Cabsiye Cayr nabadoonada tells shabaab to fuck off

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
AhlulbaytSoldier
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 20301
Joined: Fri Feb 08, 2008 4:50 am
Location: Persian Empire

Cabsiye Cayr nabadoonada tells shabaab to fuck off

Post by AhlulbaytSoldier »

Nabadoonada Beesha Cabsiiye Cayr oo waxba kama jiraan ku tilmaamay heshiiska ay sheegteen Al-Shabab.

Naboonada iyo waxgaradka Jufada Cabsiiye ee Beesha Cayr ayaa kulan ay maanta ku yeesheen Magaalada Dhuusa Mareeb ee gobolka G/gaduud waxa ay kaga soo horjeesteen Heshiis xalay saraakiisha Al-Shabab iyo Odayaasha Beeshaas la gaareen.

Nabadoon Cilmi Xirsi Carab oo u hadlay waxgaradkii maanta kulanka isugu yimid ayaa waxaa uu ku tilmaamay heshiiskaas mid la dhoo dhoobay oo aan waxba ka jirin.

"Nimanka Al-Shabab la yiraah waxay sheegteen waa been, beesha Cabsiiye wax heshiis lama gaarin, kuwa ay sheegeen waa niman aan qaadi karin talada beesha"ayuu yiri Nabadoon Cilmi Xirsi Carab oo sheegay in warkaas uusan wax raad ah laheyn.

Waxaa uu sheegay waxa ay Cayr oo dhan ogol yihiin ay iyagana ogol yihiin, hase ahaatee wuxuu cadeeyay deegaanada ay ku sugan yihiin Beeshooda ay ka taliyaan Culumaa'udiinka Ahlu Sunah Waljamaacah.

Nabadoonka ayaa sidoo kale sheegay in ay taageersan yihiin Culumaa'udiinka Ahlu Sunah Waljamaacah, waxaana uu si kulul u weeraray Afhayeenka Al-Shabab Sheekh Cali Dheere oo isaga ka hadlay heshiiskaas.

Si kastaba ha ahaatee Xarakada Alshabaab ayaa sheegay in ay heshiis ku aadan iskaashiga la dagaalanka cadawga Alle ay kala saxiixdeen beesha Cabsiiye Cayr oo ka mid ah jufo hoosaadyada Beesha Cayr

Hoyga wararka Somaliyed
www.Jowhar.com
Jowharcom@hotmail.com
Jowharcom@gmail.com
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”