Hay’ada ADRA Oo Qalabka Dabka Ee Cadceeda Ku Shaqeeya [Solar

Dadka ku dhaqan ama ka imaaday gobolkan

Moderators: Moderators, Junior Moderators

User avatar
MrPrestige
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 10104
Joined: Mon Jan 12, 2009 1:42 pm
Location: Ceelafweyn-Bancade ' Qardhaasa cadde Yoonisoo, qoodhiyaan ahaye ~~

Hay’ada ADRA Oo Qalabka Dabka Ee Cadceeda Ku Shaqeeya [Solar

Post by MrPrestige »

Hay’ada ADRA Oo Qalabka Dabka Ee Cadceeda Ku Shaqeeya [Solar System] Ka Hirgelisay Tuulada Beerato Ee Gobolka Oodweyne + SAWIRO


Image


Oodweyne (Oodweynenews.com)- Hay’ada caalamiga aha ee ADRA, ayaa Tuulada Beerato ee Gobolka Oodweyne ka hirgelisay qalabka dabka ee Cadceeda ku shaqeeya [Solar System], kaas oo loo adeegsanayo in lagaga shaqaysiiyo ceel-biyoodyo ku yaaa halkaas.





Munaasibad kooban oo maanta loo sameeyey shaacintii Qalabkaas oo lagu qabtay isla-goobtii qalabkaas laga hirgeliyey, ayaa waxaa ka soo qayb-galay Gudoomiyaha Gobolka Oodweyne Maxamed Cabdi Liibaan, Gudoomiyaha Golaha deegaanka deegmada ee Oodweyne Maxamed Cabdi Xaaji Axmed, Isuduwaha Wasaarada macadanta iyo Biyaha ee Gobolka Oodweyne Yuusuf Waleecaad Ibraahin, Madaxda Hay’ada ADRA, Guddida Beerato dadweynaha reer Beerato.


Image



Gudoomiyaha Gobolka Oodweyne Maxamed Cabdi Liibaan oo halkaas hadal kooban ka jeediyey, ayaa si weyn uga mahad-celiyey masuuliyiinta Hay’ada ADRA sida wax-ku-oolka ah ee ay isugu hawleen inay qalabkaas muhiimka ah ka hirgeliyaan Tuulada Beerato, isla markaana waxa uu tilmaamay in qalab-cadceedeedkan ku shaqaynaya iftiinka Qoraxdu uu door muhiim ah ka qaadanayo horumarka adeega biyaha ee Tuulada Beerato.


Image


Waxaa isna halkaas ka jeediyey kelmado kooban Gudoomiyaha Golaha deegaanka ee degmada Oodweyne Maxamed Cabdi Xaaji Axmed, oo xusay in qalabkaas ay Hay’ada ADRA ka hirgelisay Tuulada Beerato uu yahay fursad qaaliya oo si weyn loogu baahnaa, isla markaana lagaga maarmayo qarashakii shidaalka ee mushiin-biyoodka.


Image


“Baahida ugu daran ee Gobolka Oodweyne ka taagani waa biyaha, oo runtii u baahan in si weyn wax looga qabto. Qalabkanina waxa uu door muhiim ah ka qaadanayaa horumarinta deega biyaha ee Beerato, insha’alaahuna waxaa ku xigi doonta meelo kale oo badan oo qalabkan oo kale laga hir-gelin doono.” Ayuu yidhi Maxamed Cabdi Xaaji Axmed


Image



Cismaan Cabdi Cumar oo ka socday Hay’ada ADRA oo isna halkaas hadal kooban ka jeediyey, ayaa sheegay in rakabitaanka hawsha qalabka [Solar System-ku] ay ku qaadatay muddo laba maamood ah, isla markaana waxa uu xusay in Solar-ku uu ka kooban yahay 8 xabo oo is barbar-yaala, isaga oo xusay inay dhalinayaan dab xoogan oo sababaya inay sacadii ceelasha biyaha ka soo saaraan lix mitir kuyuubi oo biyo ah.



Waxaa kalo uu sheegay in mashruucan ay hir-gelsay Hay’ada ADRA ay maal-gelisay Hay’ada caalamiga ah ee UNICEF, looguna talogalay inay ka faa’idaystaan dadweynaha ku nool beerato.



Maxamed Gahayr oo ka mid ah dadweynaha reer Beerato, ayaa aad u soo dhaweeyey mashruucan, isla mar ahaantaana si weyn uga hadceliyey Hay’ada ADRA, isaga oo sheegay inay ballan qaadayaan inay sidii loogu talo-galay ay uga faa’idaysan doonaan.


Image


Cabdishakuur Xaaji Muxumed Muuse [C/Heersare]

Oodweynenews.com/Oodweyne Office
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Provinces - Togdheer”