
Hargeysa(HWN):- Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Somaliland Cabdillaahi Maxamed Ducaale, ayaa beeniyey hadal habeen-hore ka soo yeedhay Wasiir-ku-xigeenkiisa Axmed Aadan Ismaaciil (Axmed-Kayse), kaasoo uu ku sheegay inaanay Xukuumaddu ogolaan doonin inuu Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Axmed-Siilaanyo dalka soo galo ilaa inta uu ka noqonayo, cafisna Xukuumadda ka soo waydiisanayo qirashada inuu Somaliland aamminsanaa. Hase ahaatee, hadalkaas Wasiir ku-xigeenka Arrimaha dibadda oo dareen badan dhaliyay, ayaa Wasiirka Wasaaraddaasi Mr. Ducaale, waxba kama jiraan ku tilmaamay.
Waxaanu Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Cabdillaahi Maxamed Ducaale, sheegay in Axmed Maxamed Maxamuud (Axmed-Siilaanyo), yahay Guddoomiye Xisbi, isla markaana yahay Nin u sharaxan Jagada dalka ugu saraysa ee Madaxweynanimo, sidaa daraadeedna uu yahay Masuul Sharaf iyo Qaddarin ka mudan Qaranka Somaliland.
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland, waxa uu sidaa ku sheegay waraysi uu siiyey Wakaaladda wararka Somaliland ee SOLLA, waxaana lagu baahiyey Idaacadda Afka dawladda ku hadasha ee Radio Hargeysa oo aannu warkan ka soo xigannay. Idaacadda warkan faafisay laguma siidaynin codka Wasiirka Arrimaha dibadda, hase ahaatee, Wariye akhriyeyey Warkaas oo uu naarad-gareeyey, ayaa waxa uu u dhignaa sidan.
“Waxa uu waxba kama jiraan ku tilmaamay wararka ah in xukuumaddu ballanku qaadday inaanu dalka soo gali Karin Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Md. Siilaanyo, ilaa inta uu ka noqonao arrinta fadaraalka. Waxaanu isaga oo Wasiirku arrintaa sii faahfaahinayana waxa uu daboolka ka qaaday in Siilaanyo yahay hogaamiye Xisbi oo u sharaxan jagada dalka ugu saraysa, sidaa daraadeedna uu sharaf ka mudan yahay Xukuumadda Somaliland. Wararkaas laga faafiyeyna aaanay ahayn qaar wax ka jiraan.
Waxa warkaas lagu baahiyey war galabta ee Idaacadda Afka dawladda ku hadasha ee Radio Hargeysa. Hase-yeeshee, Wariyaha Warkan akhriyey ma sheegin in hadalkani ka soo yeedhay Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Dibbadd Somaliland Axmed Aadan Ismaaciil (Kayse-Guray), balse waxa uu ka dhigay warka Wasiir ku-xigeenka laga soo xigtay warar laysla dhexmarayo.
Si kastaba ha ahaatee, hadalkan Wasiir-ku-xigeenka Ammuuraha dibadda ka soo yeedhay, ayaa la filayaa inuu culays badan ku keenay guud ahaanba Xukuumadda, gaar ahaanna Masuuliyiinta Wasaaradda Arrimaha Dibadda, ka dib markii dareen xoogleh oo lagaga soo horjeedo dhawaaqa Wasiir Kayse ay badi dadweynuhu muujiyeen, sheekadaasina noqotay ta kaliya ee loogu hadal-haynta badnaa labadii habeen iyo labadii maalmood ee ugu dambeeyey. Isla markaana ay si kulul u cambaareeyeen Masuuliyiinta Xisbiyada Mucaaridka ah ee UCID iyo KULMIYE, oo Madaxweyne Rayaale ugu baaqay inuu Wasiir ku-xigeenkiisaas tallaabo ka qaado.
Arrimahaas Shicibka iyo Mucaaridka kaga soo noqday Xukuumadda oo dhan ayaa noqon kara ama loo arkaa inay culays badan iyo cadaadis xoogleh ku keeneen Maamulka Rayaale, sidaa daraadeedna lama dhaafaan u arkay in la beeniyo warka Wasiirkoodu bixiyey. Kaasoo maanta Wasiirkii Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Khaarajiga uga sareeyey si dadban u beeniyey.
Cabdifataax Ismaaciil Mursal
Hadhwanaagnews.com/Office
Hargeysa/Somaliland