaguba aan u naqaano waa Ogadenia, ONLF/na hadda dan uma aragto in magac cusub dalkaas hadda u bixiso. Sababtoo ah caalamka mid aan ahayn kaa uma aqoonsanayo. Waad ogayd inay dawladii Somaliyeed u bixisay Somali Galbeed, miyaad ku aragtay khariidada caalamka, sidoo kale waxaa magac ula baxay Mingito, hadana Kili 5aad. Miyaad intaaba ku aragtay. Marka aan gacanta ku dhigno aayaha dalkanaga ayaan magaca ka tashan karnaa, hadase magaca caalamka u yaqaano midaan ahayn jahawareer waxaan ahayn ma keeneyso.

S. Dad badan ayaa waxy idinku eedeeyaan inaad ku jirtaan Proxy War oo u dhaxeeya Ereteria iyo Ethiopia , taas maxada ka leedahay?
J. Sidaad la socoto anaga iyo Ertreeyaba waxaan ku hoos jirnay gumeysiga Ethiopia, sidaa darteed halganka uu kula jiro shacabka Ogadenya wuu ka horeeyay xornimada Eretreeya iyo khilaafka Eritrea & Ethiopa ka dhexeeya. Khilaaf-koodu hadduu jirana halganka Ogadenia wuu socon, hadduu dhamaadana sida oo kale, wuu socon.

S. ONLF ma urur cilmaani ah baa (Secular)? Mise urur Diineed (Islamist)? mise Urur Qabiil (Ogaadeenka)?
J. Ururka ONLF & umadduu u halgami waa dad muslin ah. ONLF/na waa urur Gobanimo doon ah, u halgami in uu dalkiisa gumaysi haysta ka xoreeyo.

S. ONLF maxay aaminsan tahay ? Ma in Ogaadeeniya ay tahay gobol Itoobiya ka mid ah ? mise gobol Somalia ka mid ah ? mise walax kale ?
J. Ogadenia waa dal Ethiopia gumaysato (haysato), waxay Ogadenia u taqaanaa Itoobiya gobolka 5/aad ee Ethiopia ama ay Somalida dagto. Umadda Somaliyeed ee dalka iska leh ayay tahay in afti xor ah laga qaado oo la weydiiyo su'aalahaa aad sheegtay oy aayahooda ka tashadaan.

S. Saameyn intee la eg yay idinku yeelatay burburkii Somalia ? sideese ku sii wadeysaan dagaal adinkoo aan haysan dowlad daris ah oo aad salka la gashaaan ?
J. Dhib-kasta oo Somali guud ahaan u soo gaadha, saamayn weyn ayuu nagu yeelan karaa. Way noo fiicnaan lahayd, dawlad Somali ah oo Ethiopia ka madax banana in ay jirto, haddiise taa la waayo halganku mar-walba wuu socon haddii Alle Idmo.

S.ONLF ma waxay u taagan tahay dagaal kaliya? Mise way oggoshahay inay wadahadal la gasho dowladda Itoobiya ? maxayse shuruud uga dhigaysaa wadahadalkaas ?
J. ONLF Dagaalka ay gobanimo doonka ugu jirto waa mid lagu qasbay ee ma aha mid ay dooratay, wadahadal hadda kohor Ethiopia waan la galnay, lagumase guulaysan, haddana diyaarbay u tahay, haddii garab sadexaad oo dhex-dhexaad ah uu joogo goobta wada hadalka.

S. Waxaa la soo warinayaa khilaaf weyn oo ka dhex jira jabhadda ONLF , iyo inay garabyo u kala jaban tahay , arrintaa maxaad ka leedahay?
J. Waa dicaayad been ah oy faafinayaan kuwo doonaya in ay ONLF sidaas noqoto.

S. Si kooban warbixin nooga sii xaalka siyaasadeed iyo kan millatari iyo kan banii aadannimo ee ka jira gobolka Ogaadeeniya.
J. Dalka sidaad la socotaan waxaa ka socda dagaal adag oo ciidanka Itobiya aan kaga xoreynayno dalkanaga. Ciidanka jabhadda wuxuu soo maray marxalad adag oon kaga soo gudubnay si geesinimo leh. Maanta Ciidanka Wadaniga Xoreynta Ogadenya wuxuu ku qasbay gumaysiga inuusan xeryihiisa ka soo bixi karin. Waxaanan haduu Ilaahay idmo u gudbi doonaa heer aan ka saarno dhufaysyada u qodan. Ciidanka gumaysiga wuxuu hadda hawlgalkiisii uu noqday inuu shacabka nugulka ah ka aargoosto oo qaar uu dilo iyo qaar uu xabsiyada ku guro ka dhigo. Arintaasoo ay indhohooda ku arkeen hadda caalamka. Waxaanan rajaynaynaa in wax laga qabto oo Itobiya lagula xisaabtamo tacadiga xuquuqul insaanka ahee ay ka wado Ogadenya.

