NGO head killed in Beled Hawo by Shabab

Dadka ku dhaqan ama ka imaaday gobolkan

Moderators: Moderators, Junior Moderators

User avatar
CoolPoisons
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 10533
Joined: Sun Dec 16, 2007 7:23 am

NGO head killed in Beled Hawo by Shabab

Post by CoolPoisons »

Kooxo hubaysan oo xalay sargaal Madax ka ahaa Hay’ad Samafal oo ka howlgasha gobolka Gedo ku dilay degmada Balad Xaawo ee gobolka Gedo.

Shabelle: BALAD XAAWO

Kooxo hubaysan ayaa xalay dil ugu geystay Magaalada Balad Xaawo sargaal Madax ka ahaa Hay’ad Samafal oo ka howlgasha gobolka Gedo kadib markii ay gurigiisa ugu galeen.



Ninkaan la dilay oo lagu magacaabo Cusmaan Maadey oo ahaa madaxa Hay’adda samafalka iyo Daryeelka dadka waayeelada ayaa la dilay isagoo ku sugan gurigiisa oo kuyaala degmada Baladxaawo ee gobolka Gedo kadib markii ay gudaha ugu soo galeen kooxo hubaysan oo aan la garenyn halka ay ka yimaadeen.



Kooxaha dilka geysay ayaa ugu horeyn gudaha u soo galay guriga sargaalka waxaa ayna xaaskiisa weydiiyeen in uu joogo iyo in kale isagoo marka uu maqlay codkooda dibadda uga soo baxay guriga kadibna halkaasi ay ku toogteen kooxihii hubeysnaa.



Sargaalkan oo Xafiiskiisu uu ku yaalo magaalada Balad Xaawo ayaa maalmo ka hor waxaa uu safar kaga soo laabtay magaalada Nairobi ee wadanka Kenya waxaana isla xalay lagu aasay meydkiisa gudaha Magaalada Balad Xaawo ee gobolka Gedo.



Waa falkii ugu horeeyay ee ka dhaca Magaalada Baladxaawo tan iyo markii ay la wareegeen Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab mana jiro wax war ah oo ilaa iyo hadda ka soo baxay Maamulka Xarakada Al Shabaab ee ka jira halkaasi iyadoon aan la ogeyn waxa ay ka yeeli doonaan arinta ka dhacday degmada Balad Xaawo ee gobolka Gedo.
User avatar
Mad May
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2301
Joined: Sat Oct 03, 2009 10:43 am
Location: http://www.somalinet.com/forums/viewtop ... 5&t=246822

Re: NGO head killed in Beled Hawo by Shabab

Post by Mad May »

He was Cali Dheere, most of the al-Shabaab fighters in B/Xawo are Cali Dheere, isnt this a bit foolish?
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Provinces - Gedo”