Dagaal Afka Ah Oo Somaliland Iyo Ismaamul-goboleedka Puntlan

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
MrPrestige
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 10104
Joined: Mon Jan 12, 2009 1:42 pm
Location: Ceelafweyn-Bancade ' Qardhaasa cadde Yoonisoo, qoodhiyaan ahaye ~~

Dagaal Afka Ah Oo Somaliland Iyo Ismaamul-goboleedka Puntlan

Post by MrPrestige »

Dagaal Afka Ah Oo Somaliland Iyo Ismaamul-goboleedka Puntland Ka Dhex-bilaabmay: Xukuumada JSL Oo Jawaab Kulul Ka Bixisay Hadalo Ka Soo Yeedhay Puntland

Hargaysa (Oodweynenews)- Wasiirka wasaarada caddaalada ee Somaliland Md. Axmed Xasan Cali [Casoowe], ayaa jawaab adag ka bixiyey hadalo ka soo yeedhay is-maamul-goboleedka Puntland, oo ku andacootay inay Somaliland mar uun dagaal ku soo qaadayso, si ay dib ugu qabsadaan Gobolada Sool iyo Sanaag Bari ee ay imika ka taliso dawlada Jamhuuriyada Somaliland.

Wasiirku waxa uu sheegay inay xukuumad ahaan arrintaas ka soo yeedhay maamulka Puntaland ay aad ula yaayeen, waxaana uu sidan ka sheegaya waraysi uu galabta siiyey laanta afka Somaliga ee Idaacada bbc-da, isaga oo hadalkiisa ku bilaabay oo yidhi “Waxaanu jawaab ka bixinaynaa wallaahi arrin aanu aad ula yaabnay oo ka soo yeedhay Wasiirka [Wasiirka Kuluumaysiga ee Puntland] isagoo leh waxaan ku hadlayaa afkii dawlada Puntland, isla markaana caddeeyey oo sheegay oo yidhi ‘weerar ayaanu ku soo qaadaynaa Somaliland iyo Gobolka Sool.”

Waxaana Wasiirku intaa raaciyey oo uu yidhi “Horta arrintaas ayaa fajiciso nagu samaysay, waxa weeye Gobolkiina [Sool] wuu xasilloonyahay oo waxaa laga raystay dhibaatooyinkii, aanooyinkii iyo iyo dadkii darriiqyada fadhiyey [kantaroolada dadkla lagu baadho], waxaas oo dhan ayaa laga raystay. Markaa dee Gobolkii Sool oo xasilloon iyo Puntland oo aanaan is-lahayn..dee laba yadaba dhibaatooyi culculus ayaa idinku furan oo wax-ka-qabasho u baahan ayaanu islahay ee dee arrintabna maanaan sugayn.”

Mar Wasiirka la waydiiyey in uu faahfaahin ka bixiyo waxayaabaha muhiimka ah ee uu carabaabay waxa uu u yidhi “Wallaahi waad la socotaan 29-kii October 2008-kii xasuuqii Haragaysa iyo Boosaaso ka dhacay. Horta waxaan is lahaa mandaqada waxaa ka jira arrimo badan oo calculus oo nabadgelyada waxyeelaynaya, arrimahaas oo ubaahan in lagu baraarugo.”

Waxaa kale oo Wasiir Casoowe la waydiiyey; maadaama oo aan marna la sooaf-jirin khilaafaadlka siyaasadeed ee Gobolada Bariga, waxa ay ula yaabayaan in arrintaasi mar kale soo laba kaclayso, waxaana uu ku jawaabay “Waxaa weeye khilaafkaasi inuu jiro ma dafirayno oo dhinac ayay goboladaas ka sheeganayaan. laakiin mar hore waxa ay isku dayeen qolyahaas Goroowe joogaa inay shir ku qabteen meel la yidhaahdo Boocame, ka dibna ay yidhaahdeen Somaliland dagaal ha lagu qaado, markaas taasina way socon wayday oo shacabka reer Sool-na way ka coson wayday oo imika sannad iyo badh ayay ka soo wareegtay. Shacabka Puntland guud ahaan nabadgelyo ayay ku taliyeen. Markaas waxaanu is-lahay dee dareenkaas ayay qaadanayaan, oo Madaxweynaha Puntland-na marar hore ayaa waxa laga maqlayey oo waxa uu ku talinayey....nabad wax halugu dhameeyo.”

Wasiirka waxa wax laga waydiiyey shirkii dhawaanta lagu qabtay magaalada Nairobi ee ka dhanka ahaa Somaliland, waxaana uu ku jawaabay “Wallihaas qoladaas shirtay waa qoladii marka horeba Somaliland diidka ahaa oo qayb ka mid ah ayaa markii horeba Boocame ku shiray. Waxa weeye qaabka ay baaqa u soo saareen waa sidii Boocame ee socon wayday ayay hadeer-na leeyihiin waxaanu dagaal-gelinaynaa dadka oo colaad ayaanu abuuraynaa, taasna hadd dadku diyaar uama aha oo horeba waa loo soo arkay. Garaadkiina hadlayna [Garaad Jaamac Garaad Cali] waxa uu ku hadlay wax aan munaasib ku ahayn dadka. Waxaan leeyahay Garaadka talada dadku Nairobi ma taalee...Laascaanood isugu keen-keen oo ha la wada tashado, arrintana dhulka soo dhig, indhahaaguna hoos arkaa, dadkuna waa dadkaagii.”

Wasiirka waxaa la waydiiyey inuu bixinayo Jawaabkii Xukuumada Somaliland, waxaana uu ku jawaabay oo uu “Haa waa jawaabtii Somaliland iyo shacabka oo rasmi ah.”

Wasiirka Waxa la su’aalay talada Goboladaasi cidda ay ka go’do gaar ahaa dawladaha Somaliland iyo puntland, waxaana uu ku jawaabay oo uu yidhi “Runtii taariikh ahaan Goboladaasi [Sool, Sanaag bari] waa gobolo Somaliland ka tirsan, taariikh ayaanay kaga mid noqdeen ee haddeer kamay mid noqon. Dadkaasi waxa ay ku shireen 1993-kii Boocame, shirkaas ayaanay ku goosteen inay kaga qayb-galaan shirkii 1993-kii Boorame lagu qabtay ee beelaha Somaliland ku kulmeen ee dawlada lagu dhisayey, halkaas ayaanay kaga qayb-qaateen dawlanimadii beelaha ku dhisnayd ee halkaas lagu soo sameeyey. Waxaa hore 1991-kii 18-kii May uga qayb-galeen shirkii lagu qabtay Burco ee lagaga dhawaaqay dib ula soo noqoshada Somaliland. Markaas Puntland maba jirin oo wax jiraba may ahayn, oo waxa ay ahayd waxyaabo dambe oo bururka [burburkii Somaliya] ka dhashay

C/shakuur Xaaji Muxumed Muuse [C/heersare]

Oodweynenews.com/ Hargaysa/Somaliland

Cabdiheersare01@hotmail.com/heersare2009@gmail.com
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”