Ceel shidaal oo cusub oo ogadenia laga qodayo.

User avatar
hanqadh
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2786
Joined: Mon Mar 23, 2009 1:03 am
Location: soo dhalin la wada garan wali suuqa dhagaxbuur dhiigoodu ma qoyana!

Ceel shidaal oo cusub oo ogadenia laga qodayo.

Post by hanqadh »

Ceelal Shidaal oo Cusub oo Ogaadeeniya Laga Qodayo Mase Taqaan Inta Ceel ee Ku Taala Dhulkaaga Hooyo.
<Shir Saxaafadeed ay Shirka Petrons ku Qabatay Magaalada Addiss Ababa Ayay sheegtay in Ceelal Cusub oo Shidaal ay ka Qodoyso Ogaadeeniya Kuwaas oo ay ku rajo wayn tahay in ka soo Saarto Gaaska Dabiiciga ah ama Shidaalka loo Yaqaan Petrolium. Waa Sida ay Shaaca ka qaadeen Maanta Iyagoo Kulan ku Leh Hilton Hotel Addiss Ababa.

Shidaalka ku Jira Ogaadeeniya ayaa ah Mid Hodan ah Guud ahaan 14 Ceel oo Shidaal Iyo Gaas Iskugu Jira ayaa ka qodon Labada Goob ee Lagu Kala Magacaabo Calub Iyo Hilal. 10 Ceel waxay ku Taala Jeexdin Meesha 4 Kalana ku Taala Hilaal, 8 Ka mid ah Ceelashan oo Gaaska Dabiiciga ah waa Diyaar Dhoofinta kali ah ayaa u dhiman.

Ceelasha Jeexdin waxaa lagu Qiyaasaa 76 billion cu.m Ceelka Shidaalka Hilaal wuxuu Maalinkii soo Saari Karaa sida ay sheegtay Shirkadan 35 Foosto oo Shidaal ah. Dhanka Kale Ceelasha Gaas ee Hilaal waxaa lagu Qiyaasay ugu yaraan 42 billion cu.m oo gaas ah.

Guud ahaan Dhulka Lagu Tuhmayo Shidaalka Iyo Gaaska Ogaadeeniya Inuu ku Jira ayaa u dhaxeeya Saaxada Dhan 250,000 sq.m.

Guud ahaan Ceelasha Baaritankaa Ku socda ee Ogaadeeniya ayaa Dhan 47 Ceel, Meelaha oogu Badan ee lagu Tuhmayo Gaaska Dabiiciga ah ayaa blog 11 Iyo 15 ee ku kala Yaala Jeexdin Iyo Hilaal.

Shirkada Petrons ee Laga leeyahay Dalka Malaysia ayaa Haatan u Guuraysa Hilaal Halkaas oo ka samaysanyo Camp Cusub oo Baaritaan Dheeri ah ay ka samayn Doonto.

Xaga Amniga ayaa ah meesha oogu daran ee la isku Haysto Iyadoo Ogaadeeniya ay ka Jirto Jabhda ONLF oo aan Marnaba ogolyan In Ceelsha Shidaalka Iyo Gaaska Itoobiya Dhamaystirto Ilaa Laga helayo Xaq Iyo Xoriyada Soomaalida Ogaadeeniya.

Mar dhow ayay ahayd Markii Dalka Sweden Laga soo saaray Buug Loogu Magac daray ka Kanacsiga Dhiiga Iyo Betroolka oo ku qoran Afka Swedish oo lagaga Hadlaya Shidaalka Ogaadeeniya iyo Xasuuq loo Gaysto Shacabka Ogaadeeniya.

Ogadentoday
Addiss Ababa
User avatar
hanqadh
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2786
Joined: Mon Mar 23, 2009 1:03 am
Location: soo dhalin la wada garan wali suuqa dhagaxbuur dhiigoodu ma qoyana!

Re: Ceel shidaal oo cusub oo ogadenia laga qodayo.

Post by hanqadh »

ONLF is very smart way sugtaa until ay hubiso in meesha wax laga helay iyo in kale, markay ogaado bay qiyaamahooda kicisaa....Goordhaw markay qabsato dhulkana wax kasta waa uu diyaar oo waa soo sarkii uun iyo dhoofidii. :up: :lol:
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Ogaden - General Discussions”