Gurmad from Abudwaq recaptures Dhusamareb

Daily chitchat on Somali politics.

Moderator: Moderators

User avatar
CoolPoisons
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 10533
Joined: Sun Dec 16, 2007 7:23 am

Gurmad from Abudwaq recaptures Dhusamareb

Post by CoolPoisons »

Ahlu Sunnah oo dib u qabsatay Degmada Dhuusa-Mareeb iyo Xaalada oo caawa dagan

Dhuusa-mareeb:-Xaalada guud Ee Dhuusa-mareeb ayaa Caawa dagan iyadoo Ciidanka Ahlu Sunnah ay dib u qabsadeen Degmadaasi ka dib dagaal galabta dhcay.

Wararkii ugu danbeeyay ee na soo gaaray fiidnimadii Caawa aya waxa ay sheegayaan in Ciidanka Ahlu sunnah ay galabta gabal dhicii ay qabsadeen Degmadaasi.

Dagaal muddo saacad ka yar socaday ayaa dib ay Ahlu sunnah ugu qabsadeen dhuusamareeb sida ay sheegayaan dadka deegaanka oo aynu Caawa Telfoonada kula hadalnay.

Ciidan xoogan oo Ahlu Sunnah ay leedahay ayaa ka soo kala baxay Caabud-Waaq kuwaasi oo u soo gurmaday Dhuusmareeb sidaasi oo la sheegay in gacanta loogu soo celiyay Degmadaasi.

Xarakada Alshabaab ayaa maanta wadooyin badan ka soo weerartay Degmadaasi iyadoo ay saacada ka dib la wareegtay guud ahaan Magaalada xarunta u ah Gobolka Gal-gaduud.

Kulan ayaa waxaa la sheegay in uu dhexmaray Odayaal deegaanka ah iyo Saraakiisha Alshabaab iyadoo looga hadlay ilaalinta daganaanshaha deegaanka.

Isku soo duub dagaalka maanta dhacay waxa uu dhaliyay dhimashada in ka badan 10-ruux iyo dhaawac aan la qiyaasi Karin maadaama dadka ay kala carareen oo deegaanka la baneeyay.

Weli xaalada ayaa ah mid ku jirta jawi daganaansho aan la ogayn halka uu gaarayo maadaama Magaalada ay Ciidan soo buuxiyeen Ahlu sunnah iyadoo Ciidanka Alshabaab ay joogaan duleedka Degmadaasi Dhuusa-mareeb
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - General Discussions”