Bosaso(AllPuntland)- Warar hoose oo maalmihii ugu dambeeyey laga helayo Madaxtooyada Puntland ayaa sheegaya in uu Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. C/rixmaan Sheekh Maxamed Maxamuud oo dhawaan doonayo in uu safaro ku kala bixiyo dalal kala gedisan oo ay ku jiraan dalalka Africa iyo Carbeed.
Madaxweynaha dawladda Puntland ayaa si rasmi ah loo ogeyn socdaalkiisa, balse xubno aad ugu dhaw ayaa xaqiijinaya in uu Madaxweynuhu martiqaadyo ka helay dalal kala gedisan oo faragalin weyn ku leh gudaha dalka Soomaaliya, waxaana lasheegay in ay kala hadlayaan xaalado kala gedisan.
Madaxweynaha ayaa lugu waramay in uu udhoofayo dalka Masar, magaalada Qaahira, markii uu casumaad ka helay Hogaamiyaha dalkaasi Maxamed Xusni Mubaarak oo ay ka wada hadlayaan xaalado badan oo ay ugu horeeyaan Burcad Badeeda Soomaalida.
Mr, Farole ayaa wararka aadka ugu dhaw ayaa sidoo kale sheegaya in uu Madaxweynuhu marka uu tago dalka Masar, uu la kulmayo Jaaliyadaha Soomaalida ee dalkaas oo uu kala hadlayo xaaladaha dalka Soomaaliya.
Saraakiisha ku dhow Madaxweynaha ayaa ka gaabsaday sheegida Magacyadooda, waxa ayna intaasi ku dareen in socdaalkan uu dhacayo dhamaadka bishan October, oo ah marka uu furmo Kalfadhiga baarlamaanka Puntland, lana filayo in uu furitaankiisa iska xaadiriyo Madaxweynaha dawladda Puntland ee Soomaaliya.
Socdaalka Madaxweynaha ayaa noqonayaa kii ugu horeeyey oo uu ku gaarayo dalalka Bariga dhexe, gaar ahaana dalka Masar oo lugu tiriyo in uu ku jiro dalalka faragalinta tooska ah ku leh xaaladaha qalafsan ee ka jira gudaha dalka Soomaaliya, waxaana lafilayaa in ay siyaasad badan soo qaadaan.
F. C. Maxamed
AllPuntland
Faroole to visit Arab and African nations
Moderator: Moderators
- sheekh-Farax-zero
- SomaliNet Super

- Posts: 7590
- Joined: Sat Apr 05, 2008 9:04 am
- Location: pppppppp
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 3 Replies
- 2978 Views
-
Last post by greenday
-
- 26 Replies
- 4411 Views
-
Last post by Machiavelli2
-
- 34 Replies
- 2830 Views
-
Last post by Muktaaar
-
- 40 Replies
- 4625 Views
-
Last post by S_lander-boy
-
- 0 Replies
- 855 Views
-
Last post by BlackRain
-
- 4 Replies
- 1065 Views
-
Last post by bumps
-
- 0 Replies
- 561 Views
-
Last post by Tyrus
-
- 12 Replies
- 1276 Views
-
Last post by Paddington Bear