Hargeysa: Magaalo Leh 25 Xubnood Oo Gole Degaan ah, Hadana k

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
Ducaysane_87
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3997
Joined: Sat Jun 06, 2009 1:38 pm
Location: Financing the Handcutter Company of Ina Godane

Hargeysa: Magaalo Leh 25 Xubnood Oo Gole Degaan ah, Hadana k

Post by Ducaysane_87 »

Hargeysa: Magaalo Leh 25 Xubnood Oo Gole Degaan ah, Hadana ka Dayacan Wadooyinka, qaab-dhismeedka iyo Bilicda Ay Caasimadaha Aduunku Leeyihiin.




Hargeysa[Oodweynenews]-Waxaanu jecelnahay in aanu halkan idiin ku soo gudbino warbixin si mug leh uga hadlaysa, waxqabadka Golaha Deegaanka ee Caasimada Hargeysa dayaca wadooyinka, bilic xumada suuqyada Hargeysa iyo darxumada hadhaysay kaabayaasha aasaasiga ah ee loogu talo galay in ay qayb ka qaataan kobcinta adeegyada aasaasiga ah ee bulshada.

Arimahaas oo dhan waxaa aad kaga bogan doontaan war-bixintan hoos ku qoran oo uu soo diyaariyey Wariye arimaha bulshada ee shabekeda wararka ee Oodweynenews Mr Khadar Ali Hussein waa tan war-bixintii ee ka bogasho wanaagsan: “Hargeysa Waa Caasimada Somaliland, waa magaalo mar mar ka sii dambaysa sii balaadhanaysa islamarkaana ay ku nool yihiin wakhtigan dad gaadhaya hal malyan iyo badh.



Dadweynahan ayaa ah kuwo iskaga kala yimid Gobolada ay Somaliland ka kooban tahay oo dhan iyo kuwo qaxoonti ahaan u jooga oo isugu jira kuwo nolol raadis ah iyo kuwo dagaalo ka soo cararay oo ka kala yimid dalalka Somalia iyo Ethiopia. Kuwaas oo culeys aan la qiyaasi Karin ku haya guud ahaan dalka Somaliland gaar ahaan caasimadiisa Hargeysa.

Iyada oo ay magaaladu sidaas u buux dhaafiyeen dadka soo galow ah iyo kuwa u dhashay-ba ayey taas u dheer tahay wado xumo, nidaam la’aan iyo bilic la’aan. Maaha wadooyinka caasimada dhexe mar ee ay isticmaal gaadiidku kuwo ku filan waana kuwo ay wada isticmaal gaadiidka iyo dadweynaha ku dhaqan magaaladu.



Hadii aad dhex lugeyso ama aad gaadhi wadato oo aad dhexmarto magaalada waxaa arkaysaa wado kaliya oo ay dadka iyo gaadiidku-ba wada marayaan taas oo aad u cidhiidhi ah islamarkaana khatar weyni ku haya dad, wakhtiyada qaarkood-na waxaa ay sababaan cidhiidhigaasi shilal baabuur oo keena khasaare naf iyo maalba leh.



Akhriste ama muwaadin arintan ayaa u baahan wax ka qabasho iyo u daqasho dadka iyo dalka-ba, iyada oo aan halkan lagu soo koobi Karin dhibaatada wado xumidu ku hayso dad ka ku nool caasimada. Ayaanay hadana jirin cid u tafa-xaydatay wax ka qabashadeeda oo doonaysa in ay wax ka qabato dadka sida sharci darradda ah dhinacyada uga soo cidhiidhiyey wadooyinka ee ka dhistay tukaanada ka samaysan sandaqadaha yar yar iyo buulasha muxaaqiyaha, wadooyinkan oo markoodii hore-ba ahaa kuwa aan ku habooneyn magaalo caasimad u ah dal.

