Ciidamo Itoobiyaan ah oo fariisimo ka sameystay duleedka galbeed ee Magaalada Beledweyne
Axad, 11, Oct, 2009 (HOL) Ciidamo Itoobiyaan ah oo ku hubeysan gaadiidka dagaalka ayaa lagu arkay deegaanno ka tirsan galbeedka Magaalada Beledweyne , sida ay warbaahinta u xaqiijiyeen dadka ku dhaqan deegaannada Ciidamada Itoobiyaanku fariisimaha ka dhigteen.
Tuulooyin ay ka mid yihiin Wagada, C/kariin, Baar Buyaac iyo qaar kale oo badan ayaa la sheegay in Ciidamada Itoobiyaanku isku ballaariyeen, waxaana wararku intaas ku darayaan in sidoo kale Ciidamada Itoobiya oo wata gaadiidka dagaalka u soo ruqaansadeen deegaanno cusub oo wax ka yar 40 km u jirta Magaalada Beledweyne.
Ciidamada Itoobiya ee lagu arkay deegaannada ku yaalla galbeedka Magaalada Beledweyne ayaa loo maleynayaa in ay ka soo dhaqaaqeen dhinaca degmada Mustaxiil ee dhulka Islaamulka Soomaalida Itoobiya, lamana oga ujeedada dhabta ah ee ka danbeysa dhaqdhaqaaqa ay ka bilaabeen Galbeedka Magaalada Beledweyne.
Dhaq dhaqaaqan Miletari ee Ciidamada Itoobiya ayaa ku soo beegmaya xili Magaalada Beledweyne ay gacanta ku hayaan xoogag u daacad ah Ururrada Islaamiga ah ee ka soo horjeeda Dowladda Soomaaliya sida Xisbul Islaam iyo Xarakada Shabaabul Mujaahidiin.
Sidoo kale waxaa xusid mudan in dhawaan Ciidamada ka tirsan Xisbul Islaam ee gacanta ku haya Magaalada Beledweyne weerar ku qaadeen Saldhig ay daganayeen Ciidamada Dowladda Soomaaliya ee isaga baxaya Magaalada Beledweyne.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
diini@hiiraan.com
Ciidamo Itoobiyaan ah oo fariisimo ka sameystay duleedka gal
Moderator: Moderators
- MrPrestige
- SomaliNet Super

- Posts: 10104
- Joined: Mon Jan 12, 2009 1:42 pm
- Location: Ceelafweyn-Bancade ' Qardhaasa cadde Yoonisoo, qoodhiyaan ahaye ~~
- hanqadh
- SomaliNet Heavyweight

- Posts: 2786
- Joined: Mon Mar 23, 2009 1:03 am
- Location: soo dhalin la wada garan wali suuqa dhagaxbuur dhiigoodu ma qoyana!
Re: Ciidamo Itoobiyaan ah oo fariisimo ka sameystay duleedka gal
Ciidankan waa ciidan yar oo waxogaa boqolaal dhan, al they do is cago jugleyn, it takes a few waves of attacks on them, they' be running off...xaqiiq walaahi.
- MrPrestige
- SomaliNet Super

- Posts: 10104
- Joined: Mon Jan 12, 2009 1:42 pm
- Location: Ceelafweyn-Bancade ' Qardhaasa cadde Yoonisoo, qoodhiyaan ahaye ~~
Re: Ciidamo Itoobiyaan ah oo fariisimo ka sameystay duleedka gal
hanqadh wrote:Ciidankan waa ciidan yar oo waxogaa boqolaal dhan, al they do is cago jugleyn, it takes a few waves of attacks on them, they' be running off...xaqiiq walaahi.
if that was the case you would already have freed ogadenia
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 2 Replies
- 18 Views
-
Last post by MrPrestige
-
- 1 Replies
- 662 Views
-
Last post by COSTA
-
- 3 Replies
- 1288 Views
-
Last post by ababanoah
-
- 3 Replies
- 619 Views
-
Last post by Executive
-
- 0 Replies
- 5855 Views
-
Last post by Hiiraan boy
-
- 5 Replies
- 1163 Views
-
Last post by EEGA9
-
- 3 Replies
- 9 Views
-
Last post by Son_of_Somalia
-
- 7 Replies
- 6089 Views
-
Last post by Oxidant
-
- 0 Replies
- 266 Views
-
Last post by FBISOMALIA