
Burco (Oodweynenews)- Kooxda Kubadda cagta ee Gobolka Daad-madheedh [Oodweyne], ayaa shalay 2 iyo 1 ku caraabisay Kooxda Gobolka Togdheer, ka dib markii ay ciyaari aad u xiiso badani ku dhex-martay Garoonka Saylada ee magaalada Burco.
Ciyaartan oo gunaanad u ahayd tartano dhawr ahaa oo ay labadaas kooxood wadaa-gayeen, ayaa laba ciyaarood kooxuhu mar hore yeesheen waxaa lagu qabtay Garoonka Kubada cagta ee Maxamed Cali ee magaalada Oodweyne, hasayeeshee ciyaartii ugu dambaysay ee koobka lagu kala qaadayay waxaa lagu qabtay Garoonka Saylada ee Burco.
Ciyaartaas oo ahayd mid si weyn looga soo qayb-galay, ayaa labada kooxood ee kala metelayey labada Gobol ee Daad-madheedh iyo Togdheer waxa ay soo bandhigeen ciyaar farsamadeedu iyo hufnaanteedu aad u saraysay, isla markaana ay ku dheehnayd anshax iyo ciyaar-wanaag aad loogu bogay.
Garri laba nin kama wada qoslisee, weerar iyo weerar-celin ka dib waxa ay guushii u gacan-gashay oo hantay Kooxdii ka socotay Gobolka Daad-madheedh oo kooxdii ka socotay Gobolka Togdheer ku muquusay 2 iyo 1.
Waxaana koobkii ay ku tartamayeen labadaas kooxood ku guulaystay Kooxdaas ka socotay Gobolka Daad-madheedh, oo runtii muujisay karti iyo hufnaan u suurta-gelisay inay koobkaas hanato.
Kooxda Kubadda cagta ee Gobolka Daad-madhadheedh, waxa ay tahay koox uu si weyn u gacan-qabto Oday Xaaji Saliim oo ka mid ah dadka sida weyn ugu ololeeya horumarka Gobolka iyo wax noqoshadiisa.
C/shakuur Xaaji Muxumed Muuse [C/heersare]
Oodweynenews.com/ Hargaysa/Somaliland
Cabdiheersare01@hotmail.com/heersare2009@gmail.com