Hadaba, muwaadin ayaa ka masuul ah dhibaatada intaa leeg ee iskugu jirta wadooyinka ja-jab, cidhiidhiga lagu hayo, nidaam darrada iyo bilic la’aanta caasimada ka muuqata. Iyada oo ah muraayadii dalka oo dhan laga daawanayey islamarkaana ah meesha kaliya ee laga dheehan karo muuqaalka guud ee Somaliland, jawaabta masuuliyadaas dhibaatadu leedahay ee aan idin waydiiyey maaha mid cid-na mugdi kaga jirto ama ka qarsoonsan ee waa wax ay cid kasta-ba ay si dhib yar u fahmi karto cidaasi-na waa Golaha degaanka ee caasimada Hargeysa oo ka kooban 25-mudane oo loo soo doortay masuuliyadaas, taas oo ah mid ay dayaceen muddadii ay xilka hayeen waa-na in shacabkii soo doortay ay kula xisaabtamaan sababta ay mudada intaa leeg wax horumar ah oo la taaban karo u qaban waayeen.



Golahani waa kuwo iyagu aan wax muuqda qaban oo dacay masiirkii, hamigii ay Ummadu u soo dooratay, iyada oo aanay jirin sabab ay maanta ku cudur-daaran karaan oo ka hor istaagtay wixii loo soo doortay ee ahaa wax-qabad.

Xubnaha Golahani waa kuwo iyagu mid-ba mid ka kale u muuqdo oo mid kastaaba isagu isu haysto in uu yahay Maayir. Waa niman mid-ba midka kale xaasido islamarkaana aan aqoon tix-gelin sharciyga u yaala, waxaana uu habaar kaga dhacay isku gacan siinta shaqada ay umada u hayaan iyo adeega kala duwan ee waajib ku ah inay fuliyaan. Waa Gole aynu odhan karno sida ka muuqata caasimada way ku fashilmeen wax-qabadkii codka loo soo siiyey, xaalkooda waxa uu noqday uun aynu iska cuno iyo ku jiqsii yaanu taayir-ba dhaqaajinine.



Golahan oo muddii shanta sanno ahayd ee la soo doortay ay wakhti hore-ba dhamaatay, isla markaan muddo saddex sanno oo kale ay xilka sii hayaan ka dib markii ay qabsoomi wayday doorashadoodii sida uu distuurka Somaliland-na uu dhigayo in golaha Guurtidu u kordhiyeen inta la qabanayo doorasho ay ku yimaadaan gole kale oo la soo doortay.



Hada-ba in kasta oo aan la dafiri Karin wax ay qabteen, ayaa hadana ahayn mid gaadhsiisan intii ay bulshada reer Hargeysa filanaysay islamarkaana muuqda iyaguna taariikhda u gali kara.

Ugu dambayntii wallow aan la soo koobi Karin galdaloolooyinka faraha badan iyo ceebaha dul-hadhsanaya Golaha Degaanka ee caasimada Hargeysa, ayaan waxaa war-bixintan ku soo af-meerayaa : Golaha Deegaanku muu noqon gole guta waajibaadkii aas aasiga ahaa ee loo soo doortay islamar ahaantaana waxaa uu noqday gole ku fashilmay hamigii iyo waxqabadkii ay shacabka reer Hargeysa codkooda u soo siiyeen.



Waxaa shacabweynaha u soo jeediyaa inay meel gaar ah ku qoraan golihii deegaanka ee ugu horeeyey ee ay dadku soo doortay in uu noqday Gole ku guul-daraystay wax ka qabashadii adeega aasaasiga ahaa iyo baahiyihii loo doortay, waana in ay ka fiirsadaan in ay soo doortaan dad noocan oo kale ah.





