-Dufaan, Gorgor, Hanqadh,danab, Bir jeex, Halgan etc = Commando units
-JWXO, ONLA- Regular army
Faahfaahin dheeraad ah Hawlgalkii Eebo-cadow
Sida warku sheegayo Ciidamada ONLF qaybta Gorgor ee sida gaarka u tababaran oo iyagu ka hawlgaley aaga Baabili ayaa gacanta ku dhigey saad iyo saanad milatari oo aad u badan. Kuwaas ah 70 qori oo 3 ka mid ah yihiin PKM, 2 Radio, dawo, dhar aad u badan oo ah kuwa cidamada oo cusub. Khasaraha dhimasada ee dhinaac wayaanaha ayaa aad u badan waxaana ku jira 4 saraakiil sare ah.
Sido kale, hawlgalkii Xamaro oo aan weli ka helin faah-faahin badan ayaa naloogu sheegay in dagaalku ahaa mid aad u culus oo 3 jeer fooda la is darey, waxaana saldhigii gacanta ku haya ciidamada ONLF.
Hawlgakii Ciidamada ONLF ee qaybta Duufaan ay ku qaadeen saldhiga Wayaanaha ee Higlaley ayaa lagu soo waramayaa in ay cagta mariyeen ciidamadii cadawga oo u badnaa Tigrea soocan. Dagaalkan oo ahaa mid gacanta la isula tagey ayey CWXO ee sida gaarka ah u tababaran ee ONLf dufyska ugu daateen kuwa Waayaanaha. Warku wuxuu intaas ku darayaa in ciidan gurmad ah oo Wayaane ah oo watey Tikniko badann ay ka soo kicitimeen magaalada Dhagaxbuur, balse Ciidamada ONLA oo ka war hayay dhaq-dhaqaaaqa Wayaaha ayaa jidka u galey, halkaasoo six xun loogu jabiyey.
Wark wuxuu intaas raaciyey in CWXO wixii saad iyo sanad yaaley Higlaley rarteen, hadana meel 7 km u jirta Higlalay ay fadhiisin ka dhigteen.
Dhinaca Galadiid iyo halwgalkii ay fuliyeen qaybta Danada ayaa lagu so waramayaa in Ciidamada ONLF ay daqiiqado yar ku qaadatey in ay saldhigaas la wareegaan, iyaga oo cagta mariyey difaacii Wayaanaha, isla markaana la wareegay wixii qalab milatari yaaley goobtaas.
Ciidamada ONLF ayaa markay isaga baxeen goobtaas, wax yar kadiba is heleen gurmad Wayaane ah oo ka yimid Duud Ciid, kuwaas oo laga dhigey wax la diley iyo wax dhaawac noqdey. Wariyaheena Magaalada Qabridahare ayaa ku soo waramaya in magaalada uu buux dhaafiyey meydka Wayaanaha.
Dhinaca kale, saldhigii ugu adkaa Gobolka Doolo ee Wayaanaha oo xaruntiisu tahay Yucub ayaa waxaa cagta mariyey qabyta Halgan ee Ciidamada ONLF, halkaas oo ay kula wareegeen wixii saad iyo saanad yaaley. Gurmad ka soo baxey magaalada Wardheer ayaa waxaa helay difaaca JWXO, halkaas oo loogu geystey khasaare aanaan faah-faahintiisa hada haynin, balse gurmadkaas wixii ka badbaadey dhamacda JWXO ayaa ku noqdey magaalada Wardheer iyaga oo meyd iyo dhaawac badan wata.
Ilaa hada waxaan sugeynaa warbixinada hawlgaladii Boodhcaano, Birqod, iyo Gunagado oo ay kala fuliyeen qaybaha Ciidamada ONLF ee kala ah Birjeex iyo Halgan.
Ugu dambyentii Saraakiisha dagaalka hogaamineysa ee ONLF ayaa mar qaar ka mid ah wariyayaasheenu weydiiyeen in dagaaladan ay jiraan in ay ku qabteen wa maxaabiis ah, ka gaabsadey in ay wax tafaasiil ah ka bixiyaan.
ONA