Markab weyn oo qaadaya 220,000 neef oo adhi ah ayaa lagu rarayaa xoolihii ugu
horeeyay ee saylada sacuudiga taga tan iyo marki xayiraadii sagaal sano saarneyd xoolaha Soomalida ay dawlada Sacuudi Carabiya ka qadday dhowaan.
Wasiirka xannaanada xoolaha Dr. Idiris Ibrahim ayaa sheegay in xoolaha intanay ka dhoofin berbera laga badhayo dhiiga cudurada Rifty Vally Fever iyo Buruseella.
Maalmaha soo socda ayaa waxaa ku soo fool leh dekedda Berbera marakiib kale oo waweyn oo qada iyana boqollal kun oo neef oo ari ah.
Berbera waxaa cirka isku shareeray siigada ay xoolahasi badani kicinayaan iyadoo dad badani oo aan la hadlay ay xabeebteen siigadasi awgeed.
Dhaq dhaqaaqa ganasiga xoolaha ayaa si weyn looga dareemayaa Hargeysa, Burco iyo Berbera iyo meelo kale.