War-bixin: Khadar Ali Hussein [Khadarshiine]

Oodweynenews.com/Hargaysa

Email: khadarshiine@hotmail.com


http://oodweynenews.com/display_page.ph ... leid=11306
Dhaga Bacayl
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 8363
Joined: Tue Dec 23, 2003 7:00 pm
Location: H-Town in Somaliland

Re: Hargeysa: Magaalo Leh 25 Xubnood Oo Gole Degaan ah, Hadana k

Post by Dhaga Bacayl »

It has nothing to do with Golah deegaanka. Ina Jiciir is useless mayor with no vision. Albaabaduunbuu ka goostaa ganacstada uu cashuurta iyo Macaashal macaashka beenta ah uu ka cuno.

The last good mayor the city of Hargeisa had was Cawil.
User avatar
MrPrestige
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 10104
Joined: Mon Jan 12, 2009 1:42 pm
Location: Ceelafweyn-Bancade ' Qardhaasa cadde Yoonisoo, qoodhiyaan ahaye ~~

Re: Hargeysa: Magaalo Leh 25 Xubnood Oo Gole Degaan ah, Hadana k

Post by MrPrestige »

Dhaga Bacayl wrote:It has nothing to do with Golah deegaanka. Ina Jiciir is useless mayor with no vision. Albaabaduunbuu ka goostaa ganacstada uu cashuurta iyo Macaashal macaashka beenta ah uu ka cuno.

The last good mayor the city of Hargeisa had was Cawil.

Which Cawil?
Dhaga Bacayl
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 8363
Joined: Tue Dec 23, 2003 7:00 pm
Location: H-Town in Somaliland

Re: Hargeysa: Magaalo Leh 25 Xubnood Oo Gole Degaan ah, Hadana k

Post by Dhaga Bacayl »

Ducaysane209 wrote:
Dhaga Bacayl wrote:It has nothing to do with Golah deegaanka. Ina Jiciir is useless mayor with no vision. Albaabaduunbuu ka goostaa ganacstada uu cashuurta iyo Macaashal macaashka beenta ah uu ka cuno.

The last good mayor the city of Hargeisa had was Cawil.

Which Cawil?

Cawl Cadami not Cawil my bad. The Isaxaaq dude...

Cawil imika joogaa waar inaga maahee ninka ha lo so baadho.
User avatar
Ducaysane_87
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3997
Joined: Sat Jun 06, 2009 1:38 pm
Location: Financing the Handcutter Company of Ina Godane

Re: Hargeysa: Magaalo Leh 25 Xubnood Oo Gole Degaan ah, Hadana k

Post by Ducaysane_87 »

Dhaga Bacayl wrote:
Ducaysane209 wrote:
Dhaga Bacayl wrote:It has nothing to do with Golah deegaanka. Ina Jiciir is useless mayor with no vision. Albaabaduunbuu ka goostaa ganacstada uu cashuurta iyo Macaashal macaashka beenta ah uu ka cuno.

The last good mayor the city of Hargeisa had was Cawil.

Which Cawil?

Cawl Cadami not Cawil my bad. The Isaxaaq dude...

Cawil imika joogaa waar inaga maahee ninka ha lo so baadho.


haa wa sax Cawl Cadami former mayor of Hargies Isxaaq Carre
Dhaga Bacayl
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 8363
Joined: Tue Dec 23, 2003 7:00 pm
Location: H-Town in Somaliland

Re: Hargeysa: Magaalo Leh 25 Xubnood Oo Gole Degaan ah, Hadana k

Post by Dhaga Bacayl »

Ducaysane_87 wrote: Cawl Cadami not Cawil my bad. The Isaxaaq dude...

Cawil imika joogaa waar inaga maahee ninka ha lo so baadho.


haa wa sax Cawl Cadami former mayor of Hargies Isxaaq Carre[/quote]


Yeah that man. I actaully know him personally. Some how we're related, I don't know how but we're. I saw him in Mandheere prison when was locked up in mid 80s. I heard he's not doing that well these days. He had a stroke, I heard. ILAAHAY ha u sahlee....


Very cool dude.
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”