
Walaalayaal:waxaan idiinla socodsiinayaa in uu dhici mudaaharaad ka dhan ah dawladda Denmark, bishu marka ay tahay 30ka dec, arbacada. waxaan ka mudaaharadeynaa dhibaatooyinka loo geystay wiilka somaaliyeed ee u dhashay beesha sade sida arxan darrada ah loogu tijaabiyo dawooyinka maskaxdaa wax yeeleeya oo 15 sano ugu xiran cisbitaal iyaga gaar u ah, una diiday booqasho.
Masuuliyiinta Golaha Nabadeynta iyo Horumarka Beesha Sade (SPDC), waxay diyaariyeen qoraalkii ashtakada ahaa ee loo gudbin lahaa safiirka dawladda xadgudubka gashay kaddib markii ay dhageysteen hooyadii wiilka dhashay oo inagala soo qaybgashay shirkii Ururka 13kii Dec. sidaasawgeed, Gudoomiyaha Ururka Mudane Cabdullahi cabdisalaam Ashkir waxuu idinka codsanayaa dhammaantiin inaad u gudbisaan petitionka cid kasta oo danqad leh
Inta ehelnimada ay ku weyntahay, kana fog colaadaha jiffooyinka ee caafimaadka qabta ka codsanaynaa inay inaga soo qayb-galaan maalintaas ay beesha Sade banaanbaxeyso.
Madaxda ururada beesha ee Leicester, Glascow iyo Brimingham, iyana waxaan ka codsaayna inay maalinkaas inaga soo qayb galaan.
Waxaan qaadaneynaa boorarkeena iyo calamadeena si aan ugu gudbino shucuurteena, addunkana u sheegno xadgudubyada lagu hayo inta ka soo badbaaday dagaalada sokeeye , kuna nool maanta qaaradda yurup......
Halka bannaan baxa ka dhici doono iyo ogeysiiskeedaa , waxaan idiin kuugu soo sheegi doonaa warbaahimaha u soo jeeda har iyo habeenba danaha Beesha Sade sida gedonet, allgedo, allgalgaduud iyo gedoweb ilaah qayr iyo xasanaadba ha siiyee.
Mahadsanidiin
Dr MH Ali(Statesman)
Xiriirka Guud ee Hayadaha Dawliga iyo Maxaliga
SPDC
London. UK


