Laascaanood(Jidbaale.com):-Warar Hordhac oo ayaa waxa ay xaqiijiyeen in ay 120 Askari ka soo goosteen malayshiyada Hargeysa ee ku sugan deegaanka Laascaanood ka dib markii uu ku yimi kala jab dhinaca fikirka ah.
Malayshiyadan soo goosatay oo tiradooda lagu sheegay 120 Askari ayaa waxa horkacayey Farxaan Maxashwaan Xirsi Iish iyo Faarax Sabaray , waxayna hadda ku sugan yihiin sida la sheegay duleedka Garoowe, waxayna wataan dhawr tikniko ah , waa markii ugu horaysay muddo sanad iyo dheeraad ah oo ay malayshiyo ka soo goosato maamulka Hargeysa.
Iyada oo ay caado noqotay muddooyinkii ugu danbeeyey in marba malayshiyo dhinac u hayaanto iyaga uu isu weydaaranaya labada maamul ee Hargeysa iyo Garoowe.
Jidbaale.com@gmail.com
http://www.radiowidhwidh.com/html/modul ... e&sid=1052(Lascaanod) 14.1-10 Wararka naga soo gaadhaya Caasimada Gobolka Sool Lascaanood ayaa sheegaya in Saraakiisha ugu saraysay maleeshiyada ukala jabay laba Garab oo kala ah........
Sida loo xaqiijyay Widh-widh Online ilaa 120 Askari ayaa ka goostay malayshiyada Hargeysa ee ku sugan deegaanka Laascaanood ka dib markii saraakiisha ugu saraysay maleeshiyadauu ku yimi kala jab dhinaca fikirka..
Sarakiisha horkacaya maleeshiyada waa Farxaan Maxashwaan Xirsi Iish iyo Faarax Sabaray, waxayna hadda ku sugan yihiin sida la sheegay aaga Garoowe, waxayna wataan tikniko badan.

