

XAFIISKA WAKIILKA DAWLADA PUNTLAND EE MALAYSIA
Markii ugu horeysay intay jirtay dawlada puntland ayaa maamulka hadda talada haya uu suurta galiyay in la helo xafiis wakiil uga noqda danaha dawlada Puntland ee dalka Malaysia.
Xafiiskan ayaa shaqadiisu tahay sidii laysugu soo dhawayn lahaa dawlada Puntland iyo dawlada Malaysia islamarkaasna loo horumarin lahaa xiriirka labada dawladood, loogana faa’idaysan lahaa horumarka ay ku talaabsaday dawlada Malaysia.
Xiriirkan ayaa sidoo kale dawlada Puntland u aragtaa mid ahmiyad wayn u leh kor u qaadida arimaha bulshada ee Jaaliyada, khaasatan sidii loo tayeen lahaa Caafimaadka, Waxbarshada iyo Ganacsiga, hawlahaan baahidooda ayaa ah kuwa ugu muhiisan ee Jaaliyadu kaga xiran dalka malaysia.
Dhinaca kale dawlada Puntland ayaa danaynaysa sidii loo heli lahaa xiriir rasmiya oo caalimaya oo dhexmara iyada iyo Malaysia si xal loogu helo mashaakilaadka soo foodsaara Jaaliyadeeda ku dhaqan dalka Malaysia, sida arimaha socdaalka (immigration affairs) iyo dhibaatooyin amniga khuseeya oo mararka qaarkood la soo gudboonaada Jaaliyada, islamarkaasna Jaaliyadu ay dhinaceeda ilaaliso una hogaansanaato sharuucda u dagsan dalka Malaysia.
Hadaba hawshaan baaxada wayn leh ayaa dawlada Puntland u soo magacowday mudane Ahmed Osman Shibbin oo in mudo ah dagnaa dalka Malaysia kana mid ah dadka hantiilayda ah ee dagan wadankaas.
Mudane Shibbin ayaa ah nin magac-dheer ku leh bulshada Soomaliyeed guud ahaan, waayo aragnimo iyo aqoon dheeraadana u leh arimaha Jaaliyadaha, jagooyin muhiima ka soo qabtay Jaaliyadaha Soomaalida ee Australia, New Zealand iyo Malaysia sanadadii ugu dambeeyay. Mudane Shibbin waa nin lagu yaqaano xoog furnaan iyo inuu si aan hagar lahayn ugu adeego danta guud meelkasta uu joogo.
Wuxuu mar aan Mudanaha wax ka waydiiyay siduu u arko xilkaan cusub ee loo soo magacaabay ii gu jawaabay “ waa mid aad loogu baahnaa waxtar wayn u leh Jaaliyada reer Puntland ee ku sugan dalkaan, waxaa iyana waxtar taas la mida u leedahay xafiiskaan dalki,i sababtoo ah dalkaan Malaysia waxbadan oo wanaagsan oo looga dayan karo ama dawlada Puntland wax looga tari karo (capacity building ) ayay leedahay marka waxaan oran lahaa waa talaabo horumar leh wakhti saxana la qaaday”.
Wuxuu kaloo Mudane Ahmed Osman Shibbin cadeeyay in ay jiraan sanadkii la soo dhaafay 2009kii dad uu ku qiyaasay toboneeyo qof in dawlada Puntland arimo caafimaad ugu soo dirtay dalkaan Malaysia iyo in kabadan 70 qof iyagu iskood u socday oo Puntland ka yimid intaba ay u fidiyeen gacan bini’aadanimo siday u maareen lahaayeen arimahooda caafimaad.
Waxaa iyana jirta ayuu yiri mudane Shibbin arday reer Puntland ah oo afar boqol ku dhaw halkaana wax ka barta una baahan in tiro-koob saxa laga helo xaaladoodana laga war hayo, marka waa mid wayn oo muuqata baahina looqabo in lahelo xafiis wakiil ah oo ****ola baahida Jaaliyada iyo sidoo kale tan dawlada Puntland.
Ugudambayn, Mudane Shibbin ayaa ugu baaqaya isagoo ku hadlaya magac dawlada Puntland dhamaan dadka reer Puntland meelkasta ay joogaan inuu Xafiiskiisu diyaar u yahay wax qabad ku aadan danahooda gaarka ah, sida; u soo saarida ardayda sharci Waxbarasho iyo islamarkaasna in ardayga loo xereeyo jaamacada ku haboon daraasadiisa isagoo jooga rugtiisa/dalkiisa, keenid iyo sharci u soo saarid dadka Malaysia u imaanaya arimo Caafimaad iyo khidmooyin kale oo badan, waxaa iyana xafiisku diyaar u yahay inuu jiheeyo cidii dananaysa arimaha Ganacsiga.
Fadlan wixii tafaasiila ka la soo xiriir Xafiiska Wakiilka Puntland ee Malaysia
NO 54, Satang 2,
Medan Idaman,
Gombak
Kuala Lumpur 53100.
Tel: +6-0341498811 +6-0341498811
Mob: +6-0173607074 +6-0173607074
Fax: +6-0341498812
Email: punt.malaysia@gmail.com
Qalinkii Omar Samatar
dinu-hanifa@yahoo.com
Fadlan ilaali xuquuqda qoraalka