Isniin, January 25, 2010(HOL): Dagaal xooggan oo u dhexeeyay kooxaha Xisbul Islaam iyo Xarraatul Shabaab oo isku dhinac ah iyo kuwa Ahlusunna oo ka soo jeeda ayaa ka qarxay galabta duleedka xarunta Gobolka Hiiraan ee Baladweyne.
Kooxaha dagaallamaya ayaa isku adeegsanaya hub xooggan oo laga maqlayo gudaha Magaalada, waxaana wararku sheegayaan in dagaalku uu qarxay markii xoogagga Ahlu sunna Waljaamaca ay weerar ku soo qaadeen ciidamo dhinacyada kale ah oo ku sugnaa agagaarka garoonka Diyaaradaha degmadaas.
Inkastoo mas'uuliyiinta dagaalku uu u dhexeeyo aanay ka hadlin dagaalkan ayaan haddana waxaan jirin warar xaqiiqo ah oo sheegi kara khasaaraha ka dhashay dagaalka oo socda in ka badan 2-saacadood.
Hubka culus iyo rasaasta ay dhinacyadu is-weydaarsanayaan ayaa si tartiib-tartiib ah ugu soo dhawaanaya Magaalada Baladweyne iyadoo dhanka kalena la arkayo gaadiid dagaal oo ay wataan ciidamada Xisbiga iyo Xarrakada oo soo galaya Magalaada.
Dagaalkan ayaa kusoo beegmaya iyadoo Ahlusunna iyo Dowladda Soomaaliya laba maalmood ka hor laga qabsaday Baladweyne, kaddib dagaal kooban oo dhacay, iyadoo Magaalada ay labada dhinac isku horfadhiyeen muddo 10-maalmood ah.
Wixii warar ah ee kusoo kordha dagaalkan oo si xooggan u socda kala soco wararkeena dambe haddii ALLE idmo.
Too bad the martyred cumar xaashi(rah) left us(the living world),because he would lead these mujahidiin against the qawaarij if he was alive
