Madaxda Ahlusuna oo xadra ku qabtay Wabxo iyo Warxoolo kadib dagaal culus+Cod
Mogadishu 12 Janaury 2010 Waagacusub Media.
Hogaamiyeyaasha dagaal ee Ahlusuna Wal jameeca ayaa degaanadda Wabxo iyo Warxoolo ku qabtay qasiidooyinka ay qaadaan xilliyadda dagaalka,Dhageyso
Sheekh Cabdi Risaaq Ashcari iyo Sheekh Zeylaci ayaa boqolaal ka tirsan Ciidamadda Ahlusuna u oogay qasiidooyin kadib markii dagaal faraha looga gubtay ay Warxoolo iyo Wabxo kula galeen Maleeshiyadda Al-Shabaab,.
Dagaalka ugu culus wuxuu ka dhacay degaanka Warxoolo oo tira ka sedex jeer ay weerar rogaal celisa ku soo qaadeen Maleeshiyadda Al-Shabaab oo lagu diirtay subaxnimadii hore xilli ay isu diyaarinayeen inay weerar ku qaadaan Guriceel.
Todobo ka tirsan horjoogayaasha Maleeshiyadda Al-Shabaab ayaa lagu qabtay dagaalka Warxoolo,waxaana kadib dagaalyahanada Ahlusuna weerar ku qaadeen Tuuladda Wabxo oo ay gacan ku heynteeda la wareegeen,
Dagaalka Wabxo ayaan la ogayn khasaarahiisa inta uu dhan yahay hasse yeeshee waxaa lagu wadaa in Maalinta Khamiista lagu kala baxo,Ceelbuur,Buuloburde iyo Maxaas sida ay Waagacusub u sheegeen Saraakiisha Ciidamadda Ahlusuna,
Al-Shabaab dagaalada goboladda dhexe way ku hoobteen hasse yeeshee waxaa muuqato inay dagaal gelinayaan dhalinyaro aysan dhimashadooda ka damqeeyn.
Gudoomiyaha golaha dhaqanka Gobolka Hiiraan Nabadoon Xooshoow ayaa ku baaqay in la garab istaago dagaalka looga sifeeynaa xulufadda Xasan Dahir iyo Khawaarijta AL-SHABAAB,wuxuuna sidoo kale si rasmiya u shaaciyay in Khamiista la qaadayo dagaal uu ku sheegay mid lagu gumaadaa Al-Shabaab ,.
ASWJ striking hard against UBL's Lackeys
Moderator: Moderators
- AbdiWahab252
- SomaliNet Super

- Posts: 56715
- Joined: Mon Jul 14, 2003 7:00 pm
- Location: Unity. Strength. Capital.
- AbdiWahab252
- SomaliNet Super

- Posts: 56715
- Joined: Mon Jul 14, 2003 7:00 pm
- Location: Unity. Strength. Capital.
Re: ASWJ striking hard against UBL's Lackeys
Saaka ka dhacay Deegaanka War-Xoolo ee Gobolka Galgaduud
Talaado, January 12, 2010(HOL): Wararka dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal xooggan oo saakay ku dhexmaray deegaanno ka tirsan Gobolka Galguduud ciidamo kala taabacsan Ahlusunna Wal-jamaaca iyo Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin, kuwaasoo socday 3-saacadood.
Dagaalkan oo ahaa mid xooggan oo dhinacyadu ay isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan ayaa waxay wararka hordhaca ah ee la helayo sheegayaan in dagaalkaas maanta dhacay ay ku dhinteen 15-qof oo u badan dhinacyadii dagaalku u dhexeeyay.
Sidoo kale dhaawacyada dagaalka oo kor u dhaafayay 22-qof ayaa la geeyay Isbitaallo ku kala yaalla Ceelbuur iyo Guriceel, halkaasoo ay saldhigyo waaweyn ku leeyihiin dhinacyada dagaalku u dhexeeyo.
Madaxa wafaafinta ee Ahlusunna Sheekh C/llaahi C/raxmaan Al-Qaadi oo shir jaraa'id qabtay markii uu soo gabgaboobay dagaalka ayaa saxafiyiinta u sheegay in dagaalka ay guulo ka gaareen, ayna la wareegeen deegaannadii lagu diriray saakay.
"Deegaannada Wabxo iyo War-xoolo innaga ayaa gacanta ku hayna, waxaana ku dilnay dagaalka tiro badan oo ciidamadii dagaalka nagula jiray ka mid ah, kuwaasoo weli ay maydadkooda yaallaan halkii lagu dagaalamay" ayuu yiri Sheekh Al-Qaadi.
Ma jirto dhinaca kale saraakiil u hadlay oo ka warbixiyay dagaalka, iyadoo dadka ku nool deegaannada ku dhow halka uu dagaalku ka dhacay ay sheegeen jugta hubka la isweydaarsanayay ay ka maqlayeen deegaannadooda, sida degmada Ceelbuur.
Afhayeenka Ahlusunna ayaa dhanka kale sheegay in dagaalka ka socda Gobolka Hiiraan ay iyagu lug ku leeyihiin, ayna wadayaan inta ay ka saarayaan Gobolkaas kooxaha gacanta ku haya oo uu sheegay inay yihiin kuwo dadka dhibaatooyin ku haya.

- Twisted_Logic
- SomaliNet Super

- Posts: 12897
- Joined: Fri Aug 31, 2007 4:09 pm
- Location: Speaking up against Somalinet's tolerance for Al Qaida Loyalists
Re: ASWJ striking hard against UBL's Lackeys
Ceel Buur and Buulo Barte are next 
- Basra-
- SomaliNet Super

- Posts: 49034
- Joined: Mon Feb 16, 2004 7:00 pm
- Location: Somewhere far, far, far away from you forumers.
Re: ASWJ striking hard against UBL's Lackeys
TL---its soooooooooooo good to know i know u!

-
AhlulbaytSoldier
- SomaliNet Super

- Posts: 20301
- Joined: Fri Feb 08, 2008 4:50 am
- Location: Persian Empire
Re: ASWJ striking hard against UBL's Lackeys
I like this offensive of ahlusunnah.
Too bad they didnt make pictures of dead khawarij.
Too bad they didnt make pictures of dead khawarij.
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 2 Replies
- 34 Views
-
Last post by Twisted_Logic
-
- 7 Replies
- 346 Views
-
Last post by Voltage
-
- 1 Replies
- 506 Views
-
Last post by Caesar
-
- 3 Replies
- 574 Views
-
Last post by Sir-Luggoyo
-
- 1 Replies
- 643 Views
-
Last post by galia
-
- 19 Replies
- 1511 Views
-
Last post by Niya
-
- 35 Replies
- 7194 Views
-
Last post by Siciid85
-
- 18 Replies
- 14822 Views
-
Last post by grandpakhalif