Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Oo Daboolka Ka Qaaday In Maalinta Sabbtida Ah Ee Fooda Inagu Soo Haydal In La Guda-geli doono Ansixina Xubnaha Cusub Ee Komishanka
Hargaysa (Oodweynenews)- Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi [Cirro], ayaa Mudaneyaasha Golaha Wakiilada ugu baaqay inay maalinta sabtida ee 24-ka bishan inay isugu yimaadaan fadhi degdeg ah oo lagu ansixiyo xubaha cusub ee Komishanka doorashooyinka.
Gudoomiyuhu waxa uu sidan ka sheegay shirjaraa’id oo uu maanta ku qabtay xafiiskiisa magaalada Hargaysa, kaas oo uu ku soo bandhigay magacyada xubnaha cusub ee loo soo gudbiyey.
Waxaana hadaladii Gudoomiyaha ka mid ahaa oo uu yidhi “Waraaqdii Madaxweynuhu noo soo qoray way na soo gaadhay, waxaana ku xusan waraaqda 7-dii xubnoode cusub ee Komishanka doorashooyinka. Magacyada xubnaha ayaa kala ah; saddexda xubnood ee Madaxweynuhu soo xulay waxa ay kala yihiin Maxamed Axmed Xirsi Geele, Yuusuf Xaaji Maxamed iyo Faarax Abiib Aadan. Labada xubnood ee Golaha soo xuleen waxa ay kala yihiin; Shaafi Shariif Cabdi Maxamed, Cabdiramxaan Maxamed Ismaaciil [Dixood]. Labada xubnood ee xisbiyada mucaaradku soo kala xuleen waxa ay kala yihiin; Cabdifataax Ibraahim Xasan [xubita UCID] iyo Cali-khadar Xasan Cismaan”
Gudoomiyaha Golaha Wakiiladu waxa uu sheegay in maalinta sabtida ah uu Goluhu isugu iman doono fadhi aan caadi ahayn, inta ka horaysana xubnaha cusub loo gudbin doono guddida aarimaha Guddaha ee Golaha Wakiilada si ay qiimayn iyo fanashaad ugu sii sameeyaan ka hor intaan la horgayn fadhiga Golaha.
“Annaga oo raacayna dastuurka iyo xeer-hoosaadka Golaha waxaanu isugu yeedhaynaa Golaha kal-fadhi aan caadi ahayn oo lagu ansixinayo xubnaha cusub ee komishanka doorashooyinka loo soo xulay maalinta sabtida ah ee bishu 24-ka October si loo ansixiyo xubnahaas.” Ayuu yidhi Gudoomiye Cirro,
Waxaana uu intaa raaciyey oo uu yidhi “Hasayeeshee ka hor sida uu xeerku tilmaamayo waxa aanu maanta u gudbinaynaa Guddida arrimamah gudaha ee Golaha oo xeerku tilmaamayo inay iyagu xal u lee yihiin hubinta in xubnahaasi buuxiyeen xeerka. Waxaanu siin doonaa laba maalmood haddii ilaahay ka dhigo
C/shakuur Xaaji Muxumed Muuse [C/heersare]
Oodweynenews.com/ Hargaysa/Somaliland
Cabdiheersare01@hotmail.com/heersare2009@gmail.com
http://oodweynenews.com/display_page.ph ... leid=11466
Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Oo Daboolka Ka Qaada
Moderator: Moderators
- MrPrestige
- SomaliNet Super
- Posts: 10104
- Joined: Mon Jan 12, 2009 1:42 pm
- Location: Ceelafweyn-Bancade ' Qardhaasa cadde Yoonisoo, qoodhiyaan ahaye ~~
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 0 Replies
- 393 Views
-
Last post by Siciid85
-
- 0 Replies
- 366 Views
-
Last post by MrPrestige
-
- 1 Replies
- 443 Views
-
Last post by The_Emperior5
-
- 1 Replies
- 385 Views
-
Last post by The_Emperior5
-
- 0 Replies
- 397 Views
-
Last post by MrPrestige
-
- 0 Replies
- 10 Views
-
Last post by MrPrestige
-
- 0 Replies
- 376 Views
-
Last post by MrPrestige
-
- 0 Replies
- 538 Views
-
Last post by MrPrestige
-
- 2 Replies
- 417 Views
-
Last post by Siciid85