ASWJ oo mar kale dharbaaxo xoogan ku dhuftay Alshabaab

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
AhlulbaytSoldier
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 20301
Joined: Fri Feb 08, 2008 4:50 am
Location: Persian Empire

ASWJ oo mar kale dharbaaxo xoogan ku dhuftay Alshabaab

Post by AhlulbaytSoldier »

Dagaalo xoogan oo u dhaxeeya Xoogag taabacsan Culimada Ahlu Sunah Waljamaacah iyo Xarakada Alshabaab ayaa shalay gelinkii dambe ka dhacay deegaano ka tirsan Gobolka Hiiraan, kaasoo saacado badan socday.

Afhayeen u hadlay Ahlu Sunah oo lagu magacaabo C/risaaq Al-ashcari ayaa sheegay in dagaal ka dhacay tuulo ku dhow degmada Matabaan ee gobolka hiiraan ay jab xoogan ku gaarsiiyeen kooxihii ay la dagaalameen.

C/risaaq Al-ashcari ayaa sheegay in dagaalka ay kaga dileen Alshabaab labo taliye Ciidan, waxaana uu sheegay in dagaalka uu socday shan saacadood oo xiriir ah.

Ka sokow sheegashada Afhayeenka Ahlu Sunah ayaa jirin war ka soo baxay Alshabaab oo ku aadan dagaalada, waxaana saraakiisha Alshabaab ay sheegeen in aanu jirin dagaal ay shalay kula galeen maleeshiyaadka Suufiyada deegaanada Gobolada Dhexe.

Dagaal mudooyinkii u dambeeyay ka dhacayay Gobolka G/gaduud iyo Hiiraan ayaa ahaa mid Ahlu Sunah ay ugu itaal sheegatay Ururada isbaheystay ee Shabaab iyo Xisbul Islaam, waxaana jiray deegaano laga saaray oo gacan ku heynteeda ay la wareegeen Culumaa'udiinka Ahlu Sunah.
User avatar
moshakis_nl
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 280
Joined: Tue Sep 08, 2009 5:58 am

Re: ASWJ oo mar kale dharbaaxo xoogan ku dhuftay Alshabaab

Post by moshakis_nl »

kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk u make me laugh
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”