Baaq Taageero Ah Oo Ku Waajahan Labada Suldaan Ee Kala Ah Suldan Yusuf Muhumed Hiiray iyo Suldan Ahmed Diiriye Geyllan
Sweden (Oodweynednews)-Waxaannu baaq taageera ah u diraynaa dhammaan Suldaanada beesha habaryoonis meelkasta oo ay joogaanba ,gaar ahaan suldanada beryahanba ku hawlanaa arrimaha beesha kuwaasoo kala ah Suldan Yusuf Muhumed Hiiray iyo Suldan Ahmed Diiriye Geyllan.
Annagoo ah guddiga beesha habaryoonis ee ku dhaqan waddanka Sweden , labadaas suldan oo hawlo aad iyo aad u fara badan qatay welina ku guda jira ,waxaannu mar labaad u mahad celinaynaa waqtiga culus ee uu siiyey Suldan Yusuf beesha habaryoonis ee uu suldaanka u yahay iyo dhigiisa Suldaan Ahmed diiriye geyllan,oo isaguna waqtigaas mid la mid ah u hurray beesha haddana ku shirsan ama shir beeshu leedahay ku haya magaalada London ee carriga Ingiriiska .
Waxaannu illaahay idiinka rajaynaynaa innuu cawilkeeda idinka siiyo aamiin.
Waxaa kale oo iyaduna xusid muddan hawsha ay labadooduba ka wada qabteen arrimaha beesha habaryoonis gaar ahaan reerka kuul carre, iyo soo gabagbeyntii shirka lagu qaban doono sannadka soo socda bisha koowaad magaalada Burco ,taas oo ah guul aan la qiyaasi karin ,reero badn oo degga magaalooyinka waqooyiga iyo bariga somaliland ayaa u qaadan doona markay maqlaan shirka waxaa lagaga hadlayaa reer ka mid ah beesha habar yoonis oo la yidhaahdo kuul-carre, waxaannu u sheegaynaa inaanu kuul-carre ahyn reer ku cusub habar yoonis ee uu yahay reer dhalasho iyo isir ahaanba ka soo jeeda beelaha habaryoonis cid aan hore u maqlinna ay yar tahay sidaas awgeed beesha habar yoonis iyo suldaannaduba shir u qabanayaan una sheegi doonaan cid kasta oo carrigaas degta reerka kuul-carre ee beelaha habaryoonis inshallah.
Waxaannu halkan iyagana ka salaamaynaa ragga iyo dumarka habaryoonis ee sida joogtada ah ula shaqaynayay suldana suurtana geliyey ,shirarka ay qabanayeen illaahay haydin siiyo cawikeeda idinkana .
Guul iyo is afgarad iyo farxad aan kala hadh lahayn (waxaannu leenahay suldanada Yusuf iyo Ahmedba ha ka hadhina wax qabadka aad sheegteen ee dhulka ay degto beeshu.
waa billaahi tawfiiq.
Magacayada Guddiga,odayada dhaliyada rag iyo dumarba :
1: Ahmed Huruuf
2: Ali Diiriye Geyllan
3: Ahmed Quule Shire
4: Mohamud Abdillaahi Elmi (Abukoodh)
5: Sahardiid
6. Jama Raabi
7: Kayse Maygaag
8: Mohamamed Abdirisaaq
9: Amina hassan Abdi (cunaaye)
10: Foosiya
11: Libaan Ali
12: Saalah saleebaan
3: Zam-zam hassan
14: Naima
Iyo weliba dad aad u fara badan oo aan halkan lagu soo koobi karin .
guul iyo tow fiiq wanaagsan illaahay hanyna waafajiyo .
Mohamud Abdillaahi Elmi
E-mail Mohamud30@hotmail.com
Baaq Taageero Ah Oo Ku Waajahan Labada Suldaan Ee Kala Ah Su
Moderator: Moderators
- Ducaysane_87
- SomaliNet Heavyweight
- Posts: 3997
- Joined: Sat Jun 06, 2009 1:38 pm
- Location: Financing the Handcutter Company of Ina Godane
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 0 Replies
- 602 Views
-
Last post by CoolPoisons
-
- 0 Replies
- 556 Views
-
Last post by Garbo_Gedo
-
- 0 Replies
- 609 Views
-
Last post by MrPrestige
-
- 0 Replies
- 4511 Views
-
Last post by mashallahbro
-
- 0 Replies
- 795 Views
-
Last post by mashallahbro
-
- 0 Replies
- 921 Views
-
Last post by Ducaysane_87
-
- 0 Replies
- 254 Views
-
Last post by Ducaysane_87
-
- 0 Replies
- 229 Views
-
Last post by bashe19
-
- 40 Replies
- 1724 Views
-
Last post by lali99