Al Shabaab Fear War In Kismayo As Well.

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
Amusse
Posts: 228
Joined: Wed Oct 21, 2009 12:57 am
Location: Xamar Cadi

Al Shabaab Fear War In Kismayo As Well.

Post by Amusse »

Kismaayo: Al- Shabaab oo shaaciyey dagaal lugu soo yahay.

These guys must have been asleep while the TFG and the International Community were planning. :mrgreen:

Kismaayo(AllPuntland)- Maamulka sare ee magaalada Kismaayo ee xaruntada Jubada Hoose ee Xarakada Al- Shabaab ayaa shaaciyey in la hayo xogo cado oo tilmaamaya duulaan dagaal oo ay soo wadaan dawladda KMG ah iyo dhinacyada la safan ee ka soo horjeeda dhaqdhaqaaqyada Al- Shabaab & Xisbul Islaam.

Maamulka magaalada Kismaayo ayaa iclaamiyey dagaal adag oo ay sheegeen in ay gali doonaan gobalada Jubooyinka, kaasoo ah Bad iyo Biri, isla markaasna ay iskaga difaaci doonaan cadowga ka soo horjeeda Kitaabka Alle, waa sida ay hadalka udhigeene.

“ Gaaladii oo dhan iyo kuwii Muslimiinta sheeganayay ee la socday waad aragtaan, waxa ay sameynayaan, Kenya ciidan Soomaali dhalinyaro ah ayay keentay xadka oo dagaal ay doonayso in ay soo qaado, Mareykan badda ayuu bilaabay in uu diyaaradahooda yimaadaan, xaalad culus ayaa noo taala fursad ajar ah oo qaali ah ayaa noo soo dhawaatay, waa in aan ka faa’iidaysanaa Ajarkaas” Ayuu yiri Gudoomiye kuxigeenka guud ee Al- Shabaab ee gobalada Jubooyinka, oo ka hadlayay magaalada Kismaayo.

Al- Shabaab ayaa sheegay in ay qaadi doonaan talaabo kasta oo ay uga hortagi karaan dhinacyadaas duulaanka soo wada, waxa ayna sheegeen in aysan cabsi ka heynin dagaal uga yimaada dhinacyada kala gedisan, iyagoo ugu baaqay Shacabka Soomaaliyeed in ay ka shaqeeyaan sidii Shareecada Islaamka loogu dhaqi lahaa Soomaaliya.

“ Al- Shabaab iyo dagaal waa is yaqaanaan, wax cusub maahan, Itoobiya oo ka awood badan qolyaha hada soo socda ayaan dagaal uga saarnay Soomaaliya, hadana Ilaahay idinkiis, waan ka guuleysan doonaa qolyaha meelaha isku uruursaday ee dagaalada soo wada” Ayuu yiri Sarkaal sare oo ka tirsan Al- Shabaab, kuna sugan magaalada Baydhabo ee gobalka Baay oo ahayd meeshii ugu dambeysay ee ay ka baxeen ciidamadii dawladda Itoobiya ee Soomaaliya soo galay 10- December- 06.

Diyaarado ah kuwa dagaalka ayaa aad ugu dhawaaday shalay dekeda magaalada Kismaayo, waxaana la rumeysan yahay in ay diyaaradahaas leeyihiin ciidmada Shisheeye ee jooga Xeebaha dalka Soomaaliya, gaar ahaana kuwa Mareykanka oo aad uga cabsi qaba hub uga daga Al- Shabaab magaalada Kismaayo.

Abaabulka dagaal ee ka socda gobalada Koonfureed ee Soomaaliya ayaa aad usoo labo lixaadsaday saacadihii ugu dambeeyey, waxa ayna dawladda KMG ah oo aan laheyn awood badan ay la tacaalaysaa sidii ay wax badan uga qaban lahayd dhinacyada lugu haleeyey,iyadoo maalmihii ugu dambeeyey waday dadaalo kala gedisan.

F. C. Maxamed
AllPuntland
User avatar
galia
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 8785
Joined: Tue Mar 15, 2005 6:32 am
Location: 46464
Contact:

Re: Al Shabaab Fear War In Kismayo As Well.

Post by galia »

Old skool, Gen, Morgan is back and this time is going to fight for somalia :som:
Amusse
Posts: 228
Joined: Wed Oct 21, 2009 12:57 am
Location: Xamar Cadi

Re: Al Shabaab Fear War In Kismayo As Well.

Post by Amusse »

The TFG has started a Fire that the Shabaab weren't ready for. :clap:
User avatar
galia
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 8785
Joined: Tue Mar 15, 2005 6:32 am
Location: 46464
Contact:

Re: Al Shabaab Fear War In Kismayo As Well.

Post by galia »

And when the shots start popping we all know who the somali people going to support, thats the TFG :som:
Amusse
Posts: 228
Joined: Wed Oct 21, 2009 12:57 am
Location: Xamar Cadi

Re: Al Shabaab Fear War In Kismayo As Well.

Post by Amusse »

galia wrote:And when the shots start popping we all know who the somali people going to support, thats the TFG :som:
Inshallah.
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”