Top Dogs of Al Shabaab continue to show their faces and tell the world who the real Bosses of Mogadishu city are iyo the whole of South Somalia. Fuad Shangoole, Godane, Abu Mansur were present at the Demostrations Giving speeches freely to the population they Govern while the so called President is in hiding and dares not to show in face in Public in Mogadishu.

Muqdisho:Shabaab oo ku goodiyey weeraro ay ku qaadaan Israa'il iyo xureynta masjid Al-aqsa
30. oktober 2009
Muqdisho(AllPuntland)Kadib dibad bax balaaran oo maanta ka dhacay xerada Maslax ayna ka soo qeybgaleen mas'uuliyiin ka tirsan Al-Shabaab ayaa lagu iclaamiyey dagaal ka dhan ah dawladda Israa'il .
Dibad baxan oo ujeedadiisu ahayd in lagu cambaareyo weerarada ay ku qaadaan ciidamada Israa'il xaafadaha Falastiiniyiinta oo maalamahan sii kordhiyey ayaa marki dambe isu rogay hanjbaado loo jeediyo Israa'il iyo in maleeshiyo gaar ah halkaas looga dhawaaqo uu loo diyaariyey sida ay sheegeen furashada Masjidka Al-aqsa.
Fu'ad Max'ed Khalaf oo ah madaxa dacwada ee Al-Shabaab oo halkaas ka hadlay ayaa sheegay in Shabaab dhawaan dagaalkooda u jiheyn doonaan B/Dhexe iyo furashada Masjidka barakeysan ee Al-aqsa.
Guuto maleeshiyo ah oo loogu magac daray Liwaa Al-qudus oo ah calanka Qudus , waxaana ay gaada ka cayaar ka soo bandhigeen madashii mudaaharaadka.
Dibad baxa ayaa marki dambe soo afjarmay ,waxaana dad badan ay su'aal galiyeen sida Shabaab ay u furan karaan masjid Al-aqsa xili aysan wali ka guuleysan ciidamada Amisom ee KM iyo madaxtooyada jooga.
Xafiiska wararka Muqdisho AllPuntland

