Breaking news Mamul Goboled of 6 gobols the biggest

Dadka ku dhaqan ama ka imaaday gobolkan

Moderators: Moderators, Junior Moderators

User avatar
CoolPoisons
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 10533
Joined: Sun Dec 16, 2007 7:23 am

Breaking news Mamul Goboled of 6 gobols the biggest

Post by CoolPoisons »

in Somalia

Gedo, Jubbada Dhexe, Jubbada Hose, Bay, Bakool iyo Shabelada Hose. that's like 50% of Somalia

Saraakiisha dowladda KMG ee gobolka Gedo oo tafaasiil ka bixiyay sameynta maamul goboleed cusub

Ka dib markii shaaca laga qaaday qorshe lagu dhisayo maamul goboleed cusub gudaha dalka, ayaa arrintaasi waxaa tafaasiil ka bixiyay saraakiisha dowladda KMG ee gobolka Gedo.

Cabdi Barre Cabdi oo u waramayay idaacadda Simba isagoo ka mid ah saraakiisha dowladda ee gobolka Gedo ayaa wuxuu sheegay in mudo lix bilood ah uu soo socday qorshahan haatana la gaaray heer gabo ah.

Maamul goboleedka ayaa wuxuu ka kooban yahay lixda gobol ee ku yaala koonfur bari, waxaana qorshaha wax ka qada xildhiobaano, siyaasiyiin, waxgarad iyo xubno kale oo badan, sida uu sheegay Cabdi Barre.

Qorshahan ayaa wuxuu tilmaamay inuu qeyb ka yahay nidaamka ay ku dhisan tahay dowladda KMG, ujeedada ugu weyn ee laga leeyahayna ay tahay in si fudud lagu helo maamul dowli ah dhammaan gobolada dalka, sida uu hadalka u dhigay.

Dalka ayaa haatan waxaa ka jira maamul goboleedyo oo qaarkood taageersan dowladda KMG halka qaar ka kalena ay ka soo horjeedaa oo sheegtay inay gebi ahaanba ka madax banaan yihiin Soomaaliya.
User avatar
CoolPoisons
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 10533
Joined: Sun Dec 16, 2007 7:23 am

Re: Breaking news Mamul Goboled of 6 gobols the biggest

Post by CoolPoisons »

Gudomiye waxa laga dhigay Jale Bare Hirale :up: :up:

Xildhibaano iyo Saraakiil katirsan Dowladda oo Maamul u samaynaya 6-Gobol oo dhaca Koonfurta Somalia.

Xildhibaanno katirsan Baarlamanka dowlada Federaalka KMG Somalia ayaa sheegay in ay dejiyeen qorshayaal ay Maamul ugu samaynayaan 6-gobol oo dhaca Koonfurta Somalia.

Shir Jaraa’id oo ay degmada Doolow gobalka Gedo ku qabteen Saraakiishii dowlada ee gobalada Koonfureed lagala wareegay ayay ku sheegeen in ay diyaar u yihiin dhismaha dowlad Goboleed.

Aadan Saran-soor oo kamid ah Saraakiishii dowlada ee laga qabsaday Bay iyo Bakool oo loo doortay Afhayeenka guddiga dhisaya maamulka ayaa sheegay in ay la tashiyo la wadaan Odayaasha gobalada dhaca Koonfurta dhawaan ay ku dhaqaaqayaan dhismaha maamulkaasi.

Saraakiishan dowladda ee sheegay in ay maamulo u samaynayaan Gobalada Sh/Hoose, J/Hoose, Bay, Bakool, Gedo J/dhexe ayaanan maamulin hal gobal oo goboladaasi ka mid ah waxaana gacanta ku hayan xoogaga Islaamiyiinta ah ee dowlada kasoo horjeeda.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in lasameeyay guddi 21-Xubnood ka kooban oo uu gudoomiye u yahay Xildhibaan Barre Hiiraale dhawaana ay guda geli doonaan dhismaha maamulka.

