Warbaxin ku saabsan Magaalada Dhagaxdheer iyo Beenin Warar Saxaafado Qortay!
Waxa dhowaan ka Soo Baxay saxaafada qaarkood, warar sheegaya in Magaalada Dhagaxdheer weerar ku soo qaaden Raxaan Doofaro ah, sheegayna inay Dhaawac gaadhsiiyen 2 nin halka dhina kalena la dilay 2 Doofar.
Haddaba wariyaha Buraoonline uu uu jooga Magaalada Dhoqoshey Muse Maxamoud Abyan, ayaan Saaka kala Xidhiidhnay siday wax uu uga Jiraan wararkan Saxaafada lago soo qoray ee ah in Koox Dofaaro soo Weerareen Magaalada Dhagaxdheer oo Qiyaas ahaan uu jirta Magaalada Dhoqoshey 20km kana xigtana Koonfur Bari.
Waxu noo sheegay Muse abyan inaanay waxba ka jirin, Inay wax koox doofaro ahi soo weerareen Magaalada Dhagaxdheer, waxaanu noo sheegay inay isla Joogen markaan khadka Moobilka kula xidhiidhnay Maamulaha Schoolka Dhagaxdheer Xaajis xassan Gelle, waxaano ka waramay in Xaalada Magaalada Dhagaxdheer aad iyoo aad uu fiicantahay, oo anay Jirin wax alaala Wax Dhibaata ahi, waxaano sheegay waxa keliya ay ka cabanayaan inay tahay Aabaarta baahsan ee haysa Dalka, waxaano sheegay in Dadka badankiisi uu hayaamen xagga Hawd, ama dhinaca Buuhoodle ee Xagga Bariga, inkasto Biyo Yaraan laga soo sheegayo Degaanadasiba!
Mar Wax Laga weydiiyay Ka Waran Sido uu socdo Schoolka Dhagaxdheer, oo ka Mid ah Schoolada Sare ee Ugu Horumarsan Degaanada Miyiga, oo ay Dhigtaan 478 Wiil iyo 280 Gabdhood Qiyaas ahaana ah Schoolka ugu Ardayda Badan Degaanka.
Schoolka Dhagaxdheer aya ka mid ah Shoolada ama Project ay Dhistay Ururka Qurbo-jooga (Guryasamo Community) oo ah Dad uu Dhashay Degaanada Dhagaxdheer, Taalo-buur, Dheriyale, Sibidhley, Ballidhaye iyo Degaano Badan oo Kale oo Ka Tirsan Somaliland iyo Ethiopia, waxaanay hadda Dhiseen Mashruucyo ay ka mid yahin, schoolo, Goobo Caafimadeed, iyo Malmaacmado.
Magaalada Dhagaxdheer oo leh Tariikh aad uu fog, aya waxaad ku arkaysa Aqalo Badan oo ay ka tageen Gumeeysii Ingriiska, madaama ay uu ahayd Xaruunn Isticmaalki Ingriiska, waxaanad ku arkaysa Guryo badan oo cusub oo ay dhisteen Dadka ka soo jeeda Qurbo-jooga, waxaanay magaalada Dhagaxdheer ka mid tahay meelaha ugu soc socodka badan, xagga Ganacsiga. waxa ku yaala magaalada Dhagaxdheer 2 Xawaaladood sida Xawaalada Dahabshiil iyo Xawaalada Qaran Express, waxaana hore uu ugu Ooli jirtay Xawaaladi la Odhan Jiray (Mataan Express) oo La Xidhay.
Waxa Kale ee Magaalada ka helaysa Isgaashinta Telesom, oo hadda Gacanta ka qaaday Birti Dheerayd sidaan Moobilka uu Isticmaalno, waxa kal aad uu shaqeenaya Dukaamada oo aad uu Camiran, waxaana alaabaha Badankooda looga keena Burco, waaxan jira Ganacsi ku Xidhan xagga Bosaaso IWM.
Magaalada Dhagaxdheer oo ka mid ah Degmo ay Dhoqoshey Xukunto, aya Berrigi Dhoweyd Diiwangelinti Sii Fiican uga Dhacday, waxaano Noo sheegay inay ka Soo Baxeen Magaalada Dhagaxdheer oo keliya Dad Gaadhaya 3800 oo qof, marka Degmada Dhoqoshey la isko darana, waxa ka Soo Baxay Dad Lag Qiyaasay 24000( Afar iyo Laabatan ku oo Qof)
Muse Maxamoud Abyan -Dhoqoshey
Buraonline
Warbaxin ku saabsan Magaalada Dhagaxdheer iyo Beenin Warar S
Moderators: Moderators, Junior Moderators
- LiQaaye_TDH
- SomaliNet Super
- Posts: 15857
- Joined: Fri Apr 23, 2004 7:00 pm
- Location: Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed (Silaanyo) ee Somalinet...
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 7 Replies
- 1025 Views
-
Last post by Cirwaaq
-
- 0 Replies
- 307 Views
-
Last post by Somali2003
-
- 0 Replies
- 296 Views
-
Last post by KacdoonSool
-
- 0 Replies
- 365 Views
-
Last post by MrPrestige
-
- 1 Replies
- 280 Views
-
Last post by eyes-only
-
- 0 Replies
- 306 Views
-
Last post by ina aadan
-
- 5 Replies
- 666 Views
-
Last post by LiQaaye_TDH
-
- 15 Replies
- 4169 Views
-
Last post by GacankaCadmeed
-
- 4 Replies
- 1063 Views
-
Last post by Cali_Gaab