S. Waxaad ka hadshaa miisaanka Gobolka Ogadenia ee itoobiya . Tusaale ahaan Dhul ahaan imisay ka tahay Itoobiya ? dad ahaan imisey ka tahay ? Dhaqaale ahaan miisaan intee la eg ayay ku leedahay ?
J. Ma jeclin in dhulkanaga lagu barbariyo Itobiya, taasoo macnaheedu noqon karo inuu yahay dal ka mid ahaa boqortooyadii Itobiya. Hadaanse u qiimeeyo xagga qawmiyadaha daga halkaa, dhulka Ogadenia misaan balaadhan oo dhinacyo kala duwan leh ayuu leeyahay, Xagga Badka dhulka, Ogadenia waa qawmiyadda 2/aad, -Oromada kadib- Xagga tirade dadka, Ogadenia waa qawmiyadda 3/aad, -Oromada & Amharada- kadib; Dhinaca dhaqaalaha, Ogadenia khayraad & macaadin badan ayay leedahay, oo Petrol & Gaasba leh, Ogadenia dhul beereed balaadhan iyo wabiyo dhulkaas waraabin kara bay leedahay, Xoolo nool iyo duur-joog ayuu dalku can ku yahay.
Dhinaca kale, dalka wax horumar ah haba yaraatee ma laha oo waa dal gumaysi ku jira halganna uu ka socdo, Skoolaad & wax barasho ma jirto hadday jirtana wax xusid mudan ma aha, Isbitaalo, caafimaad dad & duunyo ah sida oo kale midna wax la sheegi karo kama jiraan. Isgaadhsiinta wadooyinka waa sida oo kale. Meel gumaysi joogo houmar kama jiri karo.

S. Muddo ka hor waxaad digniin u soo jeediseen shirkadaha batroolka iyo gaaska e ka howlgal Ogaadeniya . maxay tahay danta aad ka leerdihin taas ? waxaa la yiri commission ayaad dooneysaan ?
J. Waa run oo digniin ayaan sharikadaha patroolka baadha siinay, sababtuna waxaa weey, dalku intuu gumaysi ku jiro, inta dadka dalka leh ay maamulka hawlahooda gacantooda ku qabanayaan, khayraadka dalka in wayaanuhu la soo baxo ma ogolaanayno. Haddii la soo saarana waxaan u aragnaa inay tahay hanti umadeed oo la dhici oo dadkii lahaa aan waxba loogu taraynin. Hadaan sharikadaha laaluush ka rabno waanu weydiisan lahayn, waan fili in ay sidaas jeclaan lahaayeen, kuwo sharikaadkaas ka mid ah intaan qabanay, ayaan sii daynay kadib markaan ujeedadanada ka dhaadhicinay.

S. Maxaa ka jira in waddamo carbeed ay laaluush idin siiyaan si aad u carqaladeysaan in la soo saaro shidaalka Ogadeniya ku jira si uusan u abuurmin suuq kale oo dalalkaas laalushka idin siiya la tartma?
G14. Arintaas ma anaan maqal, haddii aad maqashay, waa arin aan waxba ka jirin.

5. Muxuu yahy xiriirka idinka dhaxeeya adinka iyo jabhadaha Islaamiga ah ee somaaliya ka jira, colkana la ah Itoobiya ? sida Al- Shabaab iyo Xusbul Islam iyo kuwo kale.
J. Hadday Ethiopia la dagaalamaan, isku cadow ayaan nahay, wax siyaasad ah oonu isku ognahay oo naga dhexeeysaa ma jirto.

S. Ma jiraa dhul ONLF ay toos uga taliso , oo Ogadenia ka mid ah ? haddey jawaabtu HAA tahay faah fahin ka bixi.
J. Dhulka Baadiyaha iyo tuulooyinka oo ah ugu yaraan 90% dalka Ogadeenya, ONLF ayaa toos uga talisa. Magaalooyinka maalintii gumaysigaa ka taliya, habeenkiina ONLF ayaa ka talisa.

S. Waa kuma Admiral Maxamed Cumr Cusman ? taariikhdaada oo koban xilliga iyo meesha ad ku dhalatay? Waxbarshadaadii ? Jagooyinka aad soo qabatay ? ma Soomaali citizen baad tahay? mise Ethiopian citizen ?IWM
J. Mar kale ayaan suaashan ka jawaabi doonaa haddii alle Idmo.

S. Xiriirka ka dhaxeeya qabiilkaaga (ogaadeen) iyo ONLF? Iyo sido kale ONLF iyo qabiillada kale ? waxaa la soo wariyay in Madaxda ONLF 90% ay yihiin dad u dhashay qabiilka Ogaadeenka?
J. Suaashan jawaabteeda in aan waqti ku dhumino ma mudna. Mabda'a ONLF ka mid ah qabiil iyo waxyaabaha umadda Somaliyeed halaagay. Hadaan ku shaqayno arimahaasi waa hore ayay jabhadda burburi lahayd, sababtoo ah waad la socotaa inuusan qabiilku lahayn meel uu ku dhamaado.

S. Mustaqbalka ogaden maxaad ka aaminsan tahay ? gobol itoobiya ka mid ah oo is xukun hoose leh ? gobol gooni isu taaga ? gobol Somalia ka mid ah ? mise wax kale.
J. Barnaamijka ONLF wuxuu ku baaqayaa in shacbiga Ogadenia afti laga qaado, si ay iyagu masiirkooda u go'aamiyaan: In ay Ethiopia la sii noolaan doonaan, in ay maamu gooni u taagan noqon doonaan iyo in ay dawlad kale ku biiri doonaa. S/Daraadeed, goaankaas shacbiga ayaa iska leh.

S. Muxuu yahay xiriirka idinkala dahxeeya: 1. dowladda KMG ah ee Somalia. 2. Puntlad maaulkeeda. 3. Somaliland Maamulkeeda?
J. Sida aad ogtahay DKM ah way cusubtahay, xidhiidho gaar-gaar ah way jiraan oo talo isdhaafsi u badan way jiraan, wax ka weynse ma jiraan. Labada maamul ee kale waxay si hagar laaan ah ula shaqeeyaan maamulka Meles Zinawi, S/Daraadeed halganka ONLF hogaaminayso dhib badan ayay ku hayaan.

S. qadiyadda Ogaden ma qadiyad carbeed baa ? mise qadiyad Islami ah? Mise qaddiyada Somaaliyed?
J. Intaba way tahay, ugu horeyntii waa qadiya Somaliyeed dhalasho & Ehelnimo ahaan, wadaniyad, darisnimo iyo wada noolaansho intaba. Waa qadiyad Carbeed isla markaasna waa qadiyad islaam. Ciddii xilkeeda gudan-weyda waa meesheeda, hase yeeshe, qadiyadda Ogadenia: waa qadiyad Somaliyeed; waa qadiyad Carbeed, Waana qadiyad Islam.
ٍ
S.. Inta Badan madaxda sare ee ONLF waa qurba joog ( Diaspora) gudaha inaad timaadaan waad ka baqeysaan mala dhihi kara , taasa malooqaadan karaa In aadan gobalka meel aad ka xukuntaan aysan jirin ?
J. Madaxda ONLF qaar ka mid ah waa run dibaday joogaan, waana looga baahan yahay in qaarkood ay dibadda joogaan. Hawlaha gudaha had-walba in hogaaminteeda ku filan ayaa gudaha ka hawl gasha. Dhinaca kale, madaxda dibadda joogta mar kasta oo gudaha looga baahdo way tagaan. Aniga ahaan gudaha Ogadenia hadda ayaan ka soo laabtay kadib markaan halkaas 8/bilood hawl gal ugu maqnaa. Kuwo kale ayaa I daba maray. Waqtigaan rabno iyo meeshaan rabno ayaan Ogadenia ka gali karnaa kana soo bixi karnaa.
User avatar
new-york24
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2800
Joined: Tue Aug 19, 2008 2:00 am
Location: HAGARDAAMO GUMAYSI HALGAMAA WAX MA YEESHO

Re: Gudoomiyaha ONLF Interview with Al-sharqal awsad.

Post by new-york24 »

admeral cusmaan guleeyso ind :up:
Queen_Arawello
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 6096
Joined: Mon Jan 12, 2009 4:23 pm
Location: Aware and Dhagax-Buur

Re: Gudoomiyaha ONLF Interview with Al-sharqal awsad.

Post by Queen_Arawello »

^^ Ditto :up: :up:
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Ogaden - General Discussions”