Saraakiil kale oo dowlada katirsan ayaa kasoo horjeestay arrimaha Maamulkan iyagoona ku taliyay in marka hore Gobalada Koonfureed laga xoreeyo Kooxaha Islaamiyiinta ee haysto.
User avatar
CoolPoisons
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 10533
Joined: Sun Dec 16, 2007 7:23 am

Re: Breaking news Mamul Goboled of 6 gobols the biggest

Post by CoolPoisons »

walle hadii nin Marehan madaxweynehe ka noqdo CentralState (3 gobols) somalia iyo Madaxweyne ka noqdo KonfurGalbed State (6). that's total of 9 gobols. Kacanki labaad ayaa dhalanaya
User avatar
CoolPoisons
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 10533
Joined: Sun Dec 16, 2007 7:23 am

Re: Breaking news Mamul Goboled of 6 gobols the biggest

Post by CoolPoisons »

Ismaamul goboleed la magic baxay Koonfur galbeed ee Soomaaliya oo dhismihiisa la soo gaba gabeeyay.

Waxaa lagu dhawaaqay maamul goboleedkii saddexaad ee ay yeeshaan lix gobol oo dalka ah, kaddib markii shir ay Maalmihii la soo dhaafay ku lahaayeen Magaaladda Dooloow Soomaaliya Masuuliyiin ka tirsanaa Maamuladdii Gobaladda Koonfur Galbeed Soomaaliya ee Dawladda KMG ah ee Soomaaliya, Xildhibaano, Odayaal Dhaqameedyo, Culumaa’udiin, Ergooyin ka kala yimid Gobaladda Dalka Soomaaliya iyo Dalka Dibadiisa ayaa maanta la soo gabagabeeyay.

Afhayeenka Shirwaynahaasi Aadan Maxamad Nuur Saransoor ayaa sheegay in Shirkaasi gabagabadiisii la iskula gartay qodobo dhawr ah oo ay ka mid yihiin Magacaabista Guddi soo diyaariya Qaab dhismeedka Dawlad Gobaleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo ka kooban Aqoonyahano, Siyaasiyiin, Culumaa’idiin iyo Qaybaha Bulshadda, Waxaa sidoo kale ka mid ahaa Go’aanaddii Shirkaasi lagu gaaray in la iska kaashado sidii looga xorayn lahaa Gobaladda Koonfur Galbeed Soomaaliya Kooxaha haatan gacanta ku haya ee ka soo hor jeeda Dawladda KMG ah ee Soomaaliya.

Aadan Saransoor waxa uu intaasi ku daray inay haatan gacanta ku hayaan Istaraatiijiyad suurtagal ka dhigi karta in Gobaladaasi Koonfur Galbeed Soomaaliya ay ku soo laabtaan gacanta Dawladda KMG ah ee Soomaaliya iyo Shacabka ku dhaqan Gobaladaasi.

Dhismaha Dawlad Gobaleedkan Koonfur Galbeed Soomaaliya oo ay ku midaysan yihiin Gobaladda Bay, Bakool, Gedo, Jubbada Hoose, iyo Jubbada Dhexe ayaa la filayaa in la soo gaba gabeeyo horaanta Sannadka Cusub, Waxaana inta badan Gobaladani haatan gacanta ku haya Kooxaha ka soo horjeeda Dawladda KMG ah ee Soomaaliya, iyadoona ay socdaan abaabulo ay Dawladda Soomaaliya oo gacan ka helaysa Shacabka ku dhaqan Deegaanadaasi ku doonayso inay dib ugu soo ceshato gacanteeda Gobaladani oo haatan ay ka jiraan Maamulo hoos taga Kooxda Shabaab oo ay madax ka yihiin Dad Ajaaniib ah.

Dawlad Gobaleedkani haatan loo diyaarinayo Gobaladda Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa haddii uu meel maro waxa uu noqonayaa Dawlad Gobaleedkii Saddexaad ee Soomaaliya laga dhiso oo hoos taga Dawladda KMG ah, Waxaana ka soo horeeyay Dawlad Gobaleedyadda Punt Land, iyo Galmudug oo labadu ka tirsan Dawladda Dhexe ee Soomaaliya.

Sidoo kalana uu jiro abaabul ka soconaya isna Gobaladda Dhexe ee Soomaaliya kaasoo la doonayo in lagu dhiso Dawlad Gobaleed kale oo hoos tagga Dawladda Dhexe Soomaaliya, Waxaa sidoo kale jira Maamulka la baxay Somali Land oo isna ka tirsan Jamhuuriyadda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya.
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Provinces - Gedo”