War Anigu maan ku oran Tumaal baad tahay

waxan iri uun somalida badanka wa daad Geel Raca , only about 15 ama 20 percent ba farmers ah oo mostly ah qabilada aan soo sheegay maxad marka buufis iskugu riidaysa.
Miida Labad camel herders is a traditional somali dhaqan, laakinse farming maha somali dhaqan ogow taas its a tradition absorbed from the ethiopians iyo somali bantus who were bought by italians to farm in shabelle river farms, marka aniga waxan ku iri uun geeljire wa dhaqan somali ee ha aflgayniin.
dee Galbeed aad sheegaysiid somaha wixi Hargeysa ka dhaanbeya?
Meanwhile enjoy learning the importence of Geelka , Farmer boy.
Geelu waa gaadiidka bulshada reer guuraaga oo rakuub ahaan iyo raray ahaantoonna looga maarmi maayo sida murtidaniba tilmaamayso.
Geeraar
"Geyigaad ku martaayoo,
Gaadiid weeye la fuulo,
Haddii geedi la maagoo,
Gugu meel fog ku hooro
Gurigaad hadhsanaysiyo,
Gurboodkii socon waayiyo,
Gurgurkaad ku rartaa".
Guurka
Sida aynu ognahay guurku marnaba kama maarmo duunyo mood iyo nool mid ay tahayba. Dhismaha qoyska Soomaaliyeedna waxa qayb libaax ka qaadan jirey geela waa kolka aynu ka hadlayno bulshada reer guuraaga ah, maxaa yeelay, geela waxa lagu tilmaamaa inuu yahay; folaadka duunyada nool. Mar gabbaati oo yarad hortiisa ayaa loo bixin jirey, kolla yarad ayaa loo bixin jirey, isla markaasna gabadha kasta oo la meherinayaa geel buu ahaa waxa ay meher u qabsan jirtey.
Geeraar
"Guurka loogama maarmee,
Gabadh uunka haweysey,
Ragba gees uga leexday,
Gobi waa nin adduun lehe,
Intaad guurti la soociyo,
Gadhcastiina kaxayso,
Abbaartaa gurigooda"
