Hargaysa (Oodweynenews)- Wasiirka wasaarada xannaanada xoolaha ee Somaliland Dr. Idiris Cabdi Ibraahin, ayaa shaaca ka qaaday in dawlada Sucuudigu ay xayiraadii ka qaaday xoolihii kala duwanaa ee ay ganacsatada reer Somaliland u iibgayn jireen wadanka Sucuudiga.
Wasiirku waxa uu sidan ka sheegay shirjaraa’id oo uu caawa ku qabtay magaalada Hargaysa, kaas oo uu ku faahfaahiyey go’aanka uu sucuudigu xayiraadii kaga qaaday xoolaha looga dhoofiyo Somaliland iyo guud ahaan-ba Somaliya.
Wariirka oo arrintaa ka hadlayaana waxa uu yidhi “Waxaan doonayaa inaan halkan ka sheego laga bilaabo caawa Markabta ka baxa Berbera in uu toos ugu xidhanayo dekada Jidda [Sucuudiga], xoolihiina sidaas ayay ku furan yihiin, waana dadaalkii ay dawladu ku jirtay muddaba ee dagaalka badani ka qabsaday, ee cidhiidhiga badani ka dhacay, ee wareerarka badani ka dhacay, ee cadawgeenu isu dayay inaan maxjarkeena Dekada Berbera oo ah ka maants furay Suuqa Sucuudiga in laga hortago.”
Waxaana uu intaa raaciyey Wasiirku oo uu yidhi “Waxaa mad led dadaweynaha reer Somaliland wixii gacan-ka-gaystay hawshaas, dawlada Somaliland oo iyaduna dadaal badan ka gashay hawshaas, khaasatan Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Md. Daahir Rayaale oo go’aan adag ka gaadhay dhismaha Maxjarka, oo aad-na loo mariyey in uu maxjarkaas joojiyo ama si kale wax loo leexiyo, ayaa isaguna aad ugu mahadsan.”
Wasiirku waxa uu hadalkiisa ku soo af-meeray oo uu yidhi “Waxaan dadka u sheegayaa in saaka la saxeexay oo dawlada sucuudigu faraha ka qaaday oo ay fasaxday in xoolaha Soomaaliyeed toos ugu soo dhoofaan Sucuudiga. Dekeda ugu weyn ee ugu muhiimsan ee ay xooluhu ka dhoofayaana waa Berbera.”
Dr. Idiris waxa uu sheegay in maanta-ba ay bilaabeen shirkadaha xooluhu hawl-galkii rarista xoolaha ee sucuudiga, “Maantaba shirkadihii xoluhu way bilaabeen dhoofintii xoolaha, oo shirkada Al-jabiri waxa ay maanta-ba amar ku bixisay inay laba Markab oo min 100,000 oo neef ahi inay u soo dhaqaaqaan Dekada Berbera oo ay ka qaadaan xoolo. Muddo toban cisho guduhood ah waxa aynu sugaynaa in Markabtii ugu horeeyey ee 100,000 ee neef qaadayey ee toos u tegayay Sucuudiga in uu ku soo xidho Berbera. Markabta labaad-na todobaad gudaheed marka uu ka hore tago in uu isna ku soo xidho, markaas oo uu isna qaadayo xoolo 100,000 oo neef ah.”
C/shakuur Xaaji Muxumed Muuse [C/heersare]
Oodweynenews.com/ Hargaysa/Somaliland
Cabdiheersare01@hotmail.com/heersare2009@gmail.com
Wasiirka Xannaanada Xoolaha Ee Somaliland Oo Caawa Daboolka
Moderator: Moderators
- MrPrestige
- SomaliNet Super
- Posts: 10104
- Joined: Mon Jan 12, 2009 1:42 pm
- Location: Ceelafweyn-Bancade ' Qardhaasa cadde Yoonisoo, qoodhiyaan ahaye ~~
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 4 Replies
- 2248 Views
-
Last post by tightrope
-
- 0 Replies
- 2047 Views
-
Last post by oldenglish
-
- 0 Replies
- 376 Views
-
Last post by MrPrestige
-
- 4 Replies
- 849 Views
-
Last post by MujahidAishah
-
- 1 Replies
- 562 Views
-
Last post by JSLBerbera
-
- 0 Replies
- 241 Views
-
Last post by Siciid85
-
- 5 Replies
- 952 Views
-
Last post by Manaking
-
- 3 Replies
- 416 Views
-
Last post by kayd92
-
- 0 Replies
- 248 Views
-
Last post by The_Emperior5
-
- 3 Replies
- 579 Views
-
Last post by The_Emperior5