Milkiilaha iskuulkaasi, Maxamed Siyaad Dhoore (Qaboobe) oo hada ku sugan dalka Holland ayaa iiga sheekeeyey dhibaatada ay geysteen Al-Shabaab , waxa uuna sheegay inuu si kulul u cambaareeynayo guud ahaan maamulka Al-Shabaab ee gobolka Banaadir talaabada xadgudubka ah ee ay ku qabsadeen iskuul wax lagu barto.
Iskuulka Shabaab qabsaday ayaa la yiraahdaa Towfiiq Two oo ku yaala degmada Yaashqiid, waxaana dhigan jiray 400 ilaa 600 oo arday isugu jirta wiilal iyo gabdho, iyadoo ardayda da’doodu ay u dhaxeysay 7 ilaa 18 jir.
Siyaad Dhoore waxa uu sheegay in maleeshiyo ka tirsan Al-Shabaab ay maalin khamiis ah oo taariikhda ay ku beegneyd 12-kii November ee sanadkii hore 2009-kii ay xoog ku qabsadeen iskuulka iyagoo ceyriyey dhamaan shaqaalahii halkaasi joogay ayna la wareegeen ardaydii wiilasha aheyd oo ay ka dhigteen askar u dagaalanta.
Dhoore ayaa sheegay in ardayda laga dhigay askar uu u xaqiijyey mid ka mida ardayda oo uu taleefoonka kula hadlay.
"Waxaa nasiib daro iyo ayaan xumo ah in ardaydii iskuulka laga qabsday ee waxbarashadooda laga joojiyey lagu qasbay dhamaantood inay ciidan u noqdaan shabaab," ayuu si caro leh u yiri Siyaad Dhoore.
"Waxaa ila soo hadlay oo taleefoon iigu sheegay shaqaalahii laga qabsaday iskuulka, waxaan ku iri taleefoonka iigu dhiib ninka madaxda u ah maleeshiyada Shabaabka ee meesha qabsaday, markii la iigu dhiibay salaan ka bacdi waxaan weydiiyey magaciisa, wuu diiday inuu ii sheego, waxaan weydiiyey in ay sax tahay inay iskuulka iyagu la wareegeen, markaasoo igu yiri si fiican waa sida laguu sheegay, ee u sheeg shaqaalaha ha isaga tageen meesha hal saac gudaheeda hadii kale waxaa laga qaadaa talaabo sharci ah, wixii ku yimaadana iyagaa ka masuul ah, waxaan ku iri iskuulka aad qabsateen ninkii iska lahaa ayaan ahay shaqaalahuna waa kuwa meesha ka shaqeyn jiray.Wuxuuna igu yiri ‘ninka aan maqalnay oo Yurub jooga miyaad tahay, Haa ayaan ku iri, markaasuu igu yiri nin Yurub jooga ma wada hadli karno waxna nagama wada dhexeeyaan,"
Siyaad Dhoore oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri "sababta iskuulka aad u qabsateen wax iiga sheega ayaan ku iri, wuxuuse iigu jawaabay madaxdeena ayaa na amartay inaan la wareegno iskuulkan, waxaana ku iri madaxdiinu waa kuwee, markaasuu igu yiri waa madaxda Islaamiga, markaasaan iri Islaamka waa badan yahee qolada aad tihiin ii sheeg, wuxuu igu yiri Al-Shabaab.
Waxaana ku iri ma og tihiin in meesha aad qabsateen ay tahay iskuul wax lagu barto, waxa uuna iigu jawaabay ‘adiga iyo wixii kula shaqeyn jiray calmaaniyiin ayaad aheydeen, calmaani dambena kama shaqeyn doono halkan,’
Ninka madaxda ee idin amray ii sheeg ayaan ku dhahay, wuxuuna iigu jawaabay ‘anga ninka na xukuma Gaagaale ayaa la dhahaa’ markaasaan iri magaciisa oo saddexan ii sheeg, markaasuu igu yiri makuu sheegayo, kaagana ii sheeg ayaan daba dhigay, waana iga diiday,’
Wuxuu igu wargeliyey in shaqaalaha aan u sheego in naftooda ay badbaadsadaan, ana sidii ayaan armay shaqaalaha, markaasi ka dib waxaan raadiyey waalidiinta ardaydii dhigan jirtay iskuulka si ay ula xaajoodaan qolaayinka iskuulka qabsaday.
Intaa ka dib, ayaan taleefoon haddaba kula hadlay nin ka mida waaladiinta oo ku sugnaa tuulada Caliyaale ee gobolka Sh/dhexe, waxaana ku iri iskuulkii Shabaab ayaa qabsaday, markaasoo igu yiri ‘waan ka war qabaa oo taleefoon ayaa la iigu sheegay waxaana ku iri adiga iyo waaladinta kale la hadla nimanka oo hanoo dhaafaan iskuulka, wuxuuna iigu jawaabay ‘nimankaasi lalama hadli karo, oo maxaa sabab ah ayaan iri, markaasoo iigu jawaabay sida looga baqo Ilaaheyna loogama baqo, sidaas darteena lama hadli karno ogow.
"War nimanka la hadla ayaan mar kale ku celiyey, wuxuuna iigu jawaabay ‘war ninyahow mala iikaa soo diray,’ waana iga dansaday taleefoonka".
Iskuulka ayaa ka kooban 21 qol oo isugu jira, 4 qol oo isku furan oo ah hoolka shirarka, hal xafiis iyo hal maktabad oo buugaagta lagu keydiyo, hal qol oo caafimaad ah oo ay taalay daawada ardayda, 10 fasal iyo 4 qol oo deegaan ah iyo 5 musqulood iyo barxad weyn oo lagu ciyaaro kubada koleyga.
Iskuulka ayaa ku fadhiya dhul dhan 40 x 60, waxa uuna ku sii jeedaa dhinaca koonfur, isagoo furnaa ilaa wixii ka dambeeyey 1992-dii.
Dhoore ayaa sheegay in dhismaha iskuulka markii hore uu ahaa jiray laanta towfiiq, ee deg Yaaqshiid, isagoo ka mid ka ahaa xubnahii xisbigii kacaanka dowladii hore ee degmada Yaaqshiid. Waxa uu intaa ku daray inuu ilaaliye looga dhigay laantaasi 1987-kii, isagoo mushaar ahaan u qaadan jiray 4,000 sh.so.
Siyaad Dhoore waxa uu yiri "1991-kii markii ay burburtay dowladii dhexe, ayaa waxaan ku sameeyey dayactir dhismaha laanta, waxaana markaasi ka dhisnaa 7 qol iyo 2 musqul, ka dib 1992-dii waxaan ku daray 14 qol iyo 3 musqul, anigoo markaasi ka dhigay iskuul wax lagu barto si aan shacabkaay uga faa’iideystaan shacabka degmada,"
Waxa uu ugu dambeyn ka codsanayaa dhamaan hay’adaha u dooda xaquuqa bani’aadanka kuwa gudaha iyo dibaddaba inay diiwaan geliyaan dhibaatada xanuunka badan oo ay Shabaab ii geysteen aniga , shaqaalahii iyo ardaydii iskuulka dhigan jirtay oo ay ku qasbeen inay askar u noqdaan, si beri loogu xisaabayo oo aan maxkamad ula koro.
Waxaan kaloo ka codsanayaa saxaafada madaxbanaan ee gudaha dalka in Shabaab suaalo ka weydiiyaan iskuulkaasi ayna askar uga dhigeen ardaydii dhiganaysay iskuulka.




these kids are recruited just to die in dhuusomareeb.very